Luukos 3:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 1:5 : 5 waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
  • Yoox 1:26 : 26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin
  • Yoox 1:33 : 33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.
  • Mat 3:11 : 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.
  • Mark 1:7-8 : 7 Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo. 8 Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
  • Yoel 2:28-29 : 28 ¶ Oo markaas dabadeedna anigu ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan, oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, oo odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan, oo raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, 29 oo weliba maalmahaas addoommada rag iyo dumarba ruuxaygaan ku shubi doonaa.
  • Fal 11:15-16 : 15 Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana. 16 Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 19:4-5 : 4 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise. 5 Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.
  • 1 Kor 12:13 : 13 Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.
  • Mal 3:2-3 : 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha. 3 Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
  • Fal 13:24-25 : 24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda. 25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
  • Yoox 7:38 : 38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
  • Fal 2:3-4 : 3 Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta. 4 Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.
  • Fal 2:17-18 : 17 Ilaah baa yidhi, Maalmaha ugu dambaysta waxyaalahanu waa noqon doonaan, Ruuxayga ayaan ku shubi doonaa dad oo dhan; Oo wiilashiinna iyo hablihiinnu wax bay sii sheegi doonaan, Raggiinna dhallinyarada ahuna wax bay arki doonaan, Odayaashiinnuna riyooyin bay ku riyoon doonaan; 18 Haah, oo maalmahaas addoommadayda, rag iyo dumarba, Ruuxaygaan ku shubi doonaa, iyaguna wax bay sii sheegi doonaan.
  • Fal 2:33 : 33 Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.
  • Fal 10:44 : 44 ¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan.
  • Sak 13:9 : 9 Oo anna daloolka saddexaad dab baan dhex marsiin doonaa, oo waxaan u kala miiri doonaa sida lacag loo miiro, oo waxaan u tijaabin doonaa sida dahabka loo tijaabsho. Magacaygay igu baryi doonaan oo anna waan maqli doonaa, oo waxaan odhan doonaa, Iyagu waa dadkaygii, oo iyana midkood kastaaba wuxuu odhan doonaa, Rabbigu waa Ilaahay.
  • Maah 1:23 : 23 Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
  • Ish 4:4 : 4 markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
  • Ish 32:15 : 15 ilaa Ruuxa xagga sare nalagu kor shubo, oo cidladuna ay noqoto beer midho badan, oo beerta midhaha badanna sida duud oo kale lagu tiriyo.
  • Ish 44:3-4 : 3 Waayo, kii oomman biyaan ku shubi doonaa. Ruuxayga ayaan farcankiinna ku daadin doonaa, oo barakadaydana carruurtiinnaan ku shubi doonaa. 4 Oo iyana waxay ka soo dhex bixi doonaan cawska sida geedo safsaaf ah oo biyo socda ku ag yaal.
  • Yex 36:25 : 25 Oo markaasaan biyo nadiif ah idinku kor rushayn doonaa, oo idinna nadiif baad ahaan doontaan, oo waxaan idinka nadiifin doonaa wasakhdiinnii oo dhan iyo sanamyadiinnii oo dhanba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 3:10-16
    7 aayado
    94%

    10Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

    11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

    12Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

    13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

    14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

    15Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.

    16Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,

  • Mark 1:3-10
    8 aayado
    87%

    3Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

    4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.

    5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

    6Yooxanaa wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, oo wuxuu cunay ayax iyo malab dibadeed.

    7Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo.

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

    10Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya.

  • Yoox 1:25-28
    4 aayado
    83%

    25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

    26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin

    27oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.

    28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

  • Yoox 1:30-33
    4 aayado
    80%

    30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

    32Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.

    33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

  • 5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

  • 17Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa.

  • 16Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

  • Fal 13:24-25
    2 aayado
    77%

    24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

    25Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.

  • 26Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

  • 15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

  • 74%

    49¶ Waxaan u imid inaan dab dhulka ku tuuro, oo maxaan doonayaa hadduu durba shidan yahay?

    50Anigu waxaan leeyahay baabtiis in laygu baabtiisayo oo sidee lay cidhiidhiyey ilaa uu dhammaado!

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • 3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • Fal 19:3-4
    2 aayado
    73%

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

    4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • Mat 3:5-7
    3 aayado
    72%

    5Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

    6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

    7¶ Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

  • 7Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • Mat 11:10-11
    2 aayado
    71%

    10Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada.

    11¶ Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn.

  • 27Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.

  • 28Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.

  • 21¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,

  • 30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

  • 15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.