Matayos 13:55

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kanu miyaanu ahayn wiilkii nijaarka? Miyaan hooyadiis la odhan Maryan? Walaalihiisna Yacquub iyo Yoosee iyo Simoon iyo Yuudas?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 6:3 : 3 Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.
  • Luuk 3:23 : 23 ¶ Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli,
  • Yoox 6:42 : 42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
  • Yoox 19:25 : 25 ¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.
  • Gal 1:19 : 19 Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.
  • Luuk 4:22 : 22 Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?
  • Mark 15:40 : 40 Waxaana joogay dumar meel fog ka eegayay, oo waxaa ku dhex jirtay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub Yare iyo Yoosee hooyadood, iyo Saloome,
  • Mat 27:56 : 56 oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.
  • Mark 15:47-16:1 : 47 Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay. 1 ¶ Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.
  • Luuk 1:27 : 27 ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.
  • Luuk 2:5-7 : 5 in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd. 6 Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen, 7 waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
  • Sab 22:6 : 6 Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
  • Ish 49:7 : 7 Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.
  • Ish 53:2-3 : 2 Waayo, isagu hortiisuu ku koray sidii geed curdan ah, iyo sidii xidid dhul engegan ka soo baxay oo kale. Isagu suurad iyo qurux aynu ku fiirinno toona ma leh, oo qurux aynu ku jeclaanno laguma arko. 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
  • Mat 1:18-20 : 18 ¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay. 19 Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo. 20 Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.
  • Mat 12:46-48 : 46 ¶ Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga. 47 Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan. 48 Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?
  • Luuk 24:10 : 10 Waxay ahaayeen Maryantii reer Magdala, iyo Yo'anna, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadii; dumarkii kalena oo la jiray ayaa waxaas rasuulladii u sheegay.
  • Yoox 1:45-46 : 45 Markaasaa Filibos wuxuu doonay Nataana'el oo ku yidhi, Waxaannu helnay kii Muuse sharciga ku qoray wax isaga ku saabsan, oo nebiyadiina ay qoreen wax isaga ku saabsan, waana Ciisihii reer Naasared oo ah ina Yuusuf. 46 Nataana'el wuxuu ku yidhi, Ma wax wanaagsan baa ka iman kara Naasared? Markaasaa Filibos wuxuu ku yidhi, Kaalay oo arag.
  • Yoox 7:41-42 : 41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili? 42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
  • Yoox 9:29 : 29 Waxaannu garanaynaa inuu Ilaah la hadlay Muuse, laakiinse ninkanu meeshuu ka yimid garan mayno.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 6:1-4
    4 aayado
    90%

    1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.

    2Goortii sabtida la gaadhay ayuu bilaabay inuu sunagogga wax ku baro; dad badan oo maqlayaana way la yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu waxyaalahan ka helay? Oo xigmaddan la siiyeyna maxay tahay in xataa shuqulladan oo xoogga leh gacmihiisu sameeyaan?

    3Kanu miyaanu ahayn nijaarkii, ina Maryan, kii walaal u yahay Yacquub, iyo Yoosee, iyo Yuudas, iyo Simoon; gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Wayna ka xumaadeen.

    4Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa, iyo dadkiisa, iyo gurigiisa dhexdooda maahee.

  • Mat 13:56-57
    2 aayado
    88%

    56Gabdhihii walaalihiis ahaana miyaanay inala wada joogin? Haddaba kanu xaggee buu waxyaalahan oo dhan ka helay?

    57Wayna ka xumaadeen, laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Nebi murwad la' ma jiro, waddankiisa iyo gurigiisa dhexdooda maahee.

  • 42Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?

  • 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?

  • Mat 12:46-50
    5 aayado
    75%

    46¶ Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga.

    47Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan.

    48Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah?

    49Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    50Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.

  • Mark 3:31-35
    5 aayado
    74%

    31¶ Markaasaa waxaa yimid walaalihiis iyo hooyadiis, oo dibadday istaageen, waxayna u direen cid ugu yeedha.

    32Dad badan baa agtiisa fadhiyey oo waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa dibadday joogaan oo waa ku doonayaan.

    33Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Yaa ah hooyaday iyo walaalahay?

    34Kolkaasuu isha mariyey kuwii agtiisa fadhiyey oo ku yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay!

    35Ku alla kii yeela doonistii Ilaah kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday.

  • Luuk 4:22-23
    2 aayado
    74%

    22Kulligood markhaati bay ahaayeen, wayna ka yaabeen hadallada nimcada leh oo afkiisa ka soo baxay, markaasay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn wiilkii Yuusuf?

    23Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee.

  • 56oo waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood.

  • Luuk 8:19-21
    3 aayado
    73%

    19¶ Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood.

    20Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan.

    21Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.

  • 12¶ Waxaas dabadeed wuxuu tegey Kafarna'um, waxaana la socday hooyadiis iyo walaalihiis iyo xertiisii, oo maalmo aan badnayn ayay meeshaas joogeen.

  • 21Markuu meeshaas hore uga socday wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo aabbahood doonnida kula jira oo shabagyadoodii hagaajinaya, wuuna u yeedhay.

  • 5Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.

  • Fal 1:13-14
    2 aayado
    69%

    13Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

    14Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.

  • Luuk 2:48-49
    2 aayado
    69%

    48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.

    49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?

  • 19Markuu cabbaar socday, wuxuu arkay Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa, iyagoo doonnida dhexdeeda shabagyadoodii ku hagaajinaya.

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.

  • 47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • Mat 1:15-16
    2 aayado
    68%

    15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

    16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.

  • 3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.

  • 24kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,

  • 25¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala.

  • 25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

  • Mark 3:17-18
    2 aayado
    67%

    17iyo Yacquub ina Sebedi, iyo Yooxanaa, Yacquub walaalkiis, iyaga wuxuu u bixiyey Bo'anerges, waxaa weeye wiilashii onkodka,

    18iyo Andaros, iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos, iyo Simoon reer Kaana,

  • Luuk 6:15-16
    2 aayado
    67%

    15Matayos iyo Toomas, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon oo la odhan jiray Qiiroleh,

    16iyo Yuudas ina Yacquub, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.

  • 29¶ Oo markiiba kolkay sunagoggii ka soo baxeen, waxay galeen guriga Simoon iyo Andaros, iyaga iyo Yacquub iyo Yooxanaaba.

  • 2¶ Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,

  • 29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,

  • 1¶ Maalintii saddexaad waxaa Kaana tii Galili jiray aroos, Ciise hooyadiisna halkaasay joogtay.

  • 23Kolkaasaa dadkii badnaa oo dhammu yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn ina Daa'uud?