Luukos 2:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 8:18 : 18 Bal eega, aniga iyo carruurta Rabbigu i siiyeyba waxaannu reer binu Israa'iil u nahay calaamado iyo yaabab ka yimid xagga Rabbiga ciidammada oo deggan Buur Siyoon.
  • Luuk 1:65-66 : 65 Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan. 66 Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.
  • Luuk 2:33 : 33 Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
  • Luuk 2:47 : 47 Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
  • Luuk 4:36 : 36 Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.
  • Luuk 5:9-9 : 9 Maxaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen. 10 Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 2:19-20
    2 aayado
    86%

    19Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.

    20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.

  • Luuk 2:6-17
    12 aayado
    86%

    6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,

    7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.

    8¶ Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.

    9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

    10Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.

    11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.

    12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.

    13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

    14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.

    15¶ Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.

    16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.

    17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.

  • Luuk 2:32-33
    2 aayado
    78%

    32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.

    33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.

  • Luuk 1:65-66
    2 aayado
    76%

    65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.

    66Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

  • Luuk 2:47-48
    2 aayado
    74%

    47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.

    48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

  • Mat 2:7-11
    5 aayado
    72%

    7¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.

    8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.

    9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,

    10oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.

    11Markaasay gurigii galeen oo waxay arkeen ilmihii iyo Maryan hooyadiis, wayna dhaceen oo caabudeen isaga, oo intay khasnadahoodii fureen waxay isaga u dhiibeen hadiyado dahab iyo beeyo iyo malmal ah.

  • 7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

  • 5Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.

  • 29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?

  • 12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

  • Mat 1:22-23
    2 aayado
    71%

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

  • Mat 2:1-5
    5 aayado
    71%

    1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,

    2Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.

    3Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.

    4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.

    5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,

  • 26Markaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh.

  • 39¶ Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.

  • 20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.

  • 45Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 21Dadkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.

  • 50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.

  • 12¶ Dadkii badnaa oo dhammu way wada aamuseen; wayna dhegaysteen Barnabas iyo Bawlos markay uga warramayeen intay ahaayeen calaamooyinkii iyo yaababkii Ilaah gacantooda ku sameeyey dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda.

  • 35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

  • 58Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • 38Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.

  • 16¶ Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.

  • 18¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.