Matayos 11:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobadkeenin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 81:11-13 : 11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin. 12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan. 13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan!
  • Ish 1:2-5 : 2 ¶ Samooyinkow maqla, dhulkow bal wax dhegayso, waayo, Rabbigu wuu hadlay oo yidhi: Carruur baan quudiyey oo koriyey, oo iyana way igu caasiyoobeen. 3 Dibigu kan isaga leh wuu yaqaan, oo dameerkuna waa yaqaan meeshuu wax ka cuno ee sayidkiisa, laakiinse reer binu Israa'iil waxba ma yaqaaniin, oo dadkayguna waxba garan maayaan. 4 Hoog waxaa leh quruuntan dembiga badan, iyo dadkan xumaanta ku raran, iyo dhashan xumaanfalayaasha, iyo wiilashan si xun u macaamilooda. Iyagu Rabbiga way ka tageen, oo waxay quudhsadeen Ka Quduuska ah ee reer binu Israa'iil dib bayna uga noqdeen. 5 Bal maxaa mar dambe wax laydiinku dhufan doonaa, oo aad u sii fallaagoobi doontaan? Madaxa oo dhammu waa bukaa, oo qalbiga oo dhammuna waa taag daranyahay.
  • Luuk 10:13-15 : 13 ¶ Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 14 Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 15 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.
  • Fal 17:20 : 20 Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.
  • 2 Tim 2:25-26 : 25 oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan, 26 oo ay dabinka Ibliiska ka baxsadaan, iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan.
  • Yac 1:5 : 5 ¶ Laakiin haddii midkiin xigmad u baahan yahay, ha ka baryo Ilaah, kan kulli si deeqsinimo ah u siiya isagoo aan canaanan, oo waa la siin doonaaye.
  • Muj 2:21 : 21 Oo waxaan iyada siiyey wakhti ay ku toobadkeento, iyaduse dooni mayso inay ka toobadkeento sinadeeda.
  • Muj 9:20-21 : 20 ¶ Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin; 21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.
  • Muj 16:9 : 9 Markaasaa dadkii waxaa lagu gubay kulayl weyn, oo waxay caayeen magicii Ilaaha belaayooyinka u taliya, oo ma ay toobadkeenin inay isaga ammaanaan.
  • Muj 16:11 : 11 oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.
  • Yer 8:6 : 6 Waan dhegaystay oo waan maqlay, laakiinse si qumman uma ay hadlin. Oo midkoodna xumaantiisii kama toobadkeeno, isagoo leh, Bal maxaan sameeyey? Mid kastaaba wuxuu u leexdaa jidkiisii sida faras dagaal ku yaacaya.
  • Miik 6:1-5 : 1 ¶ Haddaba maqla waxa Rabbigu leeyahay, Sara joogsada, dacwaddiinna buuraha ku hor sheegta, oo kuruhuna codkiinna ha maqleen. 2 Buuraha iyo dhulka aasaasyadiisa warayow, Rabbiga dacwaddiisa maqla, waayo, Rabbigu dacwad buu la leeyahay dadkiisa, oo wuxuu la muddici doonaa dadka Israa'iil. 3 Dadkaygiiyow, bal maxaan idinku sameeyey? Maxaanse idinku daaliyey? Haddaba bal igu markhaatifura. 4 Waayo, dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo guriga addoonsiga waan idinka soo furtay, oo waxaan idin hor mariyey Muuse, iyo Haaruun iyo Maryan. 5 Dadkaygiiyow, bal haatan soo xusuusta wixii uu Baalaaq oo ahaa boqorkii Moo'aab ku tashaday, iyo wixii u Balcaam ina Becoor ugu jawaabay, bal soo xusuusta wixii dhacay tan iyo Shitiim iyo ilaa Gilgaal, si aad ku ogaataan falimaha xaqa ah ee Rabbiga.
  • Mat 12:41 : 41 Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
  • Mat 21:28-32 : 28 ¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
  • Mark 9:19 : 19 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.
  • Mark 16:14 : 14 ¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 11:21-24
    4 aayado
    85%

    21Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.

    22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

    23Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.

    24Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.

  • 81%

    12Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.

    13¶ Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.

    14Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

    15Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.

  • 58Halkaas shuqullo badan oo xoog leh kuma samayn rumaysadla'aantooda aawadeed.

  • Mat 21:31-32
    2 aayado
    73%

    31Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah.

    32Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.

  • 19Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.

  • 15Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

  • Mark 6:11-12
    2 aayado
    71%

    11Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

    12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.

  • Mat 11:16-17
    2 aayado
    70%

    16¶ Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa,

    17iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen.

  • 17¶ Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

  • 12si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.

  • 5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.

  • 37¶ Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;

  • 8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,

  • 1¶ Goortii Ciise amarkiisa u dhammeeyey laba iyo tobankii xertiisa ahaa, waxaa dhacay inuu meeshaas ka noqday inuu magaalooyinkooda wax ku baro oo ku wacdiyo.

  • 41Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

  • 3Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaanad toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.

  • 10Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha,

  • 14¶ Dabadeed wuxuu u muuqday koob-iyo-tobankii goortay cunto u fadhiyeen. Wuuna u canaantay rumaysaddarradooda iyo qalbi engegnaantooda, waayo, ma ayna rumaysan kuwii isaga arkay goortuu sara kacay dabadeed.

  • 41¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,

  • 11oo xanuunkoodii iyo nabrahoodii aawadood waxay caayeen Ilaaha samada, oo shuqulladoodiina kama ay toobadkeenin.

  • 26Markaasaad bilaabi doontaan inaad tidhaahdaan, Hortaada ayaannu wax ku cuni jirnay oo ku cabbi jirnay, oo jidadkayaga ayaad wax ku bari jirtay.

  • 32Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.

  • 16Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,

  • 29¶ Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.

  • 32Waxay u eg yihiin carruur suuqa fadhida oo isu yeedhyeedhaysa iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad ooyi weydeen.

  • 20laakiin waxaan horeba ugu sheegay kuwii joogay Dimishaq iyo Yeruusaalem iyo dalka Yahuudiya oo dhan iyo weliba dadka aan Yuhuudda ahayn, inay toobadkeenaan oo ay Ilaah u soo noqdaan, iyagoo samaynaya shuqullo toobad istaahila.

  • Mark 6:5-6
    2 aayado
    68%

    5Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane.

    6Wuuna ka yaabay rumaysadla'aantooda aawadeed. Kolkaasuu tuulooyinka ku wareegay isagoo wax baraya.

  • 34Wiilka Aadanahu waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, waxaadna tidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal.

  • 5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

  • 2Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

  • 40Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.

  • 23Kolkaasuu ku yidhi, Shakila'aan waxaad masaalkan igu odhan doontaan, Dhakhtarow, isbogsii. Wax kastoo aannu maqalnay oo Kafarna'um lagu sameeyey, halkan dhulkaagana ku samee.

  • 32Anigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid.

  • 11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • 2In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

  • 7Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.

  • 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 9Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.

  • 54Oo markuu waddankiisa yimid, ayuu sunagoggooda wax ku baray, sidaa darteed way yaabeen oo yidhaahdeen, Ninkanu xaggee buu ka helay xigmaddan iyo shuqulladan xoogga leh?