Matayos 24:38

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, siday wax u cunayeen oo wax u cabbayeen, oo u guursanayeen oo loogu guurinayay maalmihii daadka hortiisa ilaa maalintii Nuux doonnida galay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 13:13-14 : 13 Sida iyadoo maalin ah aynu si qumman u soconno, yeynan ku socon rabshad iyo sakhraannimo, yeynan ku socon galmo iyo dhillanimo, yeynan ku socon ilaaq iyo hinaaso. 14 Laakiin Rabbi Ciise Masiix huwada, oo jidhka ha ka fikirina inaad damacyadiisa samaysaan.
  • 1 Kor 7:29-31 : 29 Laakiin waxaan leeyahay, walaalayaalow, wakhtiga waa la soo gaabiyey, hadda kaddib kuwa naagaha qabaa ha ahaadeen sidii iyagoo aan qabin; 30 oo kuwa ooyaana sidii iyagoo aan ooyin, kuwa farxaana sidii iyagoo aan farxin, kuwa wax iibsadaana sidii iyagoo aan waxba lahayn; 31 kuwa dunidan ku isticmaalaana, sidii iyagoo aan aad ugu isticmaalin, waayo, xaalka dunidan waa idlaanayaa.
  • Bil 6:2 : 2 in wiilashii Ilaah arkeen gabdhihii dadku inay wanaagsan yihiin, oo ay guursadeen in alla intay doorteen oo dhan.
  • Bil 7:7 : 7 Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.
  • 1 Sam 25:36-38 : 36 Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii. 37 Oo subaxdii markii Naabaal sakhraankii ka ba'ay ayay naagtiisii waxyaalahan u sheegtay, markaasaa qalbigii ku dhex dhintay, oo sidii dhagax oo kale ayuu noqday. 38 Oo haddana toban maalmood dabadeed Rabbigaa Naabaal dilay, wuuna iska dhintay.
  • 1 Sam 30:16-17 : 16 Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba. 17 Oo Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane.
  • Ish 22:12-14 : 12 Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa. 13 Oo bal eega, waxaa jira farxad iyo rayrayn, dibi la qalo iyo ido la gowraco, hilib la cuno iyo khamri la cabbo, oo waxaa la yidhaahdaa, Aynu wax cunno oo cabno, waayo, berrito waynu dhiman doonaaye. 14 Oo Rabbiga ciidammada ayaa waxan dhegaha ii saaray. Sida xaqiiqada ah xumaantan laydinkama maydhi doono jeeraad dhimataan, ayaa Sayidka ah Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Yex 16:49-50 : 49 Bal eeg, walaashaa Sodom dembigeedu sidan buu ahaa. Iyada iyo gabdhaheeduba waxay lahaayeen kibir, iyo cunto faro badan, iyo raaxo barwaaqo ah, laakiinse masaakiinta iyo saboolka baahan gacmahooda ma ay taageeri jirin. 50 Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey.
  • Aam 6:3-6 : 3 Waxaa iska hoogay kuwiinna maalintii sharka fogeeya, oo ka dhiga fadhigii dulmiga inuu soo dhowaado, 4 oo sariiro foolmaroodi ah ku jiifsada, oo gogosha isku kala bixiya, oo cuna baraarka idaha iyo weylaha edegga ku dhex jira, 5 oo u heesa dhawaaqa shareeradda, oo isu hindisa alaab muusiko sidii kuwii Daa'uud, 6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
  • Mat 22:30 : 30 Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.
  • Luuk 12:19 : 19 oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax.
  • Luuk 12:45 : 45 Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo,
  • Luuk 14:18-20 : 18 Markaasay kulligood waxay bilaabeen inay fikir keliya ku marmarsiiyoodaan. Kii u horreeyey ayaa ku yidhi, Beer baan iibsaday, oo waa inaan tago oo aan soo arko. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 19 Mid kale ayaa yidhi, Waxaan iibsaday shan qindi oo dibi ah, oo waan tegayaa inaan imtixaamo. Waxaan kaa baryayaa inaad iga raalli ahaato. 20 Mid kale ayaa yidhi, Naag baan guursaday, sidaa darteed ma iman karo.
  • Luuk 17:26-28 : 26 Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha. 27 Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabbi'iyey. 28 Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luud. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen.
  • Luuk 21:34 : 34 ¶ Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    26Oo sidii wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayay noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha.

    27Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wayna guursan jireen oo guur baa la siin jiray, ilaa maalintii Nuux uu doonnida galay, oo daadkii yimid oo wada baabbi'iyey.

    28Sidaas oo kale ayay weliba ahayd maalmihii Luud. Wax bay cuni jireen oo cabbi jireen, wax bayna iibsan jireen oo iibin jireen, oo beeran jireen, oo dhisan jireen.

    29Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.

  • 37Sida wakhtigii Nuux ahaa, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

  • 39wayna garan waayeen ilaa daadkii yimid oo kulligood wada qaaday, sidaas oo kale ayaa imaatinka Wiilka Aadanahu ahaan doonaa.

  • Bil 7:9-13
    5 aayado
    74%

    9Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux.

    10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

    11Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.

    12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

    13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

  • Bil 7:4-7
    4 aayado
    73%

    4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

    5Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.

    6¶ Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay.

    7Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

  • Bil 7:23-24
    2 aayado
    72%

    23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

    24Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

  • Bil 7:15-18
    4 aayado
    70%

    15Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii.

    16Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii.

    17Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.

    18Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii.

  • Bil 8:15-18
    4 aayado
    70%

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

    16Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

    18Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

  • 13¶ Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.

  • 2ilihii moolka iyo dariishadihii samaduna way awdmeen; roobkii samadana waa la joojiyey;

  • Bil 6:18-19
    2 aayado
    69%

    18Laakiin axdigayga adigaan kula dhigan doonaa; oo doonnidaad soo geli doontaan, adiga, iyo wiilashaada, iyo naagtaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    19Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

  • 6kuwaas oo dunidii waagaas jirtay ay ku baabba'day iyadoo daad qaaday.

  • 5Oo dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.

  • 6Waxaana dhacday in afartan maalmood dabadood Nuux furay dariishaddii doonnidii uu sameeyey;

  • 20kuwaas oo waagii hore ahaa caasiyiin markii dulqaadashada Ilaah ay sugaysay intii maalmihii Nuux oo la diyaarinayay doonnidii, taasoo ay biyihii kaga badbaadeen dhawr qof oo ah siddeed nafood oo keliya.

  • 1¶ Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda.

  • Bil 6:21-22
    2 aayado
    68%

    21Cuntada la cuno oo dhanna qaado, oo kulligeed ururso oo waxay idiin noqon doontaa cunto, adiga iyo iyagaba.

    22Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

  • Bil 9:28-29
    2 aayado
    68%

    28¶ Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.

    29Wakhtigii Nuux noolaa oo dhammuna waxay ahaayeen sagaal boqol iyo konton sannadood; dabadeedna wuu dhintay.

  • 20¶ Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab.

  • 11Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay.

  • 8Laakiin Rabbigu Nuux raalli buu ka ahaa.