Mal'aakii 1:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin jeclaaday, laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, War sidee baad noo jeclaatay? Ceesaw sow Yacquub walaalkiis ma ahayn? ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse Yacquub waan jeclaaday,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 41:8-9 : 8 ¶ Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, 9 waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.
  • Yer 31:3 : 3 Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.
  • Sharc 10:15 : 15 Oo waxaa keliyahoo Rabbigu ku farxay inuu awowayaashiin jeclaado, oo farcankoodii iyaga ka dambeeyeyna wuu doortay, kuwaasoo ah idinka ee uu dadyowga oo dhan ka dhex doortay siday maantadan tahay.
  • Mal 3:13-14 : 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay? 14 Waxaad tidhaahdeen, In Rabbiga loo adeego waxtar ma leh, oo bal maxaa faa'iido ah oo noogu jira haddaannu amarkiisii dhawrnay, iyo xataa haddaannu murugaysnaan Rabbiga ciidammada kula hor soconnay?
  • Room 9:10-13 : 10 Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq. 11 Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha, 12 waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar. 13 Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.
  • Room 11:28-29 : 28 Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood. 29 Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh.
  • Sharc 32:8-9 : 8 Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey, Oo uu kala soocay binu-aadmiga, Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd Ayuu dadka soohdimaha u dhigay, 9 Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa, Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa. 10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah, Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan. Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey, Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda, 11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo, Oo dhashiisa ugu kor ruxmo, Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado, Oo garbihiisa ugu xambaaro, 12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey, Oo ilaah qalaadna lama joogin. 13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka, Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay, Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay, Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday. 14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad, Iyo baraarro baruurtood, Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha, Iyo sarreenka ugu wanaagsan. Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
  • Mal 1:6-7 : 6 ¶ Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay? 7 Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.
  • Mal 2:17 : 17 ¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?
  • Mal 3:7-8 : 7 ¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa? 8 ¶ Nin miyuu Rabbiga dhacaa? Idinkuse waad i dhacdaan. Laakiinse waxaad tidhaahdaan, Maxaannu kaa dhacnay? Waxaad iga dhacdeen meeltobnaadyo iyo qurbaanno.
  • Ish 43:4 : 4 Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa.
  • Yer 2:5 : 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?
  • Yer 2:31 : 31 Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?
  • Bil 25:23 : 23 Rabbiguna wuxuu ku yidhi iyada, Laba quruumood baa maxalkaaga ku jirta, Oo laba dad oo kala duwan ayaa uurkaaga ka soo bixi doona; Oo labada dad midkood baa ka xoog badnaan doona dadka kale; Kan weynuna wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.
  • Bil 27:27-30 : 27 Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey, 28 Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan. 29 Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa. 30 Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.
  • Bil 27:33 : 33 Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.
  • Bil 28:3-4 : 3 Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan, 4 oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.
  • Bil 28:13-14 : 13 Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga. 14 Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.
  • Bil 32:28-30 : 28 Markaasuu ku yidhi, Magacaaga hadda ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa'iil; waayo, Ilaah iyo dadba waad la dagaallantay, waanad ka adkaatay. 29 Yacquubna wuu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii sheeg magacaaga. Oo wuxuu yidhi, Bal maxaad u haybsanaysaa magacayga? Halkaasuuna ku barakeeyey. 30 Yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Fenii'eel; waayo, wuxuu yidhi, Ilaah fool ka fool baan u arkay, naftayduna way nabad gashay.
  • Bil 48:4 : 4 oo wuxuu igu yidhi, Bal eeg waan ku badin doonaa, waanan ku tarmin doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa dad fara badan; dhulkanna waxaan siin doonaa farcankaaga kaa dambeeya, inuu hanti aan weligeed dhammaanayn u ahaado.
  • Sharc 4:37 : 37 Wuxuu jeclaa awowayaashiin, oo sidaas daraaddeed ayuu doortay farcankoodii iyaga ka dambeeyey, oo wuxuu dalkii Masar idinkaga soo bixiyey lajiriddiisa iyo xooggiisa weyn,
  • Sharc 7:6-8 : 6 Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan. 7 Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen, 8 laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
  • Luuk 10:29 : 29 ¶ Laakiin isagoo doonaya inuu iscaddeeyo inuu xaq yahay, ayuu Ciise ku yidhi, Yaa deriskayga ah?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mal 1:3-6
    4 aayado
    80%

    3Ceesawse waan necbaaday, oo buurihiisiina cidla baan ka dhigay, oo dhaxalkiisiina waxaan siiyey dawacooyinka cidlada.

    4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.

    5Oo indhihiinnuna way arki doonaan, oo idinku waxaad odhan doontaan, Rabbigu ha laga weyneeyo soohdinta dalka Israa'iil shishadeeda.

    6¶ Wiil wuxuu murweeyaa aabbihiis, addoonna sayidkiisa, haddaba haddii aan aabbe ahay, meeday murwaddaydii? Haddiise aan sayid ahay, meeday cabsidaydii? Wadaaddada magacayga quudhsadayow, Rabbiga ciidammadu saasuu idinku leeyahay. Idinkuna waxaad leedihiin, War sidee baannu magacaaga u quudhsannay?

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Eraygii Rabbiga oo Malaakii loogu soo dhiibay dadka dalka Israa'iil.

  • Room 9:12-13
    2 aayado
    79%

    12waxaa iyada lagu yidhi, Kan weynu wuxuu u adeegi doonaa kan ka yar.

    13Sida qoran, Yacquub waan jeclaaday, Ceesawse waan necbaaday.

  • 3Rabbigu waa horuu ii muuqday, oo wuxuu igu yidhi, Waxaan kugu jeclaaday jacayl daa'im ah, oo sidaas daraaddeed raxmad baan kugu soo jiitay.

  • 28Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub.

  • 1¶ Markii Israa'iil ilmo yar ahaa waan jeclaan jiray, oo wiilkaygii Israa'iil waxaan uga yeedhay dalka Masar.

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Erayadiinnii waxay ahaayeen erayo adag oo iga gees ah, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Goormaannu wax kaa sheegnay?

  • Yer 2:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo haddana eraygii Rabbigu waa ii yimid, isagoo leh,

    2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • Yer 2:4-5
    2 aayado
    70%

    4¶ Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:

    5Rabbigu wuxuu leeyahay, Awowayaashiin maxaa xaqdarro ah oo ay iga heleen oo ay iiga fogaadeen, oo ay waxyaalaha aan waxtarka lahayn u raaceen, oo ay waxmatarayaal u noqdeen?

  • 1¶ Haddaba addoommadayda reer Yacquubow, iyo dadka Israa'iil ee aan doortayow, bal i maqla.

  • 41¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

  • 14Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.

  • Yer 3:19-20
    2 aayado
    69%

    19Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan.

    20Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • Mal 2:9-11
    3 aayado
    69%

    9Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.

    10¶ Miyaynan kulligeen isku aabbe ahayn? Sow isku Ilaah inama uumin? Bal maxaa ninkeen kastaaba walaalkiis u khiyaaneeyaa, innagoo nijaasaynayna axdigii awowayaasheen?

    11Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.

  • 6¶ Ilma Yacquubow, anigoo Rabbiga ah isma beddelo, haddaba sidaas daraaddeed idinku ma aydaan wada baabbi'in.

  • 22Laakiinse reer Yacquubow, ima aydaan baryin, reer Israa'iilow, waad iga daasheen.

  • 15Xumaantoodii oo dhammu waxay ku jirtaa Gilgaal, waayo, iyaga halkaas baan ku necbaaday. Haddaba xumaanta falimahooda aawadeed ayaan iyaga uga eryi doonaa gurigayga. Mar dambe ma aan jeclaan doono, waayo, amiirradooda oo dhammu waa caasiyiin.

  • 34¶ Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.

  • 2¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen.

  • 20Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.

  • 3Dadkaygiiyow, bal maxaan idinku sameeyey? Maxaanse idinku daaliyey? Haddaba bal igu markhaatifura.

  • 29¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaad iila muddacaysaan? Waayo, idinku kulligiin waad iga gudubteen.

  • 19¶ Waynu jecel nahay isaga, waayo, isagaa hore inoo jeclaaday.

  • 13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?

  • 18Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

  • 14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 4Addoonkaygii Yacquub oo ah Israa'iilkii aan doortay daraaddiis ayaan magacaa kuugu yeedhay, waanan ku magacaabay in kastoo aadan i aqoon.

  • 11¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba.

  • 2Bal eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.

  • 9Oo sidaas daraaddeed weli waan idinla muddacayaa, oo carruurtiinna carruurtoodana waan la muddici doonaa.