Sabuurradii 119:17
Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
76Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.
77Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.
65Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
124Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.
125Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.
18Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
35Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.
57Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
37Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.
38Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.
143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
41Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.
107Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
175Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.
88Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.
49Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.
50Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
170Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.
116Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.
117Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.
8Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.
9Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
11Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.
12Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.
149Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
25Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.
27Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.
156Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.
133Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.
154Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.
97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
105Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
135Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.
93Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.
47Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
1Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.
2Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.
140Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
5Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!