Nexemyaah 5:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaasoo kale aniga iyo walaalahay iyo midiidinnadayda lacag iyo hadhuudh baan korsocod ku amaahinnaa. Waan idin baryayaaye aan iska dayno korsocodkan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 22:25-27 : 25 ¶ Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin. 26 Haddaad deriskaaga dharkiisa rahmad uga qaadatid waa inaad u celisaa intaan qorraxdu dhicin, 27 waayo, kaasu waa kan qudh ah oo uu isa saari jiray, oo waa dharkii uu huwan jiray, oo muxuu ku seexan doonaa? Oo waxaa dhici doonta in markuu ii qayshado, aan maqli doono, waayo, anigu waan raxmad badnahay.
  • Nex 5:7 : 7 Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.
  • Sab 15:5 : 5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
  • Yex 18:8 : 8 ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,
  • Yex 18:13 : 13 oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.
  • Miik 2:1 : 1 ¶ Waxaa hoogay kuwa xumaanta ka fikira oo waxyaalaha sharka ah sariirahooda ku hindisa. Markii waagu beryo ayay sameeyaan, maxaa yeelay, taas gacantooda baa xoog u leh.
  • Luuk 3:13-14 : 13 Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina. 14 Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada.
  • 1 Kor 9:12-18 : 12 Qaar kale hadday waxaas jid idiinku leeyihiin, miyaannan annagu si ka badan idiinku lahayn? Hase ahaatee, waxan noo jidka ah kuma aannu isticmaalin, laakiin wax walba waannu u dulqaadannaa inaannan sina u joojin injiilka Masiix. 13 Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin? 14 Sidaas oo kale Rabbigu wuxuu amray in kuwa dadka injiilka ku wacdiyaa ay injiilka ku noolaadaan. 15 Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin. 16 Waayo, haddaan dadka injiilka ku wacdiyo, wax aan ku faano ma aha, waayo, wax baa i qasbaya, maxaa yeelay, waa ii hoog haddaanan dadka injiilka ku wacdiyin. 17 Waayo, haddaan waxaas ku sameeyo doonistayda aawadeed, abaalgud baan helayaa, laakiin haddaanan doonistayda ku samayn, weli wakiilnimo baa laygu aaminay. 18 Haddaba abaalgudkaygu waa maxay? Waa in markaan injiilka dadka ku wacdiyo aan injiilka ka dhigo iibla'aan, si aanan ugu wada isticmaalin waxa ii jidka ah xagga injiilka.
  • 2 Kor 5:11 : 11 ¶ Sidaa daraaddeed annagoo garanayna cabsida Rabbiga, ayaannu dadka aaminsiinnaa; laakiin Ilaah waannu u muuqannaa, waana rajaynaynaa inaannu qalbiyadiinnana u muuqanno.
  • 2 Kor 5:20 : 20 ¶ Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
  • 2 Kor 6:1 : 1 ¶ Annagoo la shaqaynayna Ilaah waxaannu idinka baryaynaa inaydnaan micnela'aan u qaadan nimcadii Ilaah,
  • Flm 1:8-9 : 8 ¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg, 9 haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 5:11-12
    2 aayado
    84%

    11Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad maantadan u celisaan beerahoodii, iyo beerahoodii canabka ahaa, iyo beerahoodii saytuunka ahaa, iyo guryahoodii, oo lacagtii, iyo hadhuudhkii, iyo khamrigii, iyo saliiddii aad korsocodka uga qaadateenna boqolkii meelood meel u celiya.

    12Markaasay yidhaahdeen, Waxoodii waan u celinaynaa, oo wax dambena weyddiisan mayno innaba. Waxaannu yeelaynaa sidaad tidhaahdo. Markaasaan u yeedhay wadaaddadii, oo waxaan ku dhaariyey inay ballankan siduu yahay oofiyaan.

  • 25¶ Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.

  • Nex 5:2-9
    8 aayado
    79%

    2Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno.

    3Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed.

    4Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay.

    5Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.

    6Oo anna aad baan u cadhooday markii aan maqlay qayladoodii iyo erayadan.

    7Markaasaan isla arrinsaday, waanan la diriray kuwii gobta ahaa iyo taliyayaashii, oo waxaan ku idhi, Idinka mid waluba wuxuu walaalkiis ka qaataa korsocod. Oo anigu waxaan qabtay shir weyn oo iyaga ka gees ah.

    8Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.

    9Oo weliba waxaan idhi, War waxaad samaysaan ma wanaagsana. Sow waajib idinkuma aha inaad ku socotaan ka cabsashada Ilaaheenna cayda quruumaha cadaawayaasheenna ah aawadeed?

  • 76%

    36Oo waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado.

    37Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.

  • 76%

    19¶ Waa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar laysku deymiyo toona.

    20Kii shisheeye ah korsaar wax baad ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.

  • Nex 10:30-32
    3 aayado
    76%

    30iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;

    31iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.

    32Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:

  • Nex 5:14-16
    3 aayado
    74%

    14Oo weliba tan iyo waagii la ii doortay inaan taliye u ahaado dalka Yahuudah waagaasoo ahaa boqorkii Artaxshasta sannaddiisii labaatanaad ilaa tan iyo sannaddiisii laba iyo soddonaad inta u dhex leh intaasoo ahayd laba iyo toban sannadood, aniga iyo walaalahay midna ma cunin cuntadii taliyaha.

    15Laakiinse taliyayaashii hore oo iga sii horreeyey dadka culays bay ku hayeen, oo waxay ka qaadan jireen cunto iyo khamri iyo weliba afartan sheqel oo lacag ah, oo xataa midiidinnadoodu dadka way xukumi jireen. Laakiinse anigu saas ma aan yeelin, maxaa yeelay, waxaan ka cabsadaa Ilaah.

    16Oo weliba waxaan hore u sii waday shuqulkii derbigan, oo annagu waxba dhul ma aannu iibsan. Oo midiidinnadaydii oo dhammuna halkaasay shuqulka aawadiis ku soo wada urureen.

  • 8ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,

  • Sharc 15:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Oo toddoba sannadood oo kastaa markay dhammaadaan waa inaad saamaxaad samaysaan.

    2Oo sidaad saamaxaad u samaynaysaan waa sidatan: mid kasta oo deyn baxshayba ha saamaxo wixii uu deriskiisa deynshay, oo waa inuusan ka qaadan deriskiisa iyo walaalkiis toona, maxaa yeelay, waxaa la naadiyey Rabbiga saamaxaaddiisii.

    3Kii shisheeye ah waad ka qaadan karaysaan, laakiinse wax alla wixii aad leedihiin oo gacanta walaalkiin ku jira waa inaad saamaxdaan.

  • 37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.

  • 5Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.

  • 12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 2Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.

  • 10¶ Markaad deriskaaga wax amaahiso, deyn kasta ha ahaadee, waa inaadan gurigiisa gelin si aad rahaamadda uga soo qaadato.

  • 69%

    8¶ Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan.

    9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

    10Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba.

  • 10¶ Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.

  • 13oo uu korsaar wax ku bixiyey, oo uu cid kale ribo ka qaatay, kaasu miyuu noolaanayaa? Isagu noolaan maayo, waayo, waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayuu sameeyey, hubaal wuu dhiman doonaa, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

  • 27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?

  • 5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

  • 23Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 24Oo weliba waxaannu ku ogeysiinaynaa inaanay xalaal ahaan doonin in gabbaro, canshuur, amase baad toona la saaro wadaaddada, iyo kuwa reer Laawi, iyo nimanka gabayaaga ah, iyo irid-dhawryada, iyo reer Netiiniim, iyo addoommada gurigan Ilaah midkoodna.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • 14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

  • 37Oo bal eeg, wuxuu midho badan u dhalaa boqorradii aad korkayaga ka yeeshay dembigayaga aawadiis; oo weliba waxay ugu taliyaan jidhkayaga iyo xoolahayagaba siday doonayaan, oo annana cidhiidhi weyn baannu ku jirnaa.

  • 42Kii wax kaa barya, sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo ha ka sii jeesan.

  • 22Oo sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan.

  • 39Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.

  • 6si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?

  • 34Haddaad wax amaahisaan kuwa aad ka rajaynaysaan inaad ka heshaan, mahadmaad heshaan? Waayo, xataa dembilayaashuba way amaahiyaan dembilayaasha inay ka helaan intii oo kale.

  • 15Oo wuxuu idinka qaadan doonaa iniinihiinna toban meelood oo meel iyo beerihiinna canabka ah, markaasuu siin doonaa saraakiishiisa, iyo midiidinnadiisa.

  • 11Sayidow, waan ku baryayaaye, hadda dhegahaagu ha maqleen baryadayda anoo addoonkaaga ah, iyo baryada addoommadaada ku farxa inay ka cabsadaan magacaaga; waan ku baryayaaye, maanta i guulee, anoo addoonkaaga ah, oo ka dhig inaan ninkan hortiisa naxariis ka helo. (Anigu waxaan ahaa koobsidaha boqorka.)