Tirintii 12:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo dabadeedna dadkii Xaseerood way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Faaraan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 11:35 : 35 Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.
  • Tir 10:12 : 12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
  • Tir 33:18 : 18 Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.
  • 1 Sam 25:1 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dhintay Samuu'eel, reer binu Israa'iil oo dhammuna way isu soo wada urureen oo u baroorteen, oo waxay isagii ku dhex aaseen gurigiisii Raamaah ku yiil. Daa'uudna wuu kacay oo ku dhaadhacay cidladii Faaraan.
  • Xab 3:3 : 3 Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan, Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah) Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka, Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.
  • Bil 21:21 : 21 Wuxuuna degay cidladii Faaraan: hooyadiis baana dhulka Masar naag uga qaadday.
  • Tir 13:3 : 3 Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.
  • Tir 13:26 : 26 ¶ Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 10:12-13
    2 aayado
    81%

    12Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.

    13Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.

  • Tir 33:15-19
    5 aayado
    81%

    15Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.

    16Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.

    17Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.

    18Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.

    19Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.

  • 35Markaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.

  • 15Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.

  • Tir 21:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo halkaasna way ka guureen, oo waxay degeen dooxadii Sered,

    13Halkaasna way ka guureen, oo waxay deggeen Webi Arnoon dhankiisa kale, kaasoo cidlada ku yaal oo soohdinta reer Amor ka soo baxa, waayo, Webi Arnoon waa soohdinta reer Moo'aab oo wuxuu u dhexeeyaa reer Moo'aab iyo reer Amor.

  • Tir 33:35-37
    3 aayado
    75%

    35Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.

    36Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).

    37Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.

  • Tir 33:41-44
    4 aayado
    73%

    41Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.

    42Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.

    43Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.

    44Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.

  • Tir 33:24-32
    9 aayado
    73%

    24Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.

    25Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.

    26Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.

    27Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.

    28Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.

    29Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.

    30Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.

    31Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.

    32Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.

  • Tir 33:6-8
    3 aayado
    72%

    6Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.

    7Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.

    8Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.

  • 6reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada.

  • 22Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.

  • 2Oo markay ka soo keceen Refiidiim oo ay yimaadeen cidladii Siinay ayay teendhooyinkoodii cidladii ka dhisteen, oo reer binu Israa'iil halkaasay degeen buurta horteeda.

  • Tir 33:10-13
    4 aayado
    70%

    10Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.

    11Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.

    12Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.

    13Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.

  • 17Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.

  • 2Oo koob iyo toban maalmood ayaa looga socdaa Xoreeb xagga Buur Seciir ilaa tan iyo Qaadeesh Barneeca.

  • 22¶ Oo Qaadeesh way ka guureen, oo reer binu Israa'iil xataa shirkii oo dhammu waxay yimaadeen Buur Xor.

  • Tir 33:47-48
    2 aayado
    70%

    47Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.

    48Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.