Miikaah 2:13
Kan wax jebiyo ayaa hortood tegey. Way soo fara baxsadeen oo waxay u gudbeen xagga iridda, oo halkaasay ka bexeen, oo boqorkoodiina hortooduu maray, oo Rabbiguna waa kan madax u ah.
Kan wax jebiyo ayaa hortood tegey. Way soo fara baxsadeen oo waxay u gudbeen xagga iridda, oo halkaasay ka bexeen, oo boqorkoodiina hortooduu maray, oo Rabbiguna waa kan madax u ah.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkiin kastaaba meelaha jajaban buu ka soo dusi doonaa hortiisa, oo waxaad isku tuuri doontaan Harmoon.
12¶ Reer Yacquubow, sida xaqiiqada ah dhammaantiin waan soo wada shirin doonaa, sida xaqiiqada ah waxaan soo ururin doona kuwa dadka Israa'iil ka hadhay, oo waxaan iyaga isugu wada keeni doonaa sidii idihii Bosraah, sidii adhi daaqsiintiisii ku dhex jira, oo dadkooda badan daraaddiis aad bay u buuqi doonaan.
15Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba.
10¶ Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.
7Iyagu waxay hore ugu ordayaan sida rag xoog badan, oo waxay derbiga u fuulayaan sida rag dagaalyahan ah, oo midkood waluba halkiisuu marayaa, oo kala leexan maayaan.
12Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.
3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.
19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.
20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.
2Anigu waan ku hor socon doonaa, oo meelaha sarsarena waan simi doonaa, waanan kala burburin doonaa albaabbada naxaasta ah, oo qataarrada birta ahna waan kala googooyn doonaa,
1¶ Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.
13Oo haatan harqoodkiisa waan idinka jebin doonaa, oo jebbooyinka idinku xidhanna waan jebin doonaa.
7Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.
12Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
9Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.
9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.
9Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey. Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro, Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.
6Waxaa iman doona wakhti waardiyayaasha buuraha Efrayim kor saaranu ay ku dhawaaqi doonaan, Sara joogsada oo aynu Rabbiga Ilaaheena ah Siyoon ugu kacnee.
16Waayo, irdihii naxaasta ahaa wuu kala jejebiyey, Qataarradii birta ahaana wuu burburiyey.
15Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.
4Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.
5Oo iyana waxay ahaan doonaan sida rag xoog badan oo dagaal gala oo cadowgooda kula tunta dhoobada jidadka dhex taal. Wayna diriri doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa iyaga la jira. Oo kuwa fardaha ku joogaana way isku qasmi doonaan.
4Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.
21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.
2Kolkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.
5Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.
13Rabbigu wuxuu u soo bixi doonaa sida nin xoog badan, oo qiirona wuxuu u soo kicin doonaa sida nin dagaalyahan ah. Wuu qaylin doonaa, oo aad buu u dhawaaqi doonaa, oo xoog buuna cadowyadiisa kaga adkaan doonaa.
32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.
5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
11Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
14Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa.
16Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.
25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
1¶ Waxaan arkay Sayidka oo ag taagan meesha allabariga, oo wuxuu yidhi, Fayaaradaha garaac ilaa meelahooda sare gariiraan, oo dadka oo dhan madaxooda ku wada jejebi, oo intii ka hadhana seef baan ku layn doonaa. Midkoodna ma carari doono, oo midkoodna ma baxsan doono.
3Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.
17Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.
20Markaasaa Daa'uud yimid Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu hortayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Bacal Feraasiim.
7haddaba sidaas daraaddeed Sayidku wuxuu ku soo dayn doonaa biyaha Webiga ee xoogga iyo badnaanta leh, kuwaasoo ah boqorka Ashuur iyo sharaftiisa oo dhan, oo isna faraqyadiisa oo dhan wuu soo buuxin doonaa, oo qararkiisa oo dhanna wuu buuxdhaafin doonaa,
8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,
16Sidaas waxaa leh Rabbiga badda dhexdeeda jid ka sameeya, oo biyaha xoogga badan dhexdoodana dhabbe ka hagaajiya,
10Oo amiirku waa inuu iyaga dhex galaa markay galaan, oo markii ay baxaanna waa inuu baxaa.
4Waayo, Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Sida aar libaax iyo libaax yar oo raq ku kor guuxa, oo markii adhijirro badan loogu yeedho aan codkooda ka baqin ama aan qayladooda ka cabsan ayaa Rabbiga ciidammadu u soo degi doonaa inuu Buur Siyoon iyo kurteeda korkood ku diriro.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Bixiye baa u iman doona Siyoon iyo kuwa reer Yacquub ee xadgudubka ka leexdaba.
6¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.