Matayos 23:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad laasataan guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayaad istusid u tukataan, sidaa darteed waxaad heli doontaan xisaab aad u daran.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    38¶ Markuu wax barayay wuxuu ku yidhi, Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa,

    39iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha.

    40Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

    41¶ Ciise wuxuu fadhiistay meel ka hor jeedda khasnaddii, oo wuxuu eegayay sida dadku lacagta ugu ridayo khasnaddii. Qaar badan oo hodon ah ayaa wax badan ku riday.

  • 89%

    46Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,

    47kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

  • Mat 23:15-16
    2 aayado
    81%

    15Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, badda iyo dhulka waxaad u wareegtaan inaad mid soo hadaysaan, oo kolkuu sidaas noqdo, waxaad ka dhigtaan wiilka jahannamada laba kol in idinka badan idinka.

    16¶ Waa idiin hoog, hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo leh, Ku alla kii macbudka ku dhaarta, waxba ma aha, laakiin ku alla kii dahabkii macbudka ku dhaarta, wuxuu ku dhaartay waa lagu leeyahay.

  • 13¶ Laakiin waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay oo labawejiilayaasha ahu, waayo, boqortooyada jannada ayaad dadka ka xidhaan, maxaa yeelay, idinku ma gashaan, oo kuwa gelayana uma deysaan inay galaan.

  • Mat 23:23-29
    7 aayado
    81%

    23¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo kamuunta toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaafteen wixii sharciga ugu cuslaa, waxaa weeye xukunka iyo naxariista iyo iimaanka. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.

    24Hoggaamiyayaal yahow indhaha la'u oo kaneecada iska miira oo awrka liqa.

    25¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, koobka iyo saxanka dushaad ka nadiifisaan, laakiin gudaha waxaa ka buuxa dulun iyo damacbadnaan.

    26Farrisi yahow indhaha la'u, horta koobka gudaha ka nadiifi in dushiisuna nadiifsanaato.

    27¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad u eg tihiin xabaalo la caddeeyey, kuwa dushoodu u eg tahay wax qurxoon, laakiin hoosta waxaa ka buuxa lafo dad dhintay iyo wasakh oo dhan.

    28Sidaas oo kalena idinku dusha waxaad dadka ugu eg tihiin dad xaq ah, laakiin gudaha waxaa idinka buuxa labawejiilenimo iyo dembi.

    29¶ Waa idiin hoog, culimmo iyo Farrisiin yahay, labawejiilayaasha ahu, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, oo waxaad qurxisaan qabriyada kuwii xaqa ahaa;

  • 78%

    42¶ Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khodaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.

    43Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.

    44Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.

  • Mat 23:3-6
    4 aayado
    72%

    3Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan.

    4Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan.

    5Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan;

    6waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada,

  • 7Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,

  • 72%

    46Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.

    47Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.

  • 39Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.

  • 70%

    14¶ Farrisiintii lacagta jeclayd ayaa waxaas oo dhan maqashay, wayna ku qosleen.

    15Markaasuu wuxuu ku yidhi, Idinku waxaad tihiin kuwa dadka hortooda isku soo caddeeya inaad xaq tihiin, laakiin Ilaah waa garanayaa qalbiyadiinna, waayo, wixii dadka dhexdooda lagu sarraysiiyaa, Ilaah hortiisa waa ka karaahiyo.

  • Mat 23:33-34
    2 aayado
    69%

    33Abeesooyin yahow, dhal jilbisay, sidee baad uga baxsan doontaan xisaabta jahannamada?

    34Sidaa darteed, waxaan idiin soo dirayaa nebiyo iyo kuwa xigmadda leh iyo culimmo. Qaarkood waad dili doontaan oo iskutallaabta ku qodbi doontaan, qaarkoodna sunagogyadiinna ayaad ku karbaashi doontaan, oo magaalo ilaa magaalo ayaad ku silcin doontaan,

  • Luuk 6:24-26
    3 aayado
    69%

    24Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.

    25Hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer dheregsan, waayo, waad gaajoon doontaan; hoogna waxaa leh kuwiinna haddeer qoslaya, waayo, waad barooran doontaan oo ooyi doontaan.

    26Waa idiin hoog markii dadka oo dhammu wanaag idinka sheego, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii beenta ahaa ku samayn jireen.

  • 69%

    52Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.

    53¶ Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,

  • 5¶ Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

  • 20Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.

  • Mat 6:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

    2¶ Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.

  • 43Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii.

  • 38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.

  • 3Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 1¶ Markii dadkii badnaa oo tirola'aanta ahaa isa soo tubeen, ilaa ay qaarba qaar ku joogjoogsadeen, wuxuu bilaabay inuu kolkii hore xertiisa ku yidhaahdo, Iska jira khamiirka Farrisiinta kan ah labawejiilenimada.

  • 3Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen.

  • 6Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.

  • 14Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 16¶ Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.