Markos 14:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Kolkiiba intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo culimmada iyo waayeellada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 26:47-56 : 47 ¶ Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka. 48 Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta. 49 Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday. 50 Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen. 51 Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay. 52 Markaasaa Ciise ku yidhi, Seeftaada meesheedii ku celi, waayo, kuwa seefo qaada oo dhammu seef bay ku halligmi doonaan. 53 Ma waxaad u malaynaysaa inaanan Aabbahay baryi karin oo uusan haddeer ii soo diri karin malaa'igo laba iyo toban guuto ka badan? 54 Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa? 55 Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan. 56 Laakiin waxan oo dhan ayaa noqday in qorniinka nebiyadu rumoobo. Markaasaa xertii oo dhammu ka wada tageen oo carareen.
  • Fal 1:16 : 16 Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
  • Luuk 22:47-53 : 47 ¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado. 48 Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho? 49 Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa? 50 Markaasaa midkood wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dhegta midigta ka gooyay. 51 Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey. 52 Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay? 53 Goortaan maalin walba macbudka idinkula jiri jiray, gacmo iguma aydaan soo taagi jirin, laakiin tanu waa saacaddiinna iyo xoogga gudcurka.
  • Yoox 18:3-9 : 3 Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub. 4 Sidaa daraaddeed Ciise isagoo og waxa ku dhici doona oo dhan ayuu baxay oo ku yidhi iyaga, Kumaad doondoonaysaan? 5 Waxay ugu jawaabeen, Ciisihii reer Naasared. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Isagii baan ahay. Waxaana iyaga la taagnaa Yuudas kii gacangeliyey. 6 Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen. 7 Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared. 8 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene. 9 Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin. 10 Simoon Butros haddaba, isagoo seef haysta, ayuu soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo ka gooyay dhegta midigta. Addoonkii magiciisu wuxuu ahaa Malkos. 11 Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn?
  • Sab 2:1-2 : 1 Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn? 2 Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
  • Sab 3:1-2 : 1 Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin. 2 Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
  • Sab 22:11-13 : 11 Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro. 12 Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey. 13 Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 26:45-51
    7 aayado
    93%

    45Markaasuu xertii u yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta. Bal eega, saacaddii waa dhow dahay, oo Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    46Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

    47¶ Oo intuu weli hadlayay ayaa Yuudas oo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa yimid, isaga iyo dad aad u badan oo seefo iyo ulo sita. Waxay ka yimaadeen wadaaddada sare iyo waayeellada dadka.

    48Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii ee qabta.

    49Kolkiiba Ciise buu u yimid oo ku yidhi, Nabad, Macallimow; wuuna dhunkaday.

    50Kolkaasaa Ciise ku yidhi, Saaxiibow, maxaad u timid? Markaasay yimaadeen, oo gacmahooda ayay Ciise saareen oo qabteen.

    51Oo bal eeg, mid ka mid ah kuwii Ciise la jiray ayaa gacanta fidiyey, oo seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.

  • 84%

    44Kii gacangeliyey ayaa calaamo kula ballamay oo ku yidhi, Mid alla midkaan dhunkado waa isagii. Qabta oo kaxeeya oo dhawra.

    45Kolkuu yimidba, kolkiiba ayuu u tegey oo ku yidhi, Macallimow, wuuna dhunkaday.

    46Markaasay gacmaha saareen, wayna qabteen.

    47Midkooda oo ag taagnaa ayaa seeftiisa soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadkii sare addoonkiisii, oo dheg buu ka gooyay.

    48Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay?

  • 84%

    41Kolkii saddexaad ayuu yimid oo ku yidhi, Hadda seexda oo nasta, waa ku filan tahay. Saacaddii waa timid. Bal eega, Wiilka Aadanaha ayaa dembilayaal loo gacangelinayaa.

    42Kaca aan tagnee. Eega, kii i gacangelin lahaa waa soo dhow yahay.

  • 84%

    47¶ Intuu weli hadlayay, bal eeg, waxaa yimid dad badan, oo kii Yuudas la odhan jiray oo laba-iyo-tobanka ka mid ahaa ayaa hortooda socday. Wuxuuna u soo dhowaaday Ciise inuu dhunkado.

    48Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Yuudasow, ma waxaad Wiilka Aadanaha ku gacangelinaysaa dhunkasho?

    49Kuwii ag joogay goortay garteen waxa dhici doona, waxay yidhaahdeen, Sayidow, seef miyaannu ku dhufannaa?

  • Yoox 18:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba.

    2Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray.

    3Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub.

    4Sidaa daraaddeed Ciise isagoo og waxa ku dhici doona oo dhan ayuu baxay oo ku yidhi iyaga, Kumaad doondoonaysaan?

  • 80%

    10¶ Yuudas Iskariyod oo ahaa mid laba-iyo-tobanka ka mid ah ayaa u tegey wadaaddada sare inuu u gacangeliyo.

    11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • 14¶ Markaas mid laba-iyo-tobankii ka mid ahaa oo Yuudas Iskariyod la odhan jiray ayaa u tegey wadaaddada sare

  • 53¶ Ciisena waxay u geeyeen wadaadkii sare, waxaana u soo ururay wadaaddadii sare iyo waayeelladii iyo culimmadii.

  • 52Kuwa u yimid, waxa weeye, wadaaddadii sare, iyo madaxdii askarta oo macbudka, iyo waayeelladii, waxaa Ciise ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo sidaan tuug ahay?

  • 78%

    17¶ Goortii makhribkii la gaadhay ayuu laba-iyo-tobankii la yimid.

    18Oo intay fadhiisteen oo wax cunayeen, Ciise baa yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin oo wax ila cunaya ayaa i gacangelin doona.

    19Markaasay calool xumaadeen, oo mid baa mid ku yidhi, Ma aniga baa?

    20Wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waa mid ka mid ah laba-iyo-tobankii oo saxanka gacanta ila gesha.

  • Mat 26:54-55
    2 aayado
    77%

    54Haddaba sidee buu u noqon doonaa Qorniinku kan leh, Waa in sidaasu noqotaa?

    55Saacaddaas qudheeda ayaa Ciise dadkii badnaa ku yidhi, Ma waxaad iila soo baxdeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidaan tuug ahay? Maalin walbaba macbudka ayaan fadhiyi jiray oo wax bari jiray, imana aydnaan qabsan.

  • 1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

  • 4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,

  • 4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

  • 19iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 27¶ Mar kale ayay Yeruusaalem yimaadeen. Oo goortuu macbudkii dhex marayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo culimmadii iyo waayeelladii.

  • 21¶ Ciise markuu sidaas yidhi, ayuu ka qalbi xumaaday, wuxuuna bayaan u sheegay oo yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 57¶ Kuwii Ciise qabtay waxay u geeyeen Kayafas oo ahaa wadaadkii sare, ilaa meeshii culimmada iyo waayeelladu ku urursanaayeen.

  • 12¶ Haddaba askartii iyo ninkii u sarreeyey iyo saraakiishii Yuhuudda ayaa Ciise qabtay, markaasay xidhxidheen,

  • 14¶ Goortii saacaddii timid ayuu fadhiistay, isaga iyo rasuulladiiba.

  • 66¶ Kolkuu waagii beryay, waxaa ururay waayeelladii dadka oo ahaa wadaaddadii sare iyo culimmadiiba, oo waxay isagii geeyeen shirkoodii iyagoo leh,

  • 73%

    26Markaasaa Ciise ugu jawaabay, Waa kii aan koosaarta u dari doono oo aan siin doono. Haddaba markuu koosaarta u daray ayuu qaaday oo siiyey Yuudas Iskariyod ina Simoon.

    27Markuu koosaarta qaatay dabadeed, Shayddaan baa galay isagii. Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu ku yidhi, Waxaad samaynayso dhaqso u samee.

  • 3¶ Markaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,

  • 27¶ Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Kulligiin waad iga xumaan doontaan, waayo, waxaa qoran, Adhijirkaan dili doonaa, idahuna waa kala firdhi doonaan.

  • 1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 2Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.

  • 14¶ Markay xertii u yimaadeen, waxay arkeen dad faro badan oo la jooga. Culimmaduna wax bay weyddiinayeen.

  • 30Isagu haddaba markuu koosaartii qaatay, markiiba ayuu baxay, oo waxayna ahayd habeennimo.