Luukos 20:36

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 22:30 : 30 Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.
  • Muj 21:4 : 4 oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.
  • Muj 22:2-5 : 2 iyo jidkii magaalada dhexdiisa. Webiga dhankiisan iyo dhankiisaasba waxaa ku yiil geedkii nolosha oo dhalaya laba iyo toban cayn oo midho ah, oo midhihiisana dhalaya bil kasta; oo geedka caleemihiisuna waxay quruumaha u ahaayeen bogsiin. 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda. 5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.
  • Muj 22:9 : 9 Oo haddana waxay igu tidhi, Iska jir oo saas ha yeelin, waayo, anigu waxaan addoon la ahay adiga iyo nebiyada walaalaha ah iyo kuwa xajiya erayada kitaabkan; haddaba Ilaah caabud.
  • Ish 25:8 : 8 Oo dhimashadana weligeed buu liqay, Sayidka Rabbiga ahuna weji kastaba ilmada wuu ka tirtiri doonaa, oo ceebta dadkiisana dhulka oo dhan wuu ka qaadi doonaa, waayo, sidaasuu Rabbigu ku hadlay.
  • Hos 13:14 : 14 Anigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.
  • Sak 3:7 : 7 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid.
  • Mark 12:25 : 25 Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira.
  • Room 8:17-23 : 17 Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga. 18 ¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono. 19 Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah. 20 Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis, 21 taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah. 22 Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan. 23 Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.
  • 1 Kor 15:26 : 26 Oo cadaawaha ugu dambeeya ee la baabbi'in doonaa waa dhimasho.
  • 1 Kor 15:42 : 42 Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.
  • 1 Kor 15:49 : 49 Oo sidaynu ugu eg nahay kan cammuudda ah, sidaas oo kale ayaynu ugu ekaan doonnaa kan jannada.
  • 1 Kor 15:52-54 : 52 dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa. 53 Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta. 54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii.
  • Fil 3:21 : 21 Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.
  • 1 Tes 4:13-17 : 13 ¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn. 14 Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga. 15 Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay. 16 Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan, 17 dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.
  • 1 Yoox 3:1-2 : 1 ¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin. 2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
  • Muj 5:6-9 : 6 ¶ Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan. 7 Oo isna intuu yimid ayuu kitaabkii ka qaatay kii carshigii ku fadhiyey gacantiisii midigtaa. 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta. 9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta, 10 oo waxaad iyagii ka dhigtay inay Ilaaheenna u ahaadaan boqortooyo iyo wadaaddo; oo iyana dhulka ayay wax ku xukumi doonaan. 11 ¶ Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun; 12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad. 13 Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood. 14 Markaasaa afartii xayawaan waxay yidhaahdeen, Aamiin. Odayaashiina way dhaceen oo sujuudeen.
  • Muj 7:9-9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed. 10 Oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn, iyagoo leh, Badbaado waxaa leh Ilaahayaga carshiga ku fadhiya iyo Wanka. 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen, 12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.
  • Muj 20:6 : 6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    32Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.

    33Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,

    35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,

  • 83%

    23Wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay iyaga kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.

    24Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Sidaa darteed miyaydnaan qaldamin? Waayo, Qorniinka iyo xoogga Ilaah midna garan maysaan.

    25Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira.

    26Oo xagga kuwii dhintay in la sara kiciyo miyaydnaan kitaabkii Muuse ka akhriyin sidii Ilaah geedkii ugala soo hadlay oo yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub?

    27Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool. Idinku aad baad u qaldan tihiin.

  • Mat 22:28-32
    5 aayado
    83%

    28Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.

    29Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad qaldan tihiin oo garan maysaan Qorniinka iyo xoogga Ilaah.

    30Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.

    31Laakiin xagga sarakicidda kuwii dhintay miyaydnaan akhriyin wixii Ilaah idinkula hadlay, markuu yidhi,

    32Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.

  • 76%

    37Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.

    38Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.

  • Muj 20:5-6
    2 aayado
    71%

    5Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.

    6Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

  • 50¶ Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta.

  • 9Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.

  • 67%

    27¶ Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.

    28Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.

    29Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.

  • 67%

    25Ciise ayaa ku yidhi, Anigu waxaan ahay sarakicidda iyo nolosha. Kii i rumaystaa, in kastoo uu dhinto, wuu noolaan doonaa.

    26Kii kasta oo nool oo i rumaystaa weligii ma dhiman doono. Waxan ma rumaysan tahay?

  • 30oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

  • 42Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla'aan.

  • 18¶ Markaasaa waxaa u yimid Sadukiin kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto. Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen,

  • Yoox 5:28-29
    2 aayado
    66%

    28Taas ha la yaabina, waayo, saacaddu waa imanaysaa markii kuwa xabaalaha ku jiraa dhammaantood ay codkiisa maqli doonaan,

    29wayna ka soo bixi doonaan, kuwa wanaagga falay ilaa sarakicidda nolosha, kuwa sharka falayna ilaa sarakicidda xukunka.

  • 38Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,

  • 65%

    52dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa.

    53Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta.

  • 25Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Saacaddu waa imanaysaa, waana joogtaa, markii kuwii dhintay codkii Wiilka Ilaah ay maqli doonaan, oo kuwa maqlaana way noolaan doonaan.

  • 21Sida Aabbuhu kuwa dhintay u kiciyo oo u nooleeyo ayuu Wiilkuna sidaas oo kale u nooleeyaa kuwuu doonayo.

  • 28Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imanaya.

  • 35Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.

  • 16Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan,

  • 2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.

  • 27Laakiin run baan idiin sheegayaa, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah.

  • 10¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.

  • 14oo aad barakaysnaan doontaa, waayo, iyagu maleh waxa ay kuugu abaalgudaan, laakiin waxaa laguu abaalgudi doonaa wakhtiga sarakicidda kuwa xaqa ah.

  • 8Maxaa yeelay, Sadukiintu waxay yidhaahdaan, Ma jiraan sarakicidda ama malaa'ig ama ruuxba; laakiin Farrisiintu kulligoodba way qirtaan.

  • 4oo aynu helno dhaxal aan dhammaanayn, oo aan nijaasoobayn, oo aan baabba'ayn, oo jannada laydiinku kaydiyey.

  • 17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • 9Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.

  • 9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

  • 14Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.

  • 26Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix.

  • 51Markaasuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaad arki doontaan samadoo furan iyo malaa'igaha Ilaah oo kor u kacaya oo ku soo degaya Wiilka Aadanaha.