Matayos 27:65
Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.
Bilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
66Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.
60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
61Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.
62¶ Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,
63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.
64Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.
11¶ Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.
12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,
13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.
14Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.
6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.
7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.
8Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.
2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.
3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?
4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.
4Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.
5¶ Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.
6Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.
7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.
8Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.
36Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.
44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?
45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.
46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.
38¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.
2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.
5Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?
1¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.
2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.
37Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
22Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray.
58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.
1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.
2Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.
31¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.
1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.
53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.
54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.
55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.
56Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.
42Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.
1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday.
2Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen.
24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.
22Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.
24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.
29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.
57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.
37Markaasuu yimid oo wuxuu arkay iyagoo hurda, oo wuxuu Butros ku yidhi, Simoonow, ma huruddaa? Miyaad kari wayday inaad saacad keliya soo jeeddo?