Matayos 2:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 23:22-23 : 22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo. 23 Sidaas daraaddeed soo arka oo soo wada ogaada meelaha uu ku gabbado ee uu ku dhuunto oo dhanba, oo mar kale igu soo noqda idinkoo aad u huba, markaasaan idin raaci doonaa, oo haddii uu dhulka dhex joogo, waxaan isaga ka dhex baadhi doonaa kumanyaalka reer Yahuudah oo dhan.
  • 2 Sam 15:7-9 : 7 ¶ Oo markay afartan sannadood dhammaadeen ayaa Absaaloom boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa aan Xebroon tagee, waayo, waxaan doonayaa inaan halkaas ku bixiyo nidar aan Rabbiga u galay. 8 Waayo, anoo addoonkaaga ah nidar baan galay intii aan joogay Geshuur oo ku taal Suuriya, oo waxaan idhi, Haddii Rabbigu Yeruusaalem mar kale igu celiyo, markaasaan Rabbiga allabari u bixin doonaa. 9 Boqorkiina wuxuu ku yidhi, Nabad ku tag. Kolkaasuu kacay oo tegey Xebroon. 10 Laakiinse Absaaloom jaajusiin buu u diray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Markaad buunka dhawaaqiisa maqashaan, waxaad tidhaahdaan, Absaaloom waa ku boqramay Xebroon. 11 Oo Absaaloomna Yeruusaalem waxaa ka raacay laba boqol oo nin, oo la marti qaaday, oo waxay tageen iyagoo xog la', oo aan waxba ogayn. 12 Oo Absaaloomna wuxuu magaaladii Giloh ahayd ugu cid dirsaday Axiitofel kii reer Giloh, oo ahaa Daa'uud taliyihiisa, intuu allabarigii bixinayay. Oo sirqoolkiina aad buu u xoog badnaa; waayo, dadkii Absaaloom la jiray way soo kordhayeen had iyo goorba.
  • 2 Sam 17:14 : 14 Markaasaa Absaaloom iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yidhaahdeen, Xuushay kii reer Arkii taladiisu way ka wanaagsan tahay taladii Axiitofel. Waayo, Rabbigu wuxuu ka dhigay in laga adkaado taladii wanaagsanayd oo Axiitofel, si Rabbigu Absaaloom shar ugu soo dejiyo.
  • 1 Boq 19:2 : 2 Markaasaa Yesebeel farriin u dirtay Eliiyaah oo ku tidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddaanan berrito hadda oo kale naftaada ka dhigin sidii mid iyaga ka mid ah naftiisii.
  • 2 Boq 10:18-19 : 18 ¶ Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa. 19 Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.
  • Cesr 4:1-2 : 1 ¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, 2 ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.
  • Ayuub 5:12-13 : 12 Madhnaan buu ka dhigaa talada khaa'innada, Si ayan gacmahoodu u oofin karin farsamadoodii. 13 Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa; Oo kuwa qalloocan taladoodana degdeg baa loo rogaa.
  • Sab 12:2-3 : 2 Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi. 3 Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
  • Sab 33:10-11 : 10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa. 11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
  • Sab 55:11-15 : 11 Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda. 12 Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga, 13 Laakiinse wuxuu ahaa adiga oo ah nin ila mid ah, Iyo jaalkay iyo saaxiibkay. 14 Si wanaagsan baynu u wada sheekaysan jirnay, Oo waxaynu ku dhex socon jirnay guriga Ilaah, innagoo guuto badan la soconna. 15 Dhimasho ha ku soo kediso iyaga, Oo iyagoo noolnool She'ool ha ku dhaceen, Waayo, xumaan baa ku jirta hoygooda iyo dhexdooda.
  • Maah 21:30 : 30 Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
  • Maah 26:24-25 : 24 Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa. 25 Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.
  • Yer 41:5-7 : 5 ayaa nimani waxay ka yimaadeen Shekem iyo Shiiloh iyo Samaariya, oo waxay ahaayeen siddeetan nin oo gadhadhkii iska xiiray, oo dharkoodiina jeexjeexay, oo jidhkoodii googooyay, oo gacmaha ku sida qurbaanno iyo foox ay guriga Rabbiga u wadaan. 6 Oo Ismaaciil ina Netanyaah wuxuu Misfaah uga tegey inuu iyaga ka hor tago aawadeed, isagoo ooyaya intuu sii socday oo dhan, oo markuu iyagii la kulmay wuxuu ku yidhi, Gedalyaah ina Ahiiqaam u kaalaya. 7 Oo markay magaalada dhexdeedii yimaadeen ayaa Ismaaciil ina Netanyaah kulligood wada laayay, oo isagii iyo raggii la socday meydkoodii god bay ku rideen.
  • Bar 3:37 : 37 Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin?
  • Mat 26:48-49 : 48 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.
  • Luuk 20:20-21 : 20 ¶ Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha. 21 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
  • 1 Kor 3:19-20 : 19 Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa, 20 oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 2:9-17
    9 aayado
    85%

    9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

    10oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.

    11Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.

    12Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.

    13¶ Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.

    14Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,

    15oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

    16¶ Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.

    17Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

  • Mat 2:1-7
    7 aayado
    84%

    1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

    2Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.

    3Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.

    4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

    5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

    6Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

    7¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.

  • Luuk 2:12-18
    7 aayado
    78%

    12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.

    13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

    14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.

    15¶ Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.

    16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.

    17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.

    18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.

  • Mat 2:19-23
    5 aayado
    75%

    19¶ Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,

    20Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.

    21Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.

    22Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.

    23Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

  • 20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

  • Luuk 2:6-9
    4 aayado
    72%

    6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

    7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

    8¶ Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.

    9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

  • Luuk 2:42-46
    5 aayado
    72%

    42Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.

    43Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,

    44laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.

    45Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.

    46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.

  • 4Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,

  • 27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,

  • 39¶ Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

  • Luuk 23:7-8
    2 aayado
    69%

    7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.

    8¶ Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko.

  • 32Markaasay kuwii la diray tageen oo heleen sidii lagu yidhi.

  • 2¶ Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.

  • 22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

  • Luuk 2:48-49
    2 aayado
    68%

    48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

    49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?

  • 18Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.

  • 19Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.