Luukos 22:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Dhexdoodana waxaa ku jirtay dood ku saabsanayd midkood lagu tirinaya inuu ugu weyn yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 9:46 : 46 ¶ Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.
  • Mark 9:34 : 34 Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.
  • Mark 10:37-41 : 37 Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada. 38 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? 39 Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, 40 laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey. 41 ¶ Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan.
  • Mat 20:20-24 : 20 ¶ Markaasaa waxaa u timid wiilashii Sebedi hooyadood iyadoo wadata wiilasheedii, wayna u sujuudday oo wax ka bariday. 21 Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan. 22 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. 23 Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey. 24 ¶ Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen.
  • Room 12:10 : 10 Kalgacayl walaalnimo isku wada jeclaada, midkiinba midka kale ha hor derejeeyo.
  • 1 Kor 13:4 : 4 ¶ Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro,
  • Fil 2:3-5 : 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay. 4 Midkiin waluba yuusan fiiro u lahaan waxyaalihiisa, laakiinse midkiin waluba fiiro ha u lahaado waxyaalaha kuwa kale. 5 ¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.
  • Yac 4:5-6 : 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • 1 But 5:5-6 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. 6 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 9:46-47
    2 aayado
    85%

    46¶ Waxaa ka dhex kacday dood ay islahaayeen, Kee baa ahaan doonaa kan inoo weyn.

    47Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,

  • Mark 9:33-35
    3 aayado
    84%

    33¶ Markaasuu yimid Kafarna'um, oo intuu gurigii joogay ayuu weyddiiyey, Maxaad ka wada hadlayseen intaad jidka ku soo socoteen?

    34Laakiin way aamuseen, waayo, intay jidka ku socdeen waxay ka wada hadlayeen kan ugu weyn.

    35Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.

  • 23Markaasay waxay bilaabeen inay dhexdooda isweyddiiyaan midkood waxan yeeli doona.

  • 77%

    25Markaasuu ku yidhi, Quruumaha boqorradoodu ay u taliyaan iyaga, kuwa xukun ku lehna waxaa la yidhaahdaa, Wanaagfalayaal.

    26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.

    27Waayo, kee baa weyn, ma kan cuntada u fadhiya baa mise waa kan adeega? Miyaanu ahayn kan cuntada u fadhiya? Aniguse sida kan adeega ayaan idiin dhex joogaa.

    28Idinku waxaad tihiin kuwa ila sii joogay markii lay jirrabayay.

  • 1¶ Saacaddaas ayaa xertii u timid Ciise oo waxay ku yidhaahdeen, Yaa haddaba boqortooyada jannada ugu weyn?

  • Mat 20:23-28
    6 aayado
    77%

    23Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.

    24¶ Tobankii goortay taas maqleen ayay labadii walaalaha ahayd u cadhoodeen.

    25Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in quruumaha madaxdoodu ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.

    26Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

    27oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,

    28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

  • 76%

    41¶ Tobankii goortay taas maqleen waxay bilaabeen inay Yacquub iyo Yooxanaa u cadhoodaan.

    42Laakiin Ciise baa u yeedhay oo ku yidhi, Idinku waad garanaysaan in kuwa loo malaynayo inay quruumaha madaxdooda yihiin ay u taliyaan, oo kuwooda u waaweynna ay xukun ku leeyihiin.

    43Laakiin sidaasu dhexdiinna ma aha, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

    44oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.

  • Mat 23:11-12
    2 aayado
    75%

    11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

    12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 71%

    35¶ Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.

    36Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaan idiin sameeyo?

    37Waxay ku yidhaahdeen, Na sii inaannu fadhiisanno mid midigtaada, kii kalena bidixdaada xaggii ammaantaada.

  • 7¶ Goortuu arkay kuwii loo yeedhay siday kursiyada hore u doorteen, ayuu masaal kula hadlay oo ku yidhi,

  • 21Wuxuu ku yidhi, Maxaad doonaysaa? Waxay ku tidhi, Amar in labadaydan wiil mid midigtaada, midna bidixdaada, boqortooyadaada ka fadhiistaan.

  • 22Markaasay xertii is-eegeegeen iyagoo aan garanaynin kii uu ka hadlayay.

  • Mat 20:16-17
    2 aayado
    67%

    16Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

    17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • 67%

    13¶ Oo mid dadka ka mid ah ayaa ku yidhi, Macallimow, walaalkay u sheeg inuu dhaxalka ila qaybsado.

    14Laakiin wuxuu ku yidhi, Ninkow, yaa iiga kiin dhigay xukume ama qaybiye?

  • 24¶ Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo.

  • Mat 21:23-24
    2 aayado
    67%

    23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

    24Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

  • 30Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.

  • 11Waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa; oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 3Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

  • 4Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,

  • 28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • 14Haddaba haddaan cagaha idiin maydhay anigoo ah Sayidka iyo Macallinka, idinkuna waa inaad cagaha isu maydhaan.

  • 39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

  • 2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

  • 19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

  • 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

  • 4ayuu cashadii ka kacay oo dharkii iska dhigay, tuwaalna wuu qaatay oo guntaday.