Sabuurradii 119:96
Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
97Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.
98Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.
99Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.
100Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.
101Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
102Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
166Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.
167Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.
168Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.
142Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.
143Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.
144Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.
95Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.
127Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.
128Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.
129Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.
112Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.
113Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.
158Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.
159Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.
160Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.
66Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
32Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.
33Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.
34Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.
10Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.
151Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.
152Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.
18Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.
6Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
172Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.
131Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.
47Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.
40Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.
56Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
118Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.
119Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.
106Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
86Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,
20Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.
21Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.
4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.
174Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.
13Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.
14Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.
6Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
73Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.
60Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay.