Mal'aakii 3:4
Markaasaa qurbaanka dadka Yahuudah iyo kan reer Yeruusaalem noqon doona mid Rabbigu ku farxo, sidii waagii hore iyo sidii sannadihii qadiimka ahaa.
Markaasaa qurbaanka dadka Yahuudah iyo kan reer Yeruusaalem noqon doona mid Rabbigu ku farxo, sidii waagii hore iyo sidii sannadihii qadiimka ahaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa.
2Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.
3Oo wuxuu u fadhiyi doonaa sida kan lacagta miira oo safeeya, oo reer Laawi wuu daahirin doonaa, oo iyaguu u safayn doonaa sida dahabka iyo lacagta loo safeeyo, oo iyana si xaqnimo ah ayay Rabbiga qurbaanno ugu bixin doonaan.
26Oo waxay ka iman doonaan magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo meelaha Yeruusaalem ku wareegsan, iyo dalka reer Benyaamiin, iyo dalka hoose, iyo buuraha, iyo xagga koonfureedba, oo waxay guriga Rabbiga keeni doonaan qurbaanno la gubo, iyo allabaryo, iyo qurbaanno hadhuudh ah, iyo foox, iyo allabaryo mahadnaqid loo keeno.
7Idinku cunto nijaasooday ayaad meeshayda allabariga ku dul bixisaan, oo weliba waxaad leedihiin, War sidee baannu kuu nijaasaynay? Taas waxaad ku tidhaahdaan, Miiska Rabbigu waa mid la quudhsado.
8Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markaad neef indha la' allabari u bixisaan, sow taasu shar ma aha? Sowse shar ma aha markaad neef curyaan ah iyo neef buka allabari u bixisaan? Haddaba bal taliyahaaga u gee. Miyuu kugu farxi doonaa? Miyuuse ku aqbali doonaa?
9Haddaba waan idin baryayaaye, Rabbiga barya inuu inoo roonaado aawadeed. Haddaba idinkoo waxaas sameeyey, miyuu midkiinna aqbalayaa? Saasuu Rabbiga ciidammadu leeyahay.
10Waxaan jeclaan lahaa inuu idinku dhex jiro mid albaabbada xidha, inaydaan meeshayda allabariga dab ugu shidin si aan waxtar lahayn! Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu idinkuma faraxsani, oo gacmihiinnana innaba qurbaan ka aqbali maayo.
11Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Markii qorraxdu soo baxdo iyo markii ay dhacdo inta ka dhexle magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda, oo meel kastana waxaa magacayga aawadiis loo bixiyaa foox iyo qurbaan daahir ah, waayo, magacaygu waa ku weyn yahay quruumaha dhexdooda.
5Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
13Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad tidhaahdaan, Bal eega, kanu daal badanaa! Oo weliba waad igu fududaysateen, oo waxaad ii keenteen wax la soo dhacay, iyo neef curyaan ah, iyo mid buka, oo saasaad qurbaan u keentaan. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Miyaan gacantiinna ka aqbalaa wax sidaas ah?
14Laakiinse inkaaru ha ku dhacdo khaa'inkii adhigiisa neef wanaagsan oo lab ahu ku jiro, oo markuu nidar galo uu Sayidka u allabaryo wax iin leh, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Boqor weyn, oo magacaygana aad baa looga cabsadaa quruumaha dhexdooda.
3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,
5Bal maxaad samayn doontaan maalinta shirka weyn, iyo maalinta iidda Rabbigaba?
1¶ Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
25Oo haddana gacantayda waan ku saari doonaa, oo wasakhdaadana aad baan kaaga nadiifin doonaa, waxaaga aan saafi ahayn oo dhanna waan kaa bixin doonaa.
19Oo markaas adigu waxaad ku farxi doontaa allabaryada xaqnimada iyo qurbaan guban, iyo allabari wada guban dhammaantiis, Oo markaasay dibiyo ku dul bixin doonaan meeshaada allabariga.
5dabadeedna qurbaankii joogtada ahaa, iyo kuwii bilaha cusub, iyo iidihii Rabbiga oo quduuska ahaa, iyo kii qof waluba Rabbiga ikhtiyaarkiisa ugu bixiyey.
3Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo anna waan idinka yeeli doonaa inaad meeshan degganaataan.
4markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
4Beytel kaalaya, oo xadgudba, Gilgaal kaalaya, oo xadgudubyo sii badiya, oo subax walba allabaryadiinna keena, oo marba saddexdii maalmood waxaad keentaa meeltobnaadyadiinna.
5Oo allabari mahadnaqid ah ka bixiya wixii la khamiiriyey, oo waxaad ku dhawaaqdaan oo naadisaan qurbaanno ikhtiyaar loo keeno, waayo, saasaad jeceshihiin, dadka Israa'iilow, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.
7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.
11Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.
17Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega.
18Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
11Rabbigu wuxuu leeyahay, Allabaryadiinna tirada badanu bal maxay ii yihiin? Waan ka dhergay qurbaanno guban oo wanan ah iyo xoolo buurbuuran baruurtood, kuma farxo dhiigga dibida, iyo ka baraarka iyo ka orgida toona.
12Markaad u timaadaan inaad i hor istaagtaan, bal yaa weyddiista inaad barxadahayga ku joogjoogsataan?
13Mar dambe ha ii keenina qurbaanno aan waxtar lahayn, fooxu waa ii karaahiyo, bilaha cusub, iyo maalmaha sabtida, iyo isuyeedhidda shirarkaba uma aan adkaysan karo, oo xataa shirka weyn waa dembi.
13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.
16iyo kulli lacagta iyo dahabka aad ka heli doonto gobolka Baabuloon oo dhan, iyo qurbaanka dadku ikhtiyaarka u bixiyo, iyo kan wadaaddadu ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaahooda oo Yeruusaalem ku yaal aawadiis,
17haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagtan ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aad ku dul bixisaa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal.
1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.
3¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.
15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.
7¶ Tan iyo wakhtigii awowayaashiin ayaad amarradaydii gees uga leexanayseen, oo ma aydaan dhawraynin iyagii. Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Xaggayga u soo noqda, oo anna waan idiin soo noqon doonaa. Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sidee baannu u noqonaynaa?
17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.
2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,
6oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
40Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil oo dhan kulligoodba dalka dhexdiisa ayay iigu adeegi doonaan buurtayda quduuska ah taasoo ah buurta dheer ee dalka reer binu Israa'iil, oo halkaasaan iyaga ku aqbali doonaa. Oo halkaasaan qurbaannadiinna iyo inta ugu horraysa ee hadiyadihiinna, iyo waxyaalihiinna quduuska ah oo dhanba idinku weyddiisan doonaa.
3Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.
12¶ Oo haddii qurbaankiisu neef riyo ah yahayna, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.
17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
4¶ Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.
27Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markay maalmahaasu dhammaadaan, maalinta siddeedaad iyo intii ka dambaysa wadaaddadu waa inay meesha allabariga ku kor bixiyaan qurbaannadiinna la gubo iyo qurbaannadiinna nabaadiinoba, oo aniguna waan idin aqbali doonaa.
1¶ Kanu waa eraygii uu Ishacyaah ina Aamoos ku arkay wax ku saabsan dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem.
12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
7Oo wakhtigaas waxaa Rabbiga ciidammada loo keeni doonaa hadiyad laga keenay dadka dheer oo sulubsan oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan, oo waxaa la keeni doonaa Buur Siyoon oo ah meesha magaca Rabbiga ciidammada.