Sabuurradii 44:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 1:5 : 5 Cimrigaaga oo dhan ninna isma kaa hor taagi kari doono. Sidaan Muuse ula jiray ayaan adigana kuula jiri doonaa. Kuma aan gabi doono, kumana aan dayrin doono.
  • Yash 10:8-9 : 8 Oo markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Iyaga ha ka cabsan, waayo, iyaga gacmahaagaan kuu soo geliyey. Midkoodna isma kaa hor taagi doono. 9 Oo sidaas daraaddeed Yashuuca ayaa ku soo kediyey iyagii, waayo, habeenkii oo dhan buu ka soo guuraynayay Gilgaal. 10 Oo markaasaa Rabbigu cabsi ku riday iyagii reer binu Israa'iil hortooda, oo Gibecoon agteeda ayuu aad ugu laayay, oo wuxuu u eryaday xagga jidkii kor loo baxo Beytxooroon, oo wuxuu ku laynayay ilaa Caseeqaah iyo tan iyo Maqeedaah.
  • Yash 10:42 : 42 Oo boqorradaas iyo dalkoodii oo dhan Yashuuca isku mar buu wada qabsaday, maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa u diriray reer binu Israa'iil.
  • Yash 11:6 : 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Ha ka cabsan iyaga, waayo, berri hadda oo kale ayaan reer binu Israa'iil gacanta u gelin doonaa, iyagoo la wada laayay. Oo waa inaad fardahooda boqno gooysaa, oo gaadhifardoodkoodana waa inaad dab ku gubtaa.
  • Yash 23:9-9 : 9 Waayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo. 10 Nin keliya oo idinka mid ahu kun buu eryi doonaa; waayo, kan idiin diriraa waa Rabbiga Ilaahiinna ah siduu idinkula hadlay.
  • Xaak 2:18 : 18 Oo markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.
  • Xaak 7:4-7 : 4 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Dadku weli aad buu u badan yahay; bal waxaad geeysaa biyaha, oo halkaasaan iyaga kuugu tijaabinayaa, oo waxay noqon doontaa, kii aan kugu idhaahdo, Kanu ha ku raaco, kaasaa ku raaci doonaa, oo ku alla kii aan kugu idhaahdo, Kanu ku raaci maayo, kaasu waa inaanu ku raacin. 5 Sidaas daraaddeed dadkii wuxuu keenay biyihii; markaasaa Rabbigu Gidcoon ku yidhi, Ku alla kii biyaha carrabkiisa ku leefleefa sida eey oo kale, kaas gooni ahaantiisa u sooc, sidaas oo kalena ku alla kii u jilba joogsada inuu biyaha cabbo isna gooni ahaantiisa u sooc. 6 Oo kuwii leefleefay oo calaacalahooda afka saaray tiradoodii waxay noqotay saddex boqol oo nin; laakiinse dadka intiisii kale way wada jilba joogsadeen inay biyihii cabbaan. 7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Gidcoon ku yidhi, Saddexda boqol oo nin oo calaacalahooda biyo ka leefleefay ayaan idinku badbaadinayaa, oo reer Midyaanna gacantaadaan soo gelinayaa; laakiinse dadka intiisa kale oo dhammu ha iska tageen, oo nin waluba ha ku noqdo meeshiisii.
  • 1 Sam 7:8-9 : 8 Oo reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin. 9 Markaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel. 10 Oo intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen. 11 Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen. 12 Markaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
  • 1 Sam 14:6-9 : 6 Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba. 7 Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna. 8 Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Bal eeg, nimanka xaggooda ayaynu u gudbaynaa, oo isu muujinaynaa iyaga. 9 Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno. 10 Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.
  • 1 Sam 17:47 : 47 iyo si uu shirkan oo dhammu u ogaado inaan Rabbigu wax ku badbaadin seef iyo waran; waayo, dagaalka Rabbigaa leh, oo gacantayaduu idinku soo ridi doonaa.
  • 2 Sam 7:10 : 10 Oo dadkayga reer binu Israa'iilna meel baan u dooran doonaa, oo waan ku beeri doonaa inay meeshooda degganaadaan oo ayan mar dambe dhaqdhaqaaqin, ama ayan ilmaha sharku mar dambe dhibin sidii markii hore,
  • Sab 40:14 : 14 Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
  • Sab 53:5 : 5 Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
  • Sab 83:1-9 : 1 Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow. 2 Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen. 3 Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay. 4 Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan. 5 Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan, 6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim, 7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa, 8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah) 9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon, 10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo. 11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac, 12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa. 13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya, 14 Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya, 15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii. 16 Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan. 17 Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een, 18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
  • Sab 132:18 : 18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
  • Sab 136:24 : 24 Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Sab 140:7 : 7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
  • Sab 144:10 : 10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 44:8-10
    3 aayado
    79%

    8Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)

    9Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.

    10Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.

  • 71Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,

  • Sab 44:5-6
    2 aayado
    76%

    5Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.

    6Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.

  • 75%

    40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.

  • Sab 18:39-40
    2 aayado
    74%

    39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • Sab 80:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.

    7Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • 7Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.

  • Sab 44:13-14
    2 aayado
    73%

    13Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.

    14Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.

  • 10Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.

  • Sab 22:4-5
    2 aayado
    73%

    4Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.

    5Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.

  • 49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

  • 1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

  • 13Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.

  • 43Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin.

  • 44Oo waxaad kaloo iga samatabbixisay murankii dadkayga; Oo waxaad iga sii dhigtay quruumaha madaxdoodii; Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.

  • 48Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • Bar 3:45-46
    2 aayado
    72%

    45Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay.

    46Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

  • 17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 29Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.

  • 16Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.

  • 2Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.

  • 12Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

  • 17Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.

  • 5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.

  • 10Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa, Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.

  • 5Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.

  • 17Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus, Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan, Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.

  • 18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 11Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu reer binu Israa'iil ku badbaadin doonaa badbaado daa'im ah, oo idinku weligiin iyo weligiinba ma aad ceeboobi doontaan, mana aad sharafjabi doontaan.

  • 1Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

  • 13Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

  • 6Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.

  • 9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

  • 3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.