Tirintii 33:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 2:8 : 8 Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.
  • 1 Boq 9:26 : 26 ¶ Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
  • 1 Boq 22:48 : 48 Oo Yehooshaafaadna wuxuu samaystay doonniyo Tarshiish inay Oofir tagaan oo dahab u doonaan aawadeed, laakiinse halkaas ma ay tegin, maxaa yeelay, doonniyihii waxay ku burbureen Cesyoon Geber agteeda.
  • 2 Taar 20:36 : 36 oo wuxuu isagii kula heshiiyey inay samaystaan doonniyo Tarshiish u dhoofa, oo doonniyihii waxay ku samaysteen Cesyoon Geber.
  • Tir 14:25 : 25 Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:15-34
    20 aayado
    88%

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

    18Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.

    19Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.

    20Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.

    21Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.

    22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

    23Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.

    24Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.

    25Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.

    26Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.

    27Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.

    28Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.

    29Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.

    30Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.

    31Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

    32Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

    33Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.

    34Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.

  • Tir 33:36-37
    2 aayado
    88%

    36Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

    37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • Tir 33:41-49
    9 aayado
    79%

    41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

    42Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.

    43Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

    44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

    45Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.

    46Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.

    47Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

    48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

    49Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.

  • Tir 33:6-13
    8 aayado
    78%

    6Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.

    7Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.

    8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

    9Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.

    10Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

    11Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

    12Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.

    13Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.

  • Tir 21:11-12
    2 aayado
    75%

    11Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim oo cidlada ku dhex taal oo ah Moo'aab horteeda oo xagga qorrax ka soo baxa ah.

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

  • 35Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

  • 33¶ Oo iyaguna buurtii Rabbiga ayay saddex maalmood socodkood ka sii sodcaaleen, sanduuqii axdiga Rabbiguna iyaguu hor kacay intii saddex maalmood socodkood ah, inuu iyaga u sii doondoono meel ay ku nastaan.

  • 8Oo sidaas daraaddeed ayaynu walaalaheen reer Ceesaw oo Buur Seciir degganaa ku soo dhaafnay jidka Caraabaah ee ka soo baxa Eelad iyo Cesyoon Geber. Markaasaynu leexannay oo waxaynu soo marnay jidka cidlada Moo'aab.

  • 3oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;

  • 16Oo dabadeedna dadkii Xaseerood way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Faaraan.

  • 1¶ Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.

  • 4oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon.