7Markaasaa Muuse ulihii dhigay Rabbiga hortiisa teendhadii maragga gudaheeda.
8Maalintii dambe waxaa noqotay in Muuse galay teendhadii maragga, oo bal eeg, wuxuu arkay ushii Haaruun oo reer Laawi oo magooshay; way magooshay, wayna ubxisay, oo waxay dhashay yicib bisil.
9Markaasaa Muuse ulihii ka soo qaaday Rabbiga hortiisa oo wuxuu u keenay reer binu Israa'iil oo dhan, oo way fiiriyeen oo nin waluba ushiisii buu qaatay.
10Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Usha Haaruun dib ugu celi maragga hortiisa in iyada loo haysto calaamo ka gees ah dadka caasiya, inaad iga joojisid gunuuskooda ay ii gunuusaan, yaanay iyagu dhimane.
11Oo sidaasaa Muuse yeelay. Sidii Rabbigu isaga ugu amray ayuu u sameeyey.