Tirintii 20:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo sidaasuu boqorkii Edom ugu diiday reer binu Israa'iil inay soohdintiisa soo dhex maraan, oo saas aawadeed reer binu Israa'iil isagii way ka leexdeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 11:18 : 18 Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.
  • Sharc 2:29 : 29 oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.
  • Sharc 23:7 : 7 ¶ Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
  • Sharc 2:4-8 : 4 Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada, 5 hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw. 6 Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada. 7 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idinku wada barakeeyey shuqulkii gacantiinna oo dhan, oo isagu wuu yiqiin socodkiinnii aad cidladan soo dhex marteen. Afartankan sannadood ayaa Rabbiga Ilaahinna ahu idinla jiray, oo waxba uma aydaan baahan. 8 Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.
  • Sharc 2:27 : 27 Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
  • Xaak 11:24 : 24 Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 20:17-20
    4 aayado
    90%

    17Waan ku baryayaaye, na daa aan dalkaaga dhex marnee. Kaa dhex mari mayno berrin ama beercanab, oo ceelasha biyahoodana ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa oo ugu leexan mayno xagga midigta ama xagga bidixda jeeraannu soohdintaada ka baxno.

    18Markaasaa boqorkii Edom wuxuu ku yidhi, Dalkayga waa inaanad soo dhex marin yaanan seef kuula soo bixine.

    19Markaasaa reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen, Annagu waddada weyn baannu iska maraynaa, oo annaga iyo lo'dayaduba haddaannu biyo kaa cabno qiimahooda waannu ku siinaynaa, haddaba annagoo aan innaba wax kale samayn aan dalkaaga cagaha ku dhex marno.

    20Oo isna wuxuu yidhi, Dalkayga soo dhex mari maysaan. Markaasaa boqorkii Edom wuxuu u soo baxay reer binu Israa'iil isagoo gacan xoog leh dad badan ku wata.

  • 83%

    16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

    17markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.

    18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

    19Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii.

    20Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray.

  • Tir 20:22-23
    2 aayado
    77%

    22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

    23Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun kula hadlay Buur Xor oo ku ag taal soohdinta dalka Edom oo wuxuu ku yidhi,

  • 4¶ Oo Buur Xor waxay uga guureen xagga jidka loo maro Badda Cas inay hareer ka maraan dalka reer Edom. Markaasay dadku aad u qalbi jabeen jidkii daraaddiis.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • Tir 21:21-23
    3 aayado
    76%

    21¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,

    22Na daa aan dalkaaga dhex marnee. Annagu gees ugu leexan mayno berrin ama beercanab, oo ceelashana biyo ka cabbi mayno. Waxaannu iska maraynaa boqorka waddadiisa jeeraannu soohdintaada ka baxno.

    23Siixonse uma uu oggolaan in reer binu Israa'iil soohdintiisa soo dhex maraan; laakiinse Siixon dadkiisii oo dhan ayuu soo urursaday oo ku soo baxay reer binu Israa'iil oo cidlada jooga, oo wuxuu yimid Yahas, oo uu reer binu Israa'iil la diriray.

  • 2 Boq 3:8-9
    2 aayado
    75%

    8Oo isna wuxuu yidhi, War jidkee baynu maraynaa? Markaasuu ugu jawaabay, Jidka cidlada Edom.

    9Sidaas daraaddeed waxaa israacay boqorkii dalka Israa'iil, iyo boqorkii dalka Yahuudah, iyo boqorkii dalka Edom; oo waxay wareegeen meel toddoba maalmood loo socdo; oo ciidankii iyo xayawaankii la socday toona biyo ma helin.

  • 10Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

  • 14¶ Markaasaa Muuse kuwa farriin wada Qaadeesh uga diray boqorkii reer Edom, oo wuxuu ku yidhi, Annagoo ah walaalahaa ilma Israa'iil waxaannu kugu leennahay, Waad garanaysaa dhibkii nagu soo dhacay oo dhan,

  • 73%

    29oo ii yeel siday ii yeeleen reer Ceesaw oo deggan Buur Seciir iyo reer Moo'aab oo deggan Caar, ilamaa aan Webi Urdun uga gudbo dalkii Rabbiga Ilaahayaga ahu na siinayo.

    30Laakiinse Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon inooma dayn inaan dalkiisa marno, waayo, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa ruuxiisa qallafiyey oo qalbigiisana wuxuu ka dhigay wax adag, si uu isaga u soo geliyo gacantaada siday maanta tahay.

  • 27Dalkaaga aan dhex maree. Waxaan iska marayaa jidka weyn, oo u leexan maayo xagga midigta iyo xagga bidixda toona.

  • 21iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,

  • 1¶ Markaasaynu noqonnay, oo waxaynu u guurnay cidladii ku tiil jidka Badda Cas loo maro, sidii Rabbigu igu amray, oo in maalmo badan ah baynu ku wareegaynay Buur Seciir.

  • 40Laakiinse idinku noqda oo u guura cidladii xagga jidka Badda Cas loo maro.

  • 20Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.

  • Sharc 2:4-5
    2 aayado
    71%

    4Oo adigu waxaad dadka ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Idinku waxaad dhex martaan soohdinta walaalihiin reer Ceesaw oo Seciir deggan, oo iyana way idinka cabsan doonaan, haddaba si wanaagsan u digtoonaada,

    5hana la diririna, waayo, dalkooda idinka siin maayo xataa intii cagta la saaro, maxaa yeelay, Buur Seciir hanti baan u siiyey reer Ceesaw.

  • 37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • 18Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.

  • 21Oo weliba Rabbigu wuu iigu cadhooday idinka daraaddiin, oo wuxuu ku dhaartay inaanan Webi Urdun ka gudbin, iyo inaanan gelayn dalka wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu dhaxal idiin siinayo,

  • 10Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay oo gacantiisii ka hoos baxay reer Libnaah, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka tegey Rabbigii ahaa Ilaaha awowayaashiis.

  • 17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

  • 26Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

  • 13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • 8Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.

  • 21Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.

  • 31Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.

  • 17Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan.

  • 26Laakiinse Rabbigu idinka daraaddiin buu igu cadhooday, imana uu maqlin. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Intaasu ha kugu filnaato, oo mar dambe xaalkaas ha igala hadlin.