Sabuurradii 120:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 109:4 : 4 Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.
  • Mat 5:9 : 9 Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.
  • Room 12:18 : 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
  • Ef 2:14-17 : 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey,
  • Cib 12:14 : 14 ¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.
  • 1 Sam 24:9-9 : 9 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo? 10 Bal eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan. 11 Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.
  • 1 Sam 26:2-4 : 2 Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif. 3 Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay. 4 Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.
  • 2 Sam 20:19 : 19 Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
  • Sab 34:14 : 14 Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.
  • Sab 35:20 : 20 Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.
  • Sab 55:20 : 20 Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.

  • Sab 122:6-8
    3 aayado
    78%

    6Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

    7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

    8Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.

  • 20Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.

  • Ish 27:4-5
    2 aayado
    72%

    4Aniga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa.

    5Haddii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo.

  • 3In kastoo ciidan col ah i ag dego, Qalbigaygu cabsan maayo, In kastoo dagaal igu soo kaco, Xataa markaas waan kalsoonaanayaa.

  • 18Naftayda nabadduu kaga samatabbixiyey dagaalkii iga geesta ahaa, Waayo, kuwii ila diriray way badnaayeen.

  • Sab 118:6-7
    2 aayado
    72%

    6Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?

    7Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

  • Sab 55:20-21
    2 aayado
    72%

    20Isagu wuxuu u gacan qaaday kii isaga heshiiska la ahaa, Oo axdigiisiina wuu buriyey.

    21Afkiisu wuxuu u nuglaa sidii subag oo kale, Laakiinse qalbigiisu wuxuu ahaa dagaal, Erayadiisu saliid way ka jilicsanaayeen, Laakiinse waxay ahaayeen seefo galkii laga siibay.

  • 10Waayo, cadaawayaashaydu waxay ka hadlaan wax igu saabsan, Oo kuwa naftayda inay iga qaadaan doonayaana way wada arrinsadaan,

  • Sab 109:2-4
    3 aayado
    71%

    2Waayo, waxay igu kala qaadeen afka kan sharka leh iyo kan khiyaanada lehba, Oo waxay igula hadleen carrab been sheega.

    3Oo weliba waxay igu hareereeyeen erayo nacayb badan, Oo sababla'aan bay igula dirireen.

    4Anigoo jecel bay cadow ii yihiin, Laakiinse anigu Ilaah baan baryaa.

  • 2Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.

  • 71%

    21Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

    22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

  • 1Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.

  • 5Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

  • 11Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 17Jidka nabaddana ma yaqaaniin;

  • 3Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.

  • 13Waayo, waxaan maqlay kuwo badan oo caytamaya, Iyo cabsi dhan kasta igaga wareegsan, Oo intay ii wada tashadeen, Ayay waxay ku arrinsadeen inay nafta iga qaadaan.

  • 21Ilaahaygu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.

  • 8Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.

  • 19Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.

  • 19Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.

  • 7Kuwa i neceb oo dhammu anigay ii wada faqaan, Oo waxay iigu wada tashadaan si ay wax ii yeelaan.

  • 10¶ Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

  • 3Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.

  • 34¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa sharka ah nabadu uma jirto.

  • 6Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.

  • 18Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.

  • 4Naftaydu waxay ku dhex jirtaa libaaxyo, Oo anigu waxaan dhex jiifaa kuwo dab lagu shiday, Kuwaasoo ah binu-aadmiga oo ilkahoodu yihiin warmo iyo fallaadho, Oo carrabkooduna yahay seef af badan.

  • 3Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)

  • 8Carrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

  • 3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 8Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

  • 41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 12Oo kuwa naftayda doondoonaana dabinno bay ii dhigaan, Oo kuwa inay wax i yeelaan doonayaana waxay ku hadlaan waxyaalo xun, Oo maalinta oo dhan waxay ku tashadaan khiyaano.

  • 25Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.

  • 14Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!

  • 8Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

  • 12Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.