Maahmaahyadii 22:7
Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.
8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.
25¶ Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.
2Oo waxay noqon doontaa in wixii dadka ku dhaca ay wadaadkana ku dhacaan, oo wixii addoonka hela, sayidkana way heli doonaan, oo wixii iibiyaha helana, iibsadahana way heli doonaan, oo wixii amaahiyaha helana amaahsadahana way heli doonaan, oo wixii korsaarqaataha helana, korsaarbixiyahana way heli doonaan.
7Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga. Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
8Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
6Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idiin barakayn doonaa siduu idiin ballanqaaday, oo wax baad deymin doontaan quruumo badan, laakiinse waxba kama amaahan doontaan, oo quruumo badan baad u talin doontaan, laakiinse iyagu idiinma ay talin doonaan.
7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
2Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.
21Kii shar lahu wax buu amaahdaa, mana bixiyo mar dambe, Laakiinse kan xaqa ahu wuu naxariistaa, waxna wuu bixiyaa.
22Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
44Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan.
23Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.
31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
24Kuwa dadaala gacantoodu wax bay xukumi doontaa, Laakiinse caajisiinta hawl baa la saari doonaa.
6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.
2Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.
12Oo Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan.
26Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta.
27Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi?
22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.
5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.
6Oo markaas nin wuxuu soo qaban doonaa walaalkiis oo jooga gurigii aabbihiis, oo wuxuu ku odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay dhar, haddaba taliye noo noqo oo waxan burburka ahuna ha kaa hooseeyo.
20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
4Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
22Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
26Maalinta oo dhan wuu naxariistaa oo wax buu amaahiyaa, Oo carruurtiisuna way barakaysan yihiin.
7Waxaan arkay addoommo fardo fuushan, iyo amiirro sida addoommo oo kale lugaynaya.
1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.
22Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
43Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso.
53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.
37Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.
27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
12Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,
13¶ Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.
22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,