Sabuurradii 141:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa, Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto, Madaxayguna yaanu diidin, Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 19:25 : 25 Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.
  • Maah 25:12 : 12 Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
  • Gal 6:1 : 1 ¶ Walaalayaalow, nin haddii xadgudub lagu qabto, kuwiinna Ruuxa raaca midka caynkaas ah ku soo celiya qabow, adigoo isdhawraya si aan adna laguu jirrabin.
  • 2 Tim 1:16-18 : 16 Rabbiga ha u naxariisto reerkii Oneesiforos; waayo, marar badan ayuu i nasiyey, kamana xishoon silsiladdayda. 17 Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay. 18 Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.
  • Yac 5:14-16 : 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa. 16 Midkiinba midka kale dembiyadiisa ha u qirto oo ha u duceeyo si aad u bogsataan. Nin xaq ah baryadiisa shaqaysa wax badan bay kartaa.
  • Muj 3:19 : 19 In alla inta aan jeclahay waan canaantaa oo edbiyaa, sidaas daraaddeed qiiro yeelo oo toobadkeen.
  • Maah 27:5-6 : 5 Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon. 6 Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan.
  • Wacd 7:5 : 5 Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.
  • Mat 5:44 : 44 laakiin waxaan idinku leeyahay, Cadowyadiinna jeclaada, u duceeya kuwa idin habaara, wax wanaagsan u sameeya kuwa idin neceb, oo Ilaah u barya kuwa idin caaya oo idin silciya,
  • Gal 2:11-14 : 11 ¶ Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa. 12 Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya. 13 Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas. 14 Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
  • 1 Sam 25:31-34 : 31 markaas ma nixi doontid, qalbigaaguna kuuma xumaan doono dhiig aad sababla'aan u daadisay, iyo aarsasho; oo markii Rabbigu si wanaagsan kuula macaamiloodo, sayidkaygiiyow, bal markaas i soo xusuuso, anoo addoontaada ah. 32 Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiigayil ku yidhi, Waxaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo maanta kuu soo diray inaad iga hor timaadid. 33 Waxaa barakaysan xigmaddaada, oo adna waad barakaysan tahay, waayo, waxaad maanta iga celisay inaan dhiig galo iyo inaan gacantayda ku aarsado. 34 Waxaan ku dhaartay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo nool oo iga joojiyey inaan wax ku yeelo, waayo, hubaal haddii aadan degdegin oo iga hor iman, waaberiga Naabaal xataa wiil yaru uma uu hadheen.
  • 2 Sam 12:7-9 : 7 ¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey, 8 gurigii sayidkaagana waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Israa'iil iyo dalkii Yahuudahna waan ku siiyey; oo haddii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kaloo ka sii badan. 9 Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon. 10 Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto. 11 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa. 12 Waayo, waxan qarsoodi baad u samaysay, laakiinse anigu bayaan baan ugu hor samaynayaa reer binu Israa'iil oo dhan iyo qorraxdaba. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.
  • 2 Taar 16:7-9 : 7 Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday. 8 War kuwii reer Itoobiya iyo reer Luubiim sow ma ay ahayn ciidan weyn oo wata gaadhifardood iyo ciidan fardooley ah oo aad iyo aad u badan? Oo weliba Rabbigu wuxuu soo geliyey gacantaada, maxaa yeelay, Rabbiga waad isku hallaysay. 9 Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa. 10 Markaasaa Aasaa waxarkihii u cadhooday oo wuxuu ku riday xabsi, maxaa yeelay, aad buu ugu xanaaqay xaalkan daraaddiis. Oo isla markaasna Aasaa baa dadkii qaarkiis dulmay.
  • 2 Taar 25:16 : 16 Oo intuu isaga la hadlayay, ayaa boqorkii ku yidhi, War ma annagaa boqorka lataliyihiisii kaa dhignay? Bes, bal maxaadse u doonaysaa in lagu garaaco? Markaasaa nebigii iska daayay oo wuxuu yidhi, Waxaan ogahay in Ilaah ku talo jiro inuu ku halligo, maxaa yeelay, waxan baad samaysay, oo taladaydiina ma aadan maqlin.
  • Sab 23:5 : 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
  • Sab 51:18 : 18 Siyoon wanaag ugu samee sidaad doonayso, Oo Yeruusaalem derbiyadeedana dhis.
  • Sab 125:4 : 4 Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.
  • Maah 6:23 : 23 Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha,
  • Maah 9:8-9 : 8 Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa. 9 Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.
  • Maah 15:5 : 5 Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
  • Maah 15:22 : 22 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa, Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 24Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn.

  • 4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 26Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.

  • 1Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.

  • 20Tanu waa abaalmarinta cadaawayaashaydu ay xagga Rabbiga ka helaan, Iyo kuwa naftayda xumaan ka sheegaba.

  • 7Cadowgaygu sida sharrow ha noqdo, Oo kii igu kacaana sida mid xaqdaran ha noqdo.

  • 12Waayo, kii i caayay cadaawe ma ahayn, Maxaa yeelay, waan u adkaysan kari lahaa, Mana ahayn kii i necbaa oo iska kay weyneeyey, Maxaa yeelay, waan ka dhuuman lahaa isaga,

  • 17In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga, Oo uu baryootankayguna daahir yahay.

  • 35Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.

  • 22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • Sab 140:9-10
    2 aayado
    70%

    9Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.

    10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • 29Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay,

  • 10Laakiinse, Rabbiyow, ii naxariiso, oo mar i sara jooji, Aan iyaga ka aar goostee.

  • 20Wanaag miyaa loogu abaalgudaa shar? Waayo, iyagu god bay u qodeen naftayda. Bal xusuuso inaan hortaada u istaagay inaan iyaga aawadood wanaag kaa baryo, iyo inaan cadhadaada iyaga ka leexiyo.

  • 19Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.

  • 11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

  • 17Bal eeg, waxaa faraxsan ninkii Ilaah canaanto, Haddaba ha quudhsan Qaadirka edbintiisa.

  • 25Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.

  • 23Rabbiyow, adigu waad og tahay taladooda oo dhan iyo siday u doonayaan inay i dilaan. Xumaantooda ha ka cafiyin, oo dembigoodana hortaada ha ka tirtirin, laakiinse hortaada ha lagu afgembiyo, oo wakhtiga cadhadaadana sidaas ula macaamilo.

  • 30Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 71Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.

  • 4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.

  • 5Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay,

  • 4Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

  • 10Haddaba belaayadaada iga durki, Maxaa yeelay, waxaa i baabbi'iyey weerarka gacantaada.

  • 26Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.

  • 12Laakiinse Rabbiga ciidammadow, waxaad tahay kan kii xaqa ah imtixaama, oo waxaad fiirisaa kelyaha iyo qalbigaba, haddaba bal i tus aargudashadaada oo iyaga ku kor dhacaysa, waayo, adigaan dacwadaydii ku soo bandhigay.

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 29Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla'aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq.

  • 8Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 10Iyagu afkay ii kala qaadeen, Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen, Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.

  • 10Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii.

  • 20Oo weliba kuwa sharka wanaagga ku gudaana Waa cadaawayaashayda, maxaa yeelay, waxaan raacaa waxa wanaagsan.

  • 76Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

  • 27Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.

  • 23Ilaahow, i baadh, oo qalbigayga garo, I tijaabi, oo fikirradayda ogow,

  • 2Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

  • 39Laakiin waxaan idinku leeyahay, Sharka ha hor istaagina, laakiin ku alla kii dhabanka midig kaa dharbaaxa, kan kalena u jeedi,

  • 11Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.

  • Sab 7:4-5
    2 aayado
    68%

    4Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

    5De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado, Oo isagu ha igu tunto, Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)

  • 9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.

  • 31Waayo, ninna miyuu Ilaah ku yidhi, Anigu edbintii waan qaatay, oo mar dambe ninna xumayn maayo,