Rooma 8:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, waxaan hubaa inaan dhimashada, ama nolosha, ama malaa'igaha, ama kuwa madaxda ah, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, ama kuwa xoogga leh,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:28 : 28 Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.
  • 1 But 3:22 : 22 Ciise Masiix jannaduu galay oo wuxuu joogaa gacanta midigta oo Ilaah, oo malaa'igaha iyo kuwa amarka leh iyo kuwa xoogga leh oo dhanba waa laga hoosaysiiyey isaga.
  • Ef 1:21 : 21 Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.
  • 2 Kor 5:4-8 : 4 Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya. 5 Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey. 6 Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay, 7 waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga. 8 Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.
  • 1 Kor 3:22-23 : 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh. 23 Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
  • 1 But 5:8-9 : 8 ¶ Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. 9 Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira. 10 Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa.
  • Kol 1:16 : 16 waayo, wax kastaba isagaa uumay, waxyaalaha samooyinka ku jira, iyo waxyaalaha dhulka joogaba, waxyaalaha la arki karo iyo waxyaalaha aan la arki karinba, hadday yihiin carshiyo ama sayidnimo ama madax ama amarro; wax walba isagaa uumay oo loo uumay.
  • Kol 2:15 : 15 Isagu hubkuu ka qaaday taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, oo bayaan ayuu u ceebeeyey, isagoo iyaga kaga guulaysanaya.
  • 2 Tim 1:12 : 12 Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.
  • Cib 11:13 : 13 ¶ Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.
  • 1 Kor 15:54-58 : 54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii. 55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii? 56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga. 57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix. 58 Sidaa daraaddeed, walaalahaygii aan jeclahayow, noqda kuwa adag, oo aan dhaqaaqayn, oo had iyo goorba shuqulka Rabbiga si aad ah u sameeya, idinkoo og hawshiinnu inayan khasaare ahayn xagga Rabbiga.
  • 2 Kor 4:13 : 13 Waxaannu leennahay isku ruuxa ee rumaysadka, sida qoran, waan rumaystay, taas aawadeed ayaan u hadlay; annaguna waan rumaysannaa, taas aawadeedna waannu u hadallaa.
  • Room 4:21 : 21 oo aad u huba in wixii uu u ballanqaaday uu samayn karo.
  • Ef 6:11-12 : 11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan. 12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.
  • Fil 1:20-23 : 20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba. 21 ¶ Waayo, aniga waxaa nolosha ii ah Masiixa, oo dhimashaduna waa ii faa'iido. 22 Laakiinse inaan jidhka ku sii noolaado, hadday taasu tahay midhaha hawshayda, waxaan doorto garan maayo. 23 Laakiinse anigu labada dhexdoodaan ku dhibtoonayaa, oo waxaan jeclahay inaan tago oo Masiixa la joogo, waayo, taasu aad bay iigu roon tahay,
  • 2 Kor 11:14 : 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka.
  • Room 14:8 : 8 Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 39ama kor, ama hoos, ama uun kaleeto inaga sooci karin jacaylka Ilaah oo ku jira Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Room 8:30-37
    8 aayado
    81%

    30Oo kuwuu hore u doortayna, haddana wuu u yeedhay, kuwuu u yeedhayna, haddana xaq buu ka dhigay, kuwuu xaq ka dhigayna, haddana wuu ammaanay.

    31¶ Haddaba maxaan waxyaalahan ka nidhaahnaa? Haddii Ilaah inala gees yahay, yaa inaga gees ah?

    32Kii aan xataa Wiilkiisa lexejeclaysan, laakiinse innaga dhammaanteen u bixiyey, sidee buusan wax walbana inoola siin doonin isaga?

    33Yaa ashtakayn doona kuwa Ilaah doortay? Waa Ilaah kan wax xaq ka dhigaa.

    34Waa ayo kan wax xukumi doonaa? Waa Ciise Masiix kii dhintay, oo haddana kuwii dhintay ka sara kacay, oo Ilaah midigtiisa jooga, oo haddana inoo duceeya innaga.

    35Yaa jacaylka Masiixa inaga sooci doona? Ma dhibaato, mise cidhiidhi, mise silic, mise baahi, mise arrad, mise khatar, mise seef?

    36Sida qoran, Adiga daraaddaa ayaa lanoo laayaa maalinta oo dhan, Waxaa lanoo tiriyey sida ido la qalayo.

    37Maya, waxyaalahan oo dhan dhexdooda aad baynu ugu guulaysannaa kii ina jeclaa xaggiisa.

  • Room 8:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Sidaas daraaddeed, kuwa Ciise Masiix ku dhex jiraa, haatan xukun ma laha.

    2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

  • 18¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.

  • Room 14:8-9
    2 aayado
    71%

    8Waayo, haddii aynu nool nahay, Rabbigaynu u nool nahay; oo haddii aynu dhimannona, Rabbigaynu u dhimannaa, sidaas daraaddeed haddii aynu nool nahay iyo haddii aynu dhimannoba, Rabbigaa ina leh.

    9Waayo, sababtaasaa Masiixu u dhintay, una soo noolaaday inuu Rabbi u noqdo kuwii dhintay iyo kuwa noolba.

  • 70%

    21Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,

    22ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.

  • 28Oo waxaynu og nahay in wax waliba wanaag ugu wada shaqeeyaan kuwa Ilaah jecel, xataa kuwa qasdigiisa loogu yeedhay.

  • 13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.

  • Room 8:5-6
    2 aayado
    69%

    5Waayo, kuwa sida jidhka u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha jidhka, laakiinse kuwa sida Ruuxa u socdaa, waxay ka fikiraan waxyaalaha Ruuxa.

    6Jidhka kafikiriddiisu waa dhimashada, laakiinse Ruuxa kafikiriddiisu waa nolosha iyo nabadda,

  • Room 6:8-9
    2 aayado
    69%

    8Laakiinse haddaynu Masiixa la dhimannay, waxaynu rumaysan nahay inaynu haddana isaga la noolaan doonno.

    9Waynu og nahay in Masiixa oo kuwii dhintay ka sara kacay uusan mar dambe dhimanayn; dhimashadu mar dambe u talin mayso.

  • 28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.

  • 2 Kor 5:7-8
    2 aayado
    68%

    7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

    8Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.

  • 12Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira.

  • 21Oo wuxuu isaga ka sarreeysiiyey madax kasta, iyo amar kasta, iyo xoog kasta, iyo sayidnimo kasta, iyo magac kasta oo la magacaabay, mana aha wakhtigan oo keliya, laakiinse xataa kan imanaya.

  • 12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

  • Fil 1:19-20
    2 aayado
    67%

    19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

    20sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.

  • Room 8:8-9
    2 aayado
    67%

    8Kuwa jidhka ku dhex jiraana kama farxin karaan Ilaah.

    9Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.

  • 2 Kor 4:8-9
    2 aayado
    67%

    8Wax walba waa lanagu dhibay, laakiin lanama cidhiidhiyin, waannu qalbi walaacnay, laakiin ma aannu quusan,

    9waa lana silciyey, laakiin lanama dayrin, hoos baa lanoo tuuray, laakiin lanama baabbi'in.

  • 24Laakiin naftayda uma xisaabo sidii mid qiimo ila leh, si aan u dhammeeyo tartankayga iyo shuqulkii aan Rabbi Ciise ka helay inaan u markhaati furo injiilkii nimcadii Ilaah.

  • 2 Kor 10:3-4
    2 aayado
    66%

    3Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno,

    4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.

  • 18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

  • 8Ninna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.

  • 12Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.

  • 36waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.

  • 5¶ Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin.

  • 12¶ Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, wax baa inagu waajib ah, laakiin waajib inooguma aha jidhka, inaynu u noolaanno sida jidhka,

  • 15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.

  • 2 Tim 1:7-8
    2 aayado
    65%

    7Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.

    8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.

  • 28Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.

  • 25Waan aaminsanahay oo waan ogahay inaan sii joogi doono, oo aan kulligiin idinla sii joogi doono horumarkiinna iyo farxadda rumaysadkiinna aawadood,

  • 6Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?

  • 8Waayo, annagu ma samayn karno wax runta ka gees ah, laakiinse waxaannu samayn karnaa wax runta la jira.