Matayos 25:28
Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.
Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
29Waayo, mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
15Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.
16Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.
17Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.
18Markaasaa kii labaad yimid isagoo leh, Sayidow, minahaagii waxaa laga faa'iiday shan mina.
19Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.
20Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.
21Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.
22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.
23Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?
24Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.
25Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa.
26Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
14¶ Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.
15Mid wuxuu siiyey shan talanti, midna wuxuu siiyey laba, midna wuxuu siiyey mid; mid kasta sidii tabartiisu ahayd, markaasuu dhoofay.
16Isla markiiba kii shantii talanti helay ayaa tegey oo ku baayacmushtaray, oo wuxuu faa'iiday shan talanti oo kale.
17Sidaas oo kale kii labada helayna, laba kale ayuu faa'iiday.
18Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey.
19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.
20Kii shantii talanti helay ayaa yimid oo keenay shan talanti oo kale, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay shan talanti; eeg, shan talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.
21Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
22Kii labadii talanti helayna waa yimid oo yidhi, Sayidow, waxaad ii dhiibtay laba talanti; eeg, laba talanti oo kale ayaan ka faa'iiday.
23Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.
24Kii talantigii keliya helayna waa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, waan ku garanayay inaad tahay nin qalbi engegan, oo aad wax ka guratid meel aanad wax ku beeran oo aad wax ka urursatid meel aanad wax ku firdhin.
25Waana baqay, oo intaan tegey ayaan talantigaagii dhulka ku qariyey. Bal eeg, waa kan kaagii.
26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.
27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.
25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.
14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.
23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.
24Goortuu bilaabay inuu xisaab qaato waxaa loo keenay nin toban kun oo talanti uu ku lahaa.
25Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.
18Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.
12Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.
13Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.
43Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.
47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.
11Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?
12Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?
48Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.
2Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid.
14Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.
34Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan.
28¶ Laakiin addoonkaas ayaa baxay oo helay mid ka mid ah addoommadii uu la shaqayn jiray, kii uu ku lahaa boqol dinaar. Wuu qabtay oo intuu ceejiyey ayuu ku yidhi, Bixi waxa lagugu leeyahay.
13Markaasaa boqorkii wuxuu midiidinyadii ku yidhi, Lugaha iyo gacmaha ka xidha, oo gudcurka dibadda ah ku tuura; halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
8Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen.
9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.
44Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga.