Luukos 2:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 5:2 : 2 ¶ Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.
  • Yoox 7:42 : 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
  • Mat 2:23 : 23 Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.
  • Luuk 1:26-27 : 26 ¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray 27 ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.
  • 1 Sam 16:1 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.
  • 1 Sam 16:4 : 4 Oo Samuu'eelna wuxuu Rabbigu kala hadlay ayuu sameeyey, wuxuuna yimid Beytlaxam. Oo odayaashii magaaladuna way ka hor tageen, iyagoo gariiraya, oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad ma u timid?
  • 1 Sam 17:12 : 12 ¶ Haddaba Daa'uud wuxuu ahaa wiil uu dhalay nin reer Efraad ah oo deggan Beytlaxamta reer Yahuudah, oo magiciisana la yidhaahdo Yesay; oo isna wuxuu lahaa siddeed wiil; oo ninkaasuna wuxuu ahaa nin duq ah oo joogay wakhtigii Saa'uul, oo dadkana aad buu ugu dhex gaboobay.
  • 1 Sam 17:58 : 58 Markaasaa Saa'uul ku yidhi, Inanyahow, ina ayaad tahay? Oo Daa'uudna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay wiilkii addoonkaaga Yesay ee reer Beytlaxam.
  • 1 Sam 20:6 : 6 Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.
  • Bil 35:19 : 19 Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.
  • Bil 48:7 : 7 Anigana, markii aan ka imid Fadan ayaa Raaxeel igaga dhimatay dalkii Kancaan waddada loo maro, intaanan weli Efrad soo gaadhin; oo kolkaasaan iyadii ku aasay waddada loo maro Efrad, meeshaasuna waa Beytlaxam.
  • Ruud 1:19 : 19 Sidaas daraaddeed labadoodiiba way israaceen ilaa ay yimaadeen Beytlaxam. Oo markay Beytlaxam yimaadeen, magaaladii oo dhammu waa ku soo ururtay, oo dumarkiina waxay yidhaahdeen, Tanu ma Nimco baa?
  • Ruud 2:4 : 4 Oo bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.
  • Ruud 4:11 : 11 Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow.
  • Ruud 4:17 : 17 Markaasaa dumarkii deriska u ahaa magac u bixiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Wiil baa u dhashay Nimco, oo magiciisiina waxay u bixiyeen Coobeed; oo isagu waa Yesay aabbihiis, kii Daa'uud dhalay.
  • Luuk 3:23-31 : 23 ¶ Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli, 24 kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna, 25 kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Caamoos, kan ahaa ina Na'uum, kan ahaa ina Esli, kan ahaa ina Naggay, 26 kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda, 27 kan ahaa ina Yo'anna, kan ahaa ina Reesa, kan ahaa ina Serubaabel, kan ahaa ina Salaatii'eel, kan ahaa ina Neeri, 28 kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Addi, kan ahaa ina Koosam, kan ahaa ina Elmoodam, kan ahaa ina Ceer, 29 kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, 30 kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim, 31 kan ahaa ina Mele'as, kan ahaa ina Menna, kan ahaa ina Matata, kan ahaa ina Naataan, kan ahaa ina Daa'uud,
  • Luuk 4:16 : 16 ¶ Markaasuu wuxuu yimid Naasared oo ahayd meeshuu ku koray, oo maalintii sabtida sida caadadiisu ahayd ayuu sunagogga galay, wuuna istaagay inuu wax akhriyo.
  • Yoox 1:46 : 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
  • Mat 1:1-9 : 1 ¶ Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim. 2 ¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis, 3 Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam, 4 Araamna wuxuu dhalay Caminadaab, Caminadaabna wuxuu dhalay Naasoon, Naasoonna wuxuu dhalay Salmoon, 5 Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, 6 Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud. Daa'uudna wuxuu naagtii Uuriyaah qabi jiray ka dhalay Sulaymaan, 7 ¶ Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abyaah, Abyaahna wuxuu dhalay Aasaa, 8 Aasana wuxuu dhalay Yoosafaad, Yoosafaadna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusyaah, 9 Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah, 10 Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah, 11 Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekonyaah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey. 12 ¶ Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel, 13 Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor, 14 Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud, 15 Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub, 16 Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay. 17 ¶ Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.
  • Mat 2:1-6 : 1 ¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh, 2 Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno. 3 Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan. 4 Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa. 5 Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray, 6 Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.
  • Ruud 4:21-22 : 21 Salmoonna wuxuu dhalay Bocas, Bocasna wuxuu dhalay Coobeed; 22 Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, Yesayna wuxuu dhalay Daa'uud.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 2:1-3
    3 aayado
    83%

    1¶ Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.

    2Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.

    3Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.

  • Luuk 2:5-7
    3 aayado
    83%

    5in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.

    6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

    7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

  • Mat 2:4-6
    3 aayado
    77%

    4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

    5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

    6Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

  • Luuk 1:26-27
    2 aayado
    76%

    26¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

    27ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.

  • Mat 1:15-20
    6 aayado
    76%

    15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

    16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.

    17¶ Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.

    18¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.

    19Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo.

    20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.

  • Mat 2:21-23
    3 aayado
    75%

    21Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.

    22Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.

    23Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

  • 39¶ Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

  • Mat 1:22-25
    4 aayado
    73%

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

    24Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay;

    25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

  • 42Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?

  • 2¶ Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.

  • Luuk 2:15-16
    2 aayado
    72%

    15¶ Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.

    16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.

  • Mat 2:13-15
    3 aayado
    72%

    13¶ Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.

    14Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,

    15oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.

  • Mat 4:13-14
    2 aayado
    72%

    13oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,

    14inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

  • 1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

  • 39¶ Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

  • 24kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,

  • 17Oo iyana intay tageen ayay Geeruud Kimhaam oo Beytlaxam ku ag yiil degeen, si ay u tagaan oo ay Masar u galaan reer Kaldayiin aawadood,

  • Mat 1:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim.

    2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 32Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

  • Mat 2:8-9
    2 aayado
    70%

    8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

    9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

  • 18Oo isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.

  • 8Markaasuu ninkii ka baxay magaaladii ahayd Beytlaxam Yahuudah, inuu dego meel uu heli karo; oo intuu socday ayuu yimid gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.

  • Luuk 3:29-30
    2 aayado
    69%

    29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,

    30kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim,

  • 22Coobeedna wuxuu dhalay Yesay, Yesayna wuxuu dhalay Daa'uud.

  • 5¶ Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

  • 12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.