Sabuurradii 34:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 32:8 : 8 Waan ku hanuunin doonaa oo waxaan ku bari doonaa jidka aad ku socon lahayd, Oo waxaan kula talin doonaa iyadoo ay ishaydu kula jirto.
  • Sab 111:10 : 10 Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.
  • Maah 1:7 : 7 Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
  • Maah 8:17 : 17 Anigu kuwa i jecel waan jeclahay, Oo kuwa aad iyo aad ii doonaana way i heli doonaan.
  • Maah 8:32 : 32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
  • Maah 22:6 : 6 Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
  • Wacd 11:9-12:1 : 9 ¶ Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono. 10 Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn. 1 ¶ Haddaba wakhtiga dhallinyaranimadaada Abuurahaaga xusuuso intaan maalmaha xumu kuu iman, ama ayan kuu soo dhowaan sannadaha aad odhan doonto, Sannadahan kuma istareexo,
  • Ish 28:9 : 9 Bal yuu aqoon bari doonaa? Bal yuuse warka garansiin doonaa? Ma kuwa caanihii laga gudhiyey oo naasaha laga duway baa?
  • Mat 18:2-4 : 2 Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi, 3 Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan. 4 Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,
  • Mark 10:14-16 : 14 Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah. 15 Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono. 16 Gacmihiisuu ku qaaday oo intuu calaacalihiisa saaray, ayuu barakeeyey.
  • Yoox 13:33 : 33 Carruur yahay yaryari, weli in yar baan idinla joogayaa. Waad i dooni doontaan, oo sidaan Yuhuuddii ku idhi, Meeshaan tegayo iman kari maysaan, idinkana hadda sidaasaan idinku leeyahay.
  • 2 Tim 3:15 : 15 tan iyo yaraantaadii waxaad garanaysay qorniinka quduuska ah oo badbaadada kugu garansiin kara rumaysadka Ciise Masiix lagu rumaysto.
  • Maah 2:1-9 : 1 Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid, 2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid; 3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid; 4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon, 5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah. 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada. 7 Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa, Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan. 8 Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta, Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa. 9 Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
  • Maah 4:1 : 1 Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
  • Maah 7:24 : 24 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.
  • Sab 66:16 : 16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Xusuusta maalintii aad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa istaagteen oo aad Xoreeb joogteen, markii Rabbigu igu yidhi, Dadka ii soo shiri, oo anna waxaan maqashiinayaa erayadayda inay bartaan inay iga cabsadaan intay dhulka ku nool yihiin oo dhan, oo ay carruurtoodana saas baraan.

  • 77%

    12Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,

    13iyo in carruurtooda aan hore u aqoonu ay maqlaan, oo ay bartaan inay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, in alla intaad deggan tihiin dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.

  • Maah 4:1-2
    2 aayado
    76%

    1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

    2Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

  • 12Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.

  • 75%

    26Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.

    27Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.

  • Sab 34:9-10
    2 aayado
    75%

    9Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.

    10Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.

  • 24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

  • 32Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.

  • 10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

  • 10Rabbiga in laga cabsado waa xigmadda bilowgeeda, Oo Kan quduuska ah in la aqoonsadona waa waxgarasho.

  • 4Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.

  • 11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.

  • Maah 1:7-8
    2 aayado
    73%

    7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

    8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

  • 11Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.

  • 5Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.

  • 33Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa, Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

  • 16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

  • 33Rabbiga ka cabsashadiisu waa edbinta xigmadda, Oo sharaftana waxaa ka horreeya is-hoosaysiinta.

  • 13Rabbiga ka cabsashadiisu waa in sharka la naco. Kibirka, iyo madaxweynaanta, iyo jidka sharka, Iyo afka qalloocan ayaan anigu necbahay.

  • 23Kii Rabbiga ka cabsada waxaa loo kaxeeyaa xagga nolosha, Wuuna sii dheregsanaan doonaa, Oo sharna loo keeni maayo.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 29Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!

  • 8Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.

  • 1Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.

  • 7¶ Kuwiinna xaqnimada yaqaanow, dadka sharcigaygu qalbigooda ku jirow, bal i maqla. Dadka canaantiisa ha ka cabsanina, caydiisana ha ka qalbi jabina.

  • 13Wuxuuna barakayn doonaa kuwa Rabbiga ka cabsada, Yar iyo weynba.

  • 1¶ Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo.

  • 4Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.

  • 24Laakiinse idinku Rabbiga ka cabsada, oo si run ah qalbigiinna oo dhan ugu adeega; waayo, bal ka fiirsada waxyaalaha waaweyn oo uu idiin sameeyey.

  • 12Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?

  • 10Iyagu waxay daba geli doonaan Rabbiga oo sidii libaax buu u ciyi doonaa, Markuu ciyo ilmihiisu xagga galbeed bay ka iman doonaan iyagoo gariiraya.

  • 11Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

  • 11War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?

  • 23Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.

  • 3Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono,

  • 13¶ Haddaba Sayidku wuxuu yidhi, Dadkanu way ii soo dhowaadaan, oo afkooda iyo bushimahooda ayay igu maamuusaan, laakiin qalbigooda way iga fogeeyeen, oo cabsida ay iga qabaanna waa amarka dadka laga bartay,

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.

  • 3Oo idinka midkiin kastaaba waa inuu ka cabsadaa aabbihiis iyo hooyadiis, oo waa inaad dhawrtaan maalmahayga sabtida ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,

  • 33Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa.

  • 70%

    4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.

  • 14Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.