Filiboy 3:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Walaalayaalow, idinku kulligiin igu wada dayda, oo u fiirsada kuwa sidaas u socda xataa sidaad annaga masaal noogu haysataan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 4:9 : 9 Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.
  • 1 Kor 4:16 : 16 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.
  • 1 But 5:3 : 3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.
  • 1 Kor 10:32-11:1 : 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan. 1 ¶ Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
  • Sab 37:37 : 37 Bal fiiri ninka kaamilka ah, oo bal eeg, kan qumman, Waayo, ninkaas ugu dambaystiisu waa nabad.
  • Room 16:17 : 17 ¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.
  • 1 Tes 1:6 : 6 Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.
  • 1 Tes 2:10-14 : 10 Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan. 11 Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna, 12 inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa. 13 ¶ Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan. 14 Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,
  • 2 Tes 3:7 : 7 Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.
  • 2 Tes 3:9 : 9 mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.
  • 2 Tes 3:14 : 14 Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.
  • 1 Tim 4:12 : 12 Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba.
  • Cib 13:7 : 7 ¶ Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.

  • Fil 3:12-16
    5 aayado
    83%

    12Mana aha inaan hore u helay amase hore la ii kaamilay, laakiinse waan ku sii dadaalayaa inaan qabsado wixii Ciise Masiix ii qabtay.

    13Walaalahayow, anigu ku tirin maayo inaan aniga qudhaydu weli qabsaday, laakiinse wax keliya ayaan samaynayaa, waxyaalihii iga dambeeyey intaan illoobo ayaan waxaan laacayaa waxyaalaha iga horreeya.

    14Anigu waxaan dadaal ugu roorayaa xagga goolka iyo ilaa abaalgudka yeedhista sare oo Ilaah oo ah xagga Ciise Masiix.

    15Sidaas daraaddeed in alla inteennii kaamil ahu aan sidaas ku fikirno, oo haddii aad si kala duwan wax kaga fikirtaan, xataa waxaas Ilaah baa idiin muujin doona.

    16Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.

  • 82%

    16Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.

    17Taas aawadeed waxaan idiin soo diray Timoteyos oo xagga Rabbiga ah wiilkayga aan jeclahay oo aaminka ah. Wuu idin xusuusin doonaa socodkayga ee ah xagga Masiixa, sidaan meel kasta wax ugu baro kiniisad kasta.

  • 2 Tes 3:6-7
    2 aayado
    78%

    6¶ Hadda walaalayaalow, waxaannu magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinku amraynaa inaad ka fogaataan walaal kasta oo si aan hagaagsanayn u socda oo aan ku soconayn cilmigii ay naga heleen.

    7Waayo, idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sida idinku waajibka ah inaad nagu dayataan; waayo, si aan hagaagsanayn uma aannu socon markaannu idin dhex joognay.

  • 1 Tes 1:6-7
    2 aayado
    77%

    6Oo waxaad noqoteen kuwo ku dayda annaga iyo Rabbigaba, idinkoo ereyga ku helay dhib badan iyo farxadda Ruuxa Quduuska ah.

    7Sidaas daraaddeed masaal baad u noqoteen kuwa rumaystay oo Makedoniya iyo Akhaya jooga oo dhan.

  • 18¶ Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa,

  • 76%

    1¶ Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay.

  • 9mana aha inaannan amar u lahayn, laakiinse waa inaannu masaal idiin noqonno oo aad nagu dayataan.

  • 1¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaannu idinku baryaynaa oo idinku waaninaynaa Rabbi Ciise, sidaad nooga hesheen sidii waajibka idinku ahayd inaad u socotaan oo Ilaah uga farxisaan, in sidaad ku socotaan, aad si ka badan u socotaan.

  • 14Waayo, walaalayaalow, waxaad noqoteen kuwo ku dayday dadka kiniisadaha Ilaah oo Yahuudiya jooga, kuwaas oo ah kuwa Ciise Masiix, maxaa yeelay, idinkuna waxaad dadkiinna ka hesheen dhibtaas oo kale, siday iyaguba uga heleen Yuhuudda,

  • 12¶ Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.

  • 6¶ Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda,

  • 7¶ Xusuusta hoggaamiyayaashiinna idiin sheegay ereyga Ilaah. Oo ka fiirsada waxa ka yimaada asluubtoodii, oo iimaankoodii ku dayda.

  • 17¶ Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga.

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.

  • 17¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda.

  • 72%

    13Idinkuse, walaalayaalow, wanaagfallidda ha ka qalbi jabina.

    14Haddii nin addeeci waayo waxaannu warqaddan ku qornay, ninkaas iska jira oo ha raacina si uu isugu yaxyaxo.

    15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

  • 21Waayo, taasu waa wixii laydiinku yeedhay, maxaa yeelay, Masiix baa idiin xanuunsaday, oo wuxuu idinkaga tegey masaal inaad tallaabooyinkiisa raacdaan.

  • 19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

  • 10¶ Laakiinse adigu waxaad raacday waxbariddayda, iyo socodkayga, iyo qasdigayga, iyo rumaysadkayga, iyo dulqaadashadayda, iyo jacaylkayga, iyo samirkayga,

  • 9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.

  • 12inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.

  • 2Idinku waxaad tihiin warqaddayada ee qalbigayaga ku qoran, tan ay dadka oo dhammu garanayaan oo akhriyaan,

  • 7Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,

  • 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.

  • 2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

  • 10Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan.

  • 5¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.

  • 6¶ Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin.

  • 12inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada.

  • 18Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 27¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

  • 7¶ Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay.

  • 15Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, xoogaysta, oo cilmigii laydin baray xajista, ha noqoto wixii hadal laydinku baray ama wixii warqaddayada laydinku baraye.

  • 15¶ Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh.

  • 3Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?

  • 15Waxaan idin siiyey masaal inaad samaysaan sidaan idinku sameeyey.

  • 7waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.

  • 70%

    1¶ Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah,