Markos 12:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Kor 8:2 : 2 si, markii dhib lagu tijaabiyey, farxaddooda badan iyo miskiinnimadooda weyni ay ugu badnaadeen hodantinimada deeqsinimadooda.
  • 2 Kor 8:12 : 12 Waayo, haddii diyaar la yahay, sida loo haysto ayaa loo aqbalaa ee ma aha sidaan loo haysan.
  • 2 Kor 9:6-8 : 6 ¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa. 7 Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya. 8 Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;
  • Bax 35:21-29 : 21 Oo waxay yimaadeen iyagoo mid walba qalbigiisu kacay, oo mid walba ruuxiisu raalli ka dhigay, oo waxay keeneen waxay Rabbiga u bixiyeen, kuwaasoo ah wixii loo doonay shuqulkii teendhada shirka, iyo hawsheeda oo dhan, iyo dharkii quduuska ahaa. 22 Oo in alla intii raalliga ahayd way yimaadeen, rag iyo dumarba, oo waxay keeneen dugaagado, iyo hilqado, iyo kaatunno, iyo murriyado, iyo wax kasta oo laysku sharxo oo dahab ah; oo nin kastaaba wuxuu Rabbiga u bixiyey wax dahab ah. 23 Oo nin walba, oo laga helay buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo dhogor riyaad, iyo wanan hargahood oo la caseeyey, iyo adhidibadeed hargahoodba wuu keenay. 24 Oo mid kasta oo qurbaan lacag iyo naxaas ah bixiyey wuxuu u bixiyey Rabbiga; oo nin kasta oo laga helay qori qudhac ah wuxuu u keenay hawsha adeegidda aawadeed. 25 Oo dumarkii xigmadda lahaa oo dhammu waxay gacmahooda ku miiqeen dun, oo waxay keeneen wixii ay miiqeen oo ahaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan. 26 Oo dumarkii qalbigoodu xigmadda la kacay oo dhammu waxay miiqeen dhogor riyaad. 27 Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga. 28 Waxayna keeneen uunsiga, iyo saliidda iftiinka, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon. 29 Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.
  • Mat 10:42 : 42 Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.
  • Fal 11:29 : 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 21:1-5
    5 aayado
    90%

    1¶ Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.

    2Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa.

    3Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen.

    4Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

    5¶ Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi,

  • 90%

    40Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

    41¶ Ciise wuxuu fadhiistay meel ka hor jeedda khasnaddii, oo wuxuu eegayay sida dadku lacagta ugu ridayo khasnaddii. Qaar badan oo hodon ah ayaa wax badan ku riday.

    42Markaasaa waxaa yimid carmal miskiin ah. Iyadu waxay ku ridday laba lacag ah oo yaryar oo qiimadood beesad tahay.

  • 44Waayo, kulligood waxay kaga rideen waxoodii badnaa, iyaduse miskiinnimadeeday kaga ridday wixii ay lahayd oo dhan, xataa wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

  • Yoox 12:5-8
    4 aayado
    72%

    5Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?

    6Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido.

    7Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.

    8Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.

  • 72%

    23¶ Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan!

    24Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan!

    25Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

  • Mat 19:23-25
    3 aayado
    71%

    23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

    24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

    25Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

  • 20¶ Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.

  • Mark 14:5-9
    5 aayado
    71%

    5Waayo, cadarkan waxaa lagu iibin kari lahaa wax saddex boqol oo dinaar ka badan oo masaakiinta la siin lahaa, wayna ku gunuunaceen iyadii.

    6Laakiin Ciise baa ku yidhi, Daaya. Maxaad iyada u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

    7Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan. Markaad doonaysaan wax wanaagsan waad u samayn kartaan. Aniguse mar walba idinlama joogo.

    8Way samaysay waxay kartay. Waxay hore ugu soo baxday inay jidhkayga udgoonayso aasniintayda aawadeed.

    9Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 71%

    33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

    34Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.

  • 71%

    22Ciise goortuu waxaas maqlay ayuu ku yidhi, Weli wax keliya ayaa kuu dhiman. Waxaad haysatid oo dhan iibi, oo masaakiinta u qaybi, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal, ee kaalay oo i soo raac.

    23Laakiin goortuu waxaas maqlay ayuu aad uga caloolxumaaday, waayo, aad buu hodan u ahaa.

    24Ciise goortuu arkay, wuxuu yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan,

    25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.

  • 21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • Mat 26:8-11
    4 aayado
    70%

    8Laakiin xertu goortay arkeen, way cadhoodeen oo waxay yidhaahdeen, Khasaaradanu maxay ku noqotay?

    9Waayo, kan waxaa lagu iibin kari lahaa wax badan oo masaakiinta la siin lahaa.

    10Ciise goortuu gartay ayuu ku yidhi, Maxaad naagta u dhibaysaan? Shuqul wanaagsan ayay igu samaysaye.

    11Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse mar walba idinlama joogo.

  • 12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 25Laakiin runtii waxaan idinku leeyahay, Wakhtigii Eliyaas waxaa Israa'iil ku jiray carmallo badan oo nimankoodii ka dhinteen markii cirku saddex sannadood iyo lix bilood xidhmay oo abaar weyni dhulka oo dhan ka dhacday.

  • 43Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

  • 47kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

  • 13Runtii waxaan idinku leeyahay, Dunida oo dhan meel alla meeshii injiilkan lagu wacdiyo, waxay samaysay ayaa xusuusteeda lagaga hadli doonaa.

  • 18Markaasuu yidhi, Sidan ayaan samayn doonaa. Maqsinnadaydii ayaan dumin doonaa oo kuwa ka waaweyn ayaan dhisan doonaa; halkaasna ayaan ku urursan doonaa sarreenkayga iyo alaabtayda oo dhan,

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

  • 12Oo goortuu iriddii magaalada ku soo dhowaaday, waxaa dibadda loo waday nin meyd ah oo madi u ahaa hooyadiis; iyaduna waxay ahayd carmal. Oo waxaa iyada la jiray dad badan oo magaalada.

  • 3Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii.

  • 46Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.

  • 6¶ Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.

  • 14Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.