Matayos 4:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, Xagga jidka badda, Webi Urdun shishadiisa, Galili quruumaha ka mid ah,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 9:1 : 1 ¶ Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.
  • Yash 20:7 : 7 Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
  • Yash 21:32 : 32 Oo waxay qabiilkii reer Naftaalina ka heleen Qedesh oo ku taal Galili iyo agagaarkeedii, oo taasu waxay ahayd magaaladii magangalka u ahayd gacankudhiiglaha, iyo Xammod Door iyo agagaarkeedii, iyo Qartaan iyo agagaarkeedii, oo intaasu waxay ahayd saddex magaalo.
  • 1 Boq 9:11 : 11 ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)
  • 2 Boq 15:29 : 29 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 4:12-14
    3 aayado
    85%

    12¶ Maarkuu maqlay in Yooxanaa la qabtay, ayuu Galili ku leexday,

    13oo intuu Naasared ka tegey, wuxuu yimid oo degay Kafarna'um, tan badda agteeda ahayd oo ku jirtay soohdimaha Sebulun iyo Naftaali,

    14inay noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay, isagoo leh,

  • Ish 9:1-2
    2 aayado
    84%

    1¶ Habase ahaatee madow uma ahaan doono tii cidhiidhiga ku jirtay. Waagii hore wuxuu ka dhigay in la quudhsado dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, laakiinse waagii dambe wuxuu ka dhigay in la sharafo dhulka ah xagga jidka badda, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo Galili quruumaha ka mid ah.

    2Dadkii ku socon jiray gudcurka ayaa iftiin weyn arkay, kuwii fadhiyi jiray dalka hooska dhimashada ahna iftiin baa u baxay.

  • Mat 4:16-18
    3 aayado
    83%

    16Dadkii fadhiyi jiray gudcurka Ayaa iftiin weyn arkay, Kuwii fadhiyi jiray dalka iyo hooska dhimashadana, Iftiin baa u baxay.

    17¶ Markaas dabadeed Ciise wuxuu bilaabay inuu wax ku wacdiyo oo yidhaahdo, Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

    18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

  • 25Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.

  • 32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.

  • 1¶ Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.

  • 9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

  • 34¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

  • 44¶ Sunagogyada Galilina ayuu dadka ka dhex wacdiyi jiray.

  • 1¶ Waxaas dabadeed Ciise wuxuu u kacay dhinaca kale oo badda Galili oo ahayd baddii Tiberiyas.

  • 29¶ Markaasaa Ciise halkaas ka tegey, oo wuxuu u soo dhowaaday badda Galili, oo buurtuu fuulay oo halkaasuu fadhiistay.

  • 45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.

  • 26¶ Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.

  • 2iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed,

  • 3ayuu Yuhuudiya ka tegey, wuxuuna mar kale u kacay Galili.

  • 43¶ Labadaas maalmood dabadeed meeshaas ayuu ka tegey oo Galili aaday.

  • 1¶ Intii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;

  • 79Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

  • 4siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 23¶ Ciise ayaa Galili oo dhan ku wareegay, isagoo sunagogyadooda wax ku baraya oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyaya oo bukaan oo dhan iyo cudur oo dhan bogsiinaya dadka dhexdiisa.

  • Mark 3:7-8
    2 aayado
    69%

    7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

    8iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.

  • 14¶ Markaasaa Ciise wuxuu xooggii Ruuxa kula noqday Galili, warkiisuna wuxuu gaadhay dhulka ku wareegsan oo dhan.

  • 13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

  • 6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

  • 17Waxaa loo dhiibay kitaabkii Nebi Isayos, oo goortuu kitaabkii furay ayuu helay meeshii lagu qoray,

  • 27oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,

  • 14¶ Kolkii Yooxanaa la qabtay dabadeed, Ciise wuxuu yimid Galili, oo wuxuu dadka ku wacdiyey injiilka Ilaah,

  • 23Wuxuuna yimid oo degay magaalada Naasared la odhan jiray si ay u noqoto wixii nebiyada lagaga hadlay, Waxaa loogu yeedhayaa Naasaraani.

  • 17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

  • 11¶ Waxaa dhacay intay Yeruusaalem ku sii socdeen inuu Samaariya iyo Galili dhex marayay.

  • 18Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 5Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,

  • 1¶ Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni.

  • 38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.

  • 28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

  • 16¶ Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.

  • 53¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared, oo doonnidiina xeebtay ku xidheen.

  • 13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.

  • 11Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari.

  • 4Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,

  • 1¶ Haddana wuxuu bilaabay inuu badda agteeda wax ku baro, oo waxaa u soo ururay dad badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay, wuxuuna fadhiistay badda, dadkii badnaana waxay joogeen badda xeebteeda.

  • 5Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,