Markos 14:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, intuu cuntada u fadhiyey, waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar naaradiin oo qaali ah ku jiro. Weelkii bay jebisay, oo cadarkii madaxiisay ku shubtay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 21:17 : 17 Markaasuu ka tegey iyaga oo magaaladii ka baxay ilaa Beytaniya, oo halkaasuu ku hoyday.
  • Luuk 7:37-39 : 37 Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro. 38 Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay. 39 Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.
  • Yoox 11:2 : 2 Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.
  • Yoox 12:1-8 : 1 ¶ Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey. 2 Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay. 3 Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka. 4 Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi, 5 Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta? 6 Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido. 7 Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda. 8 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
  • Mat 26:6-9 : 6 ¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray, 7 waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey. 8 Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay? 9 Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa. 10 Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye. 11 Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo. 12 Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso. 13 Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.
  • Hees 4:13-14 : 13 Dhirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin, 14 Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.
  • Hees 5:5 : 5 Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 26:6-10
    5 aayado
    91%

    6¶ Ciise goortuu Beytaniya joogay oo ku jiray guriga Simoon kii baraska qabi jiray,

    7waxaa u timid naag haysa weel alabastar ah oo cadar qaali ah ku jiro, oo waxay ku shubtay madaxiisa intuu cuntada u fadhiyey.

    8Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

    9Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

    10Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

  • Yoox 12:1-7
    7 aayado
    87%

    1¶ Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.

    2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.

    3Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka.

    4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,

    5Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?

    6Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido.

    7Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.

  • Luuk 7:36-39
    4 aayado
    83%

    36¶ Farrisiinta midkood ayaa weyddiistay inuu wax la cuno, wuuna galay gurigii Farrisiga oo cunto u fadhiistay.

    37Bal eeg, naag magaalada joogtay oo dembi lahayd goortay ogaatay inuu gurigii Farrisiga cunto u fadhiyo, waxay soo qaadatay weel alabastar ah oo cadar ku jiro.

    38Way isdaba taagtay cagihiisa agtooda iyadoo ooyaysa, waxayna bilaabtay inay ilmada cagihiisa ku qoyso, oo ay timaha madaxeeda ku tirtirto, oo cagihiisay dhunkatay, oo cadarkii marisay.

    39Farrisigii u yeedhay isaga, goortuu arkay, ayuu isla hadlay isagoo leh, Ninkan hadduu nebi yahay, wuu ogaan lahaa naagtan taataabatay cid ay tahay iyo waxay tahay inay tahay dembile.

  • Mark 14:4-9
    6 aayado
    83%

    4Waxaa joogay kuwa qalbiga ka cadhooday, oo waxay isku yidhaahdeen, Cadarkii maxaa sidan loogu khasaariyey?

    5Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii.

    6Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

    7Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo.

    8Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.

    9Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • Yoox 11:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Waxaa jiray nin buka oo ah Laasaros reer Beytaniya ee joogay tuulada Maryan iyo walaasheed Maarta.

    2Maryantaasu waxay ahayd tii Rabbiga cadar marisay oo cagihiisa timaheeda ku tirtirtay, oo walaalkeed Laasaros bukay.

    3Sidaa aawadeed walaalihii farriin bay Rabbiga u direen iyagoo leh, Sayidow, ogow, kii aad jeclayd waa bukaaye.

  • Luuk 7:44-47
    4 aayado
    78%

    44Kolkaasuu naagtii u jeestay, oo wuxuu Simoon ku yidhi, Naagtan ma aragtaa? Anigu gurigaagaan galay; biyo cagahayga iima aad siin, laakiin iyadu cagahayga ayay ilmadeeda ku qoysay oo ay timaheeda ku tirtirtay.

    45Dhunkasho ima aad dhunkan, iyaduse tan iyo wakhtigaan soo galay kama dayn inay cagahayga dhunkato.

    46Madaxaygana saliid ma aad marin, iyaduse cagahayga ayay cadar marisay.

    47Sidaa darteed waxaan kugu leeyahay, Dembiyadeedii badnaa waa cafiyan yihiin, waayo, aad bay u jeclayd. Kii wax yar loo dhaafay, ayaa wax yar jecel.

  • Mat 26:12-13
    2 aayado
    76%

    12Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.

    13Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • 2Waayo, waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon wakhtiga iidda si aan rabshad dadka uga dhex kicin.

  • 70%

    13Wuxuu diray laba xertiisii ah oo ku yidhi, Magaalada gala, oo waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita; isaga raaca.

    14Meeshuu galo waxaad ninkii guriga lahaa ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu leeyahay, Meeday qolladdaydii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

  • 68%

    38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

    39Waxayna lahayd walaal Maryan la odhan jiray, oo iyaduna waxay ag fadhiisatay cagihii Sayidka oo ereygiisa maqashay.

  • 5Markaasuu biyo weel ku shubay oo bilaabay inuu xertiisa cagaha u maydho oo ku tirtiro tuwaalkii uu guntanaa.

  • 1¶ Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.

  • 12Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

  • 14Naaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.

  • 34Wuuna u dhowaaday, oo nabrihiisii ka duudduubay, oo saliid iyo khamri ku shubay, markaasuu saaray neefkiisii, oo hudheel geeyey, waana u dadaalay.

  • 1¶ Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.

  • 31Haddaba Yuhuuddii iyada guriga la joogtay oo u tacsiyaynaysay, markay arkeen Maryan inay dhaqso u kacday oo baxday, ayay raaceen, iyagoo u malaynaya inay xabaashii tegayso inay meeshaas ku baroorato.

  • 13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 65%

    10Wuxuu ku yidhi, Bal eega, goortaad magaalada gashaan waxaa idinla kulmi doona nin ashuun biyah sita. Isaga raaca oo ka daba gala guriguu galo.

    11Waxaad ninka guriga leh ku tidhaahdaan, Macallinkii wuxuu kugu leeyahay, Meeday qooladdii martidu oo aan xertayda kula cuni doono cashada Iidda Kormaridda?

  • 11¶ Markii dambe waxaa noqotay inuu galay magaalada Na'in la odhan jiray; waxaana raacay xertiisii, iyo dad badanba.

  • 39Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah.

  • 43Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii.