Maahmaahyadii 4:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 3:18 : 18 Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.
  • Maah 3:22 : 22 Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan, Qoortaadana nimco.
  • Maah 23:23 : 23 Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
  • Cib 2:1 : 1 ¶ Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.
  • Muj 2:13 : 13 ¶ Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.
  • Muj 12:11 : 11 Oo waxay isagii kaga adkaadeen dhiiggii Wanka iyo eraygii markhaatifuriddooda; oo iyagu naftoodii kalama ay lexejeclaabin xataa dhimasho.
  • Bil 32:26 : 26 Markaasuu yidhi, I sii daa, maxaa yeelay, waagii waa beryayaa. Isna wuxuu yidhi, Ku sii dayn maayo inaad i barakaysid mooyaane.
  • Sharc 32:47 : 47 Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
  • Wacd 7:12 : 12 Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.
  • Hees 3:4 : 4 Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay. Waan qabtay, mana sii dayn, Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay, Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
  • Luuk 24:27-29 : 27 Markaasuu ka bilaabay Muuse iyo nebiyada oo dhan, Qorniinka oo dhanna ayuu uga micneeyey wixii isaga qudhiisa ku saabsanaa. 28 Goortaasay ku soo dhowaadeen tuuladay ku socdeen, isaguna wuxuu iska dhigay mid sii fogaanaya, 29 laakiin way oggolaysiiyeen iyagoo leh, Nala joog, waayo, makhribku waa dhow yahay, maalintiina durba waa dhammaatay. Markaasuu la galay inuu la joogo.
  • Yoox 4:39-42 : 39 ¶ Waxaa magaaladaas ka rumaystay isaga dad badan oo reer Samaariya ah, hadalkii naagta aawadiis, markay marag furtay oo tidhi, Wuxuu ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. 40 Sidaa darteed markii dadka reer Samaariya ah u yimaadeen isaga, way baryeen inuu la joogo, wuxuuna halkaas joogay laba maalmood. 41 Markaasaa kuwo kale oo badani rumaysteen hadalkiisii aawadiis, 42 oo waxay naagtii ku yidhaahdeen, Imminka waxaannu u rumaysanaynaa ma aha hadalkaaga aawadiis, maxaa yeelay, qudhayadu waannu maqalnay, waannuna naqaan kanu inuu runtii yahay Badbaadiyaha dunida.
  • Yoox 6:68 : 68 Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
  • Fal 2:42 : 42 ¶ Oo waxay ku sii adkaysteen rasuulladu waxay bari jireen iyo xidhiidhka ka dhexeeyey iyaga, iyo kibista jebinteeda iyo tukasho.
  • Fal 11:23 : 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,
  • 1 Tes 5:21 : 21 Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 4:4-8
    5 aayado
    79%

    4Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.

    5Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

    6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

    7Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

    8Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.

  • Maah 4:10-12
    3 aayado
    78%

    10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

    11Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.

    12Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.

  • Maah 4:14-15
    2 aayado
    77%

    14Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.

    15Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

  • Maah 4:20-23
    4 aayado
    75%

    20Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

    21Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

    22Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

    23Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.

  • 18Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

  • 25Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina.

  • Maah 5:5-7
    3 aayado
    74%

    5Cagaheedu dhimashay ku dhaadhacaan, Oo tallaabooyinkeeduna waxay u jeedaan xagga She'ool,

    6Waddada nolosha iyadu aad uguma fiirsato. Jidadkeedu waa leexleexdaan, oo garan kari maysid,

    7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

  • Maah 6:20-24
    5 aayado
    73%

    20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

    21Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.

    22Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa.

    23Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,

    24Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad.

  • Maah 3:21-23
    3 aayado
    73%

    21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

    22Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan, Qoortaadana nimco.

    23Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.

  • Maah 2:19-20
    2 aayado
    73%

    19Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo, Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.

    20Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan, Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.

  • 11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

  • 8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 18Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.

  • 5Si aanay cagahaygu u simbiriirixan, Tallaabooyinkayga ku adkee waddooyinkaaga.

  • Maah 4:26-27
    2 aayado
    72%

    26Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.

    27Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.

  • 17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

  • Maah 4:1-2
    2 aayado
    72%

    1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

    2Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • 33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

  • 10Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.

  • 1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

  • 1Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

  • 16Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.

  • 14Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

  • 25Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid.

  • 26Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.