Matayos 10:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 3:18 : 18 iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,
  • Fal 1:13 : 13 Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.
  • Mat 9:9 : 9 ¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.
  • Yoox 11:16 : 16 Sidaa aawadeed Toomas, kii Didumos la odhan jiray, wuxuu ku yidhi xertii la socotay, Innaguna aan tagno si aynu ula dhimanno.
  • Yoox 1:43-46 : 43 ¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac. 44 Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros. 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
  • Yoox 20:24-29 : 24 ¶ Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid. 25 Haddaba xertii kale ayaa ku tidhi, Waxaannu aragnay Sayidkii. Laakiin wuxuu ku yidhi, Haddaanan gacmihiisa ku arkin calaamadii musmaarrada, oo aanan fartayda gelin nabarkii musmaarrada, oo aanan gacantayda gelin dhinaciisa, rumaysanba maayo. 26 ¶ Oo siddeed maalmood dabadeed xertiisii gudaha ayay mar labaad wada joogeen, oo Toomasna waa la joogay. Markaasaa Ciise yimid, albaabbadii oo xidhan, oo intuu isdhex taagay ayuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 27 Markaasuu Toomas ku yidhi, Fartaada keen oo arag gacmahayga, oo gacantaadana keen oo geli dhinacayga, oo ha rumaysad la'aanin laakiin rumayso. 28 Toomas ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Rabbigay iyo Ilaahayow. 29 Markaasaa Ciise ku yidhi, Waad i aragtay, taas aawadeed ayaad rumaysatay. Waxaa barakaysan kuwa aan i arag ee rumaystay.
  • Yoox 21:2 : 2 Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.
  • Yoox 6:5-7 : 5 Haddaba Ciise intuu indhihiisii kor u qaaday, ayuu wuxuu arkay dad badan oo soo socda, wuxuuna Filibos ku yidhi, Xaggee baynu kibis ka soo iibinnaa inay kuwanu cunaan? 6 Wuxuu waxaas ugu yidhi inuu jirrabo isaga, waayo, isaga qudhiisu waa ogaa wuxuu samayn lahaa. 7 Filibos wuxuu ugu jawaabay, Laba boqol oo dinaar oo kibis ahi kuma filla in nin walba wax yar qaato.
  • Yoox 12:21-22 : 21 Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno. 22 Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.
  • Yoox 14:9 : 9 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma intaas badan baan idinla joogay, oo aanad i garanaynin, Filibosow? Kii i arkay wuxuu arkay Aabbaha. Sidee baad u leedahay, Aabbaha na tus?
  • Yoox 14:22 : 22 Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin?
  • Mat 27:56 : 56 oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
  • Mark 2:14 : 14 Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.
  • Luuk 5:27 : 27 ¶ Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.
  • Luuk 6:14-16 : 14 oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo 15 Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh, 16 iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
  • Fal 12:17 : 17 Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.
  • Fal 15:13 : 13 Kolkay aamuseen dabadeed ayaa Yacquub u jawaabay, isagoo leh,
  • Fal 21:18 : 18 ¶ Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen.
  • Gal 1:19 : 19 Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.
  • Gal 2:9 : 9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
  • Yac 1:1 : 1 ¶ Yacquub, oo ah addoonkii Ilaah iyo Rabbi Ciise Masiix, wuxuu salaan gaadhsiinayaa laba iyo tobanka qolo oo kala firidhsan.
  • Yuud 1:1 : 1 ¶ Anigoo Yuudas ah oo ah addoonkii Ciise Masiix, Yacquubna walaalkiis ah, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa loo yeedhay oo Ilaaha Aabbaha ahu jecel yahay, Ciise Masiixna loo dhawray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 3:16-19
    4 aayado
    87%

    16Waxay ahaayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey,

    17iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,

    18iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,

    19iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 2¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

  • Luuk 6:13-16
    4 aayado
    82%

    13Oo goortay maalin noqotay ayuu xertiisii u yeedhay. Markaasuu laba iyo toban ka soo saaray, wuxuuna u bixiyey rasuullo;

    14oo waxay ahayeen Simoon, kan uu Butros u bixiyey, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub iyo Yooxanaa, iyo Filibos iyo Bartolomayos, iyo

    15Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh,

    16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

  • 4iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 2Waxaa wada joogay Simoon Butros, iyo Toomas ka la yidhaahda Didumos, iyo Nataana'el oo ahaa kii Kaana tii Galili, iyo wiilashii Sebedi, iyo laba kale oo xertiisa ah.

  • Mark 2:14-15
    2 aayado
    72%

    14Goortuu ag marayay, wuxuu arkay Laawi ina Alfayos, isagoo fadhiya meesha cashuurta lagu qaado, oo uu ku yidhi isaga, I soo raac. Wuuna kacay oo raacay.

    15Waxaa dhacay markii Ciise gurigiisa cunto u fadhiistay in kuwa badan oo cashuurqaadayaal iyo dembilayaal ah Ciise iyo xertiisii la fadhiistay; waayo, way badnaayeen, wayna raaceen.

  • Luuk 5:27-29
    3 aayado
    69%

    27¶ Waxyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    28Markaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

    29Laawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.

  • 21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.

  • Mark 1:19-20
    2 aayado
    68%

    19Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya.

    20Markiiba wuu u yeedhay. Kolkaasay aabbahood Sebedi iyo shaqaalayaasha kaga soo tageen doonnida, oo isagay raaceen.

  • Mat 9:9-10
    2 aayado
    68%

    9¶ Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.

    10¶ Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa.

  • Luuk 3:29-30
    2 aayado
    66%

    29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,

    30kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim,

  • 23Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.

  • 10Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.

  • Fal 1:25-26
    2 aayado
    65%

    25inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.

    26Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.

  • Luuk 3:24-26
    3 aayado
    65%

    24kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,

    25kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Caamoos, kan ahaa ina Na'uum, kan ahaa ina Esli, kan ahaa ina Naggay,

    26kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda,

  • 56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

  • 18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

  • 16Kii sagaalaadna wuxuu u soo baxay Matanyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.

  • 71Wuxuu ka hadlay Yuudas ina Simoon Iskariyod, waayo, isaguu ahaa kan gacangelin lahaa, isagoo laba-iyo-tobankii ka mid ahaa.

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,

  • 46¶ Kolkaasay yimaadeen Yerixoo, oo goortuu Yerixoo ka soo baxayay, isaga iyo xertiisii iyo dad faro badanba, nin indha la' oo Bartimayos la odhan jiray, oo ina Timayos ahaa, ayaa jidka ag fadhiyey oo dawarsanayay.

  • 24¶ Laakiin Toomas mid laba iyo tobanka ka mid ah oo Didumos la odhan jiray lama joogin markuu Ciise yimid.

  • 55Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 37iyo Matanyaah, iyo Matenay, iyo Yacasay,

  • Yoox 1:43-44
    2 aayado
    64%

    43¶ Maalintii labaad wuxuu doonayay inuu Galili tago, oo wuxuu helay Filibos. Ciisena wuxuu ku yidhi, I soo raac.

    44Filibos wuxuu ahaa reer Beytsayda taas oo ah magaaladii Andaros iyo Butros.

  • 15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

  • 35¶ Waxaa u yimid Yooxanaa iyo Yacquub oo ahaa wiilashii Sebedi, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaad noo yeeshid wixii aannu weyddiisanno.

  • 17Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.

  • 14Laba iyo toban ayuu soo saaray inay isaga la joogaan, iyo inuu u diro inay wax wacdiyaan,

  • 16¶ Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.

  • 21Kii afar iyo tobnaadna wuxuu u soo baxay Matityaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiisba oo ahaa laba iyo toban.