Luukos 2:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tim 5:5 : 5 Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa.
  • Fal 14:23 : 23 Oo markay iyagii kiniisad walba waayeello uga dooreen oo ay soon ku tukadeen, waxay iyagii ku ammaana geliyeen Rabbiga ay rumaysteen.
  • Fal 26:7 : 7 Oo laba iyo tobankayaga qabiilba waxay Ilaah aad ugu adeegaan habeen iyo maalinba iyagoo rajaynaya in ay ballankaas helaan. Haddaba boqorow, Yuhuuddu waxay igu ashtakeeyeen wax rajadaas ku saabsan!
  • Fal 13:3 : 3 Markay soomeen oo duceeyeen oo gacmahoodii saareen dabadeed ayay direen iyagii.
  • Muj 3:12 : 12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.
  • Muj 7:15 : 15 Sidaas daraaddeed waxay joogaan carshiga Ilaah hortiisa; oo waxay isaga ugu adeegaan macbudkiisa habeen iyo maalinba; oo kan carshiga ku fadhiyaana wuxuu dushooda ka dhisan doonaa taambuuggiisa.
  • Bax 38:8 : 8 ¶ Oo berkeddii weysada iyo salkeedii wuxuu ka sameeyey naxaas, taasoo laga helay muraayadihii dumarka ka adeegi jiray teendhada shirka iriddeeda.
  • 1 Sam 2:2 : 2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
  • Sab 22:2 : 2 Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
  • Sab 23:6 : 6 Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
  • Sab 27:4 : 4 Wax keliya ayaan Rabbiga ka baryay, oo taas aad baan u doonayaa, Waana inaan cimrigayga oo dhan dhex degganaado guriga Rabbiga, Oo aan fiiriyo Rabbiga quruxdiisa, oo aan wax ku baryo macbudkiisa.
  • Sab 84:4 : 4 Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.
  • Sab 84:10 : 10 Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.
  • Sab 92:13 : 13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.
  • Sab 135:1-2 : 1 Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana, 2 Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.
  • Luuk 5:33 : 33 ¶ Waxay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 36¶ Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.

  • 38Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.

  • 5Waayo, tii carmal run ah oo cidlootay, waxay rajo ku leedahay Ilaah, habeen iyo maalinna baryada iyo tukashada way sii waddaa.

  • 1 Tim 5:9-10
    2 aayado
    67%

    9Ha la qoro carmal aan lixdan sannadood ka yarayn oo nin keliya naag u ahaan jirtay,

    10oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.

  • Luuk 21:2-4
    3 aayado
    67%

    2Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa.

    3Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen.

    4Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

  • Luuk 1:7-8
    2 aayado
    67%

    7Ilmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.

    8¶ Waxaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

  • 53oo goor walbaba macbudka ayay ku jireen iyagoo Ilaah ammaanaya.

  • 25Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday.

  • 66%

    42Markaasaa waxaa yimid carmal miskiin ah. Iyadu waxay ku ridday laba lacag ah oo yaryar oo qiimadood beesad tahay.

    43Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii.

    44Waayo, kulligood waxay kaga rideen waxoodii badnaa, iyaduse miskiinnimadeeday kaga ridday wixii ay lahayd oo dhan, xataa wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

  • 66%

    10Iyadu aad bay u murugootay, oo intay ooyday ayay Rabbiga bariday.

    11Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.

    12Oo intii ay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii.

    13Haddaba Xannaah waxay ka hadlaysay qalbigeeda, oo bushimaheeda keliya ayaa dhaqdhaqaaqayay, laakiinse codkeedii lama maqlin; sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu mooday inay sakhraantay.

  • 26Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.

  • 23Kolkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii.

  • Luuk 18:2-3
    2 aayado
    64%

    2Waxaa magaalo joogay xaakin aan Ilaah ka baqi jirin, ninnana aan danayn jirin.

    3Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.

  • 29Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,

  • 10Saacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.

  • 14Oo isna wuxuu yidhi, Haddaba maxaa loo sameeyaa iyada? Kolkaasaa Geexasii wuxuu ku jawaabay, Runtii iyadu wiil ma leh, oo ninkeeduna waa oday.

  • Fal 9:39-41
    3 aayado
    63%

    39Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.

    40Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay.

    41Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.

  • 36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

  • Fal 9:36-37
    2 aayado
    63%

    36¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay.

    37Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare.

  • 11Oo bal eeg, waxaa joogtay naag siddeed iyo toban sannadood cudur qabtay, wayna isku soo jabnayd, mana ay kari karin inay istoosiso.

  • 3iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.

  • 5weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.

  • 22Laakiinse Xannaah ma ay tegin, waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, dabadeedna waan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo uu halkaas joogo weligiisba.

  • 2Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray.

  • 5¶ Wakhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

  • 18Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.

  • 12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.

  • 25¶ Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.

  • 18Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.

  • 30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

  • 9Markaasay ninkeedii ku tidhi, Bal eeg, waxaan gartay in ninkan oo had iyo goor ina soo ag maraa uu yahay nin Ilaah oo quduus ah.

  • 3¶ Maamuus carmallada runta ah oo nimankoodii ka dhinteen,

  • 43¶ Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,

  • 75Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.

  • 15Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.

  • 7Oo intuu saas yeelayay sannad ka sannad, markii ay gurigii Rabbiga tagtay, ayay ka xanaajisay iyadii, taas daraaddeed way ooyday, oo waxba ma ay cunin.

  • 2Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.