Markos 6:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 18:6 : 6 Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • Nex 5:13 : 13 Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.
  • Mat 10:14-15 : 14 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.
  • Luuk 9:5 : 5 Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
  • Luuk 10:10-15 : 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas. 13 ¶ Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 14 Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 15 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.
  • Fal 13:50-51 : 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii. 51 Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.
  • Yoox 15:22-24 : 22 Haddaanan iman oo aanan la hadlin, dembi ma ay lahaadeen, laakiin hadda dembigooda marmarsiinyo uma haystaan. 23 Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay. 24 Haddaanan dhexdooda ku samayn shuqullada aan nin kale samayn, dembi ma ay lahaadeen, haddase aniga iyo Aabbahayba way na arkeen oo na nebcaadeen.
  • Mat 11:20-24 : 20 ¶ Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobadkeenin. 21 Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya. 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan. 23 Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd. 24 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.
  • Mat 12:36 : 36 Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan.
  • Yex 16:48-51 : 48 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Waxa adiga iyo gabdhahaagu aad samayseen oo kale walaashaa Sodom iyo gabdhaheeduba ma ay samayn. 49 Bal eeg, walaashaa Sodom dembigeedu sidan buu ahaa. Iyada iyo gabdhaheeduba waxay lahaayeen kibir, iyo cunto faro badan, iyo raaxo barwaaqo ah, laakiinse masaakiinta iyo saboolka baahan gacmahooda ma ay taageeri jirin. 50 Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey. 51 Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • Room 2:16 : 16 maalinta Ilaah waxyaalaha qarsoon ee dadka ku xukumi doono Ciise Masiix sida injiilkaygu leeyahay.
  • Cib 6:4-8 : 4 Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, 5 oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, 6 oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. 7 Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da'a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, 8 laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.
  • Cib 10:26-31 : 26 ¶ Haddaynu badheedh u dembaabno kolkaynu aqoonta runta helnay dabadeed, allabari dambe oo dembiyo loo bixiyaa ma hadho. 27 Laakiin waxaa u hadha filasho cabsi leh oo xukun, iyo dab kulul oo baabbi'in doona kuwa Ilaah ka geesta ah. 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa. 29 Taqsiir intee le'eg oo ka sii xun baad u malaynaysaan inuu istaahili doono kii Wiilka Ilaah ku joogjoogsaday, oo dhiigga axdiga oo isaga quduuska lagaga dhigay ku tiriyey wax aan quduus ahayn, oo caayay Ruuxa nimcada? 30 Waayo, innagu waynu naqaan kan yidhi, Aarsasho anigaa leh; oo waan abaalmarin doonaa. Mar kalena waxaa la yidhi, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa. 31 Waa wax aad cabsi u leh in lagu dhaco gacmaha Ilaaha nool.
  • 2 But 2:6 : 6 Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,
  • 2 But 2:9 : 9 Rabbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,
  • 2 But 3:7 : 7 Laakiinse samooyinka haatan jira iyo dhulkaba isku eray baa dab loogu kaydiyey, oo waxaa loo hayaa maalinta xisaabta iyo halligaadda dadka cibaadalaawayaasha ah.
  • 1 Yoox 4:17 : 17 Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.
  • Yuud 1:7 : 7 Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 10:13-15
    3 aayado
    90%

    13oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.

    14Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.

    15Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

  • Luuk 9:4-6
    3 aayado
    89%

    4Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.

    5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

    6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • Luuk 10:8-16
    9 aayado
    80%

    8Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna.

    9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

    10Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha,

    11Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.

    12Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.

    13¶ Waa kuu hoog, Khorasinay. Waa kuu hoog, Beytsayday, waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.

    14Laakiin maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

    15Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaa lagu dejin doonaa Haadees.

    16Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.

  • Mat 11:20-24
    5 aayado
    79%

    20¶ Dabadeed wuxuu bilaabay inuu canaanto magaalooyinkii uu shuqulladiisa xoogga leh badidooda ku dhex sameeyey, waayo, ma ay toobadkeenin.

    21Waa kuu hoog, Khorasinay; waa kuu hoog, Beytsayday; waayo, shuqulladii xoogga lahaa oo laydinku dhex sameeyey, haddii Turos iyo Siidoon lagu samayn lahaa, goor horay toobadkeeni lahaayeen, iyagoo dhar joonyad ah gashan oo dambas ku fadhiya.

    22Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta Turos iyo Siidoon waa idinka xisaab fududaan doonaan.

    23Adiguna Kafarna'umay, samada ma laguu sarraysiin doonaa? Waxaad ku degi doontaa Haadees, waayo, haddii shuqulladii xoogga lahaa oo lagugu dhex sameeyey, Sodom lagu samayn lahaa, ilaa maanta way joogi lahayd.

    24Laakiin waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, dalka Sodom ayaa kaa xisaab fududaan doona.

  • Mark 6:9-10
    2 aayado
    79%

    9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.

    10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

  • 12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.

  • 51Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

  • 11Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

  • 23Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

  • 6Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.

  • Luuk 6:22-23
    2 aayado
    69%

    22Waad barakaysan tihiin goortii dadku idin necbaado, oo goortay dhexdooda idinka saaraan, oo idin caayaan, oo magacyadiinna sida wax shar leh u tuuraan Wiilkii Aadanaha aawadiis.

    23Maalintaas reyreeya oo farxad ku boodbooda, waayo, bal ogaada, abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay jannada, waayo, awowayaashood sidaasay nebiyadii ku samayn jireen.

  • 4Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina.

  • 40Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.

  • Mat 10:5-7
    3 aayado
    68%

    5¶ Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,

    6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

    7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

  • 6Oo magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,

  • 6¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

  • 17Oo hadduu iyaga maqli waayo, dadka kiniisadda u sheeg, oo hadduu dadka kiniisadda maqli waayona, ha kuu ahaado sida qof aan Ilaah aaminin iyo cashuurqaade.

  • 48Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.

  • 13¶ Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.

  • 37¶ Cidna ha xukumina, idinkana laydinma xukumi doono. Ninnana wax ha ku garaynina, idinkana wax laydinkuma garayn doono e; dhaafa oo waa laydin dhaafi doonaa.

  • 67%

    29Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.

    30Si la mid ah ayay noqon doontaa maalinta Wiilka Aadanahu soo muuqdo.

    31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.

  • 9¶ Laakiin iska jira. Waxaa laydiin dhiibi doonaa shirar, oo sunagogyo waa laydinku karbaashi doonaa; taliyayaal iyo boqorro hortooda ayaad daraadday u istaagi doontaan inaad markhaati u ahaataan.

  • 28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.

  • 6Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 40¶ Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.

  • 11Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.

  • 10¶ Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga.