Luukos 1:71

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Inuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 106:10 : 10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
  • Sab 106:47 : 47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
  • Ish 14:1-3 : 1 ¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub. 2 Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray. 3 ¶ Oo maalinta Rabbigu kaa nasiyo murugtaadii, iyo dhibkaagii, iyo addoonsigii adkaa oo lagugu addoonsanayay,
  • Ish 44:24-26 : 24 ¶ Rabbiga ah Samatabbixiyihiinna iyo kii tan iyo markaad uurka ku jirteen idin samaynayay wuxuu leeyahay, Waxaan ahay Rabbiga wax kasta sameeya, oo keligiis samooyinka kala bixiya, oo keligiisna dhulka kala fidiya. 25 Anigu waxaan ahay kan calaamadaha beenlowyada wax aan waxba ahayn ka dhiga, oo kuwa wax falana nacasyo ka dhiga, oo kuwa caqliga lehna dib u celiya, oo aqoontoodana nacasnimo ka dhiga, 26 kan erayga addoonkiisa xaqiijiya, oo talada wargeeyayaashiisa oofiya, kan Yeruusaalem ka leh, Iyada waa la dhex degi doonaa, oo magaalooyinka dalka Yahuudahna ka leh, Iyaga waa la dhisi doonaa, oo burburkoodana waan sara kicin doonaa.
  • Ish 54:7-9 : 7 Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan. 8 Rabbiga Bixiyahaaga ahu wuxuu leeyahay, Muddo gaaban ayaan cadho yar wejigayga kaaga qariyey, laakiinse raxmad weligeed ah ayaan kuugu naxariisan doonaa. 9 Maxaa yeelay, tanu waxay iila mid tahay sidii biyihii wakhtigii Nuux oo kale, waayo, sidaan ugu dhaartay inaanay biyihii Nuux mar dambe dhulka kor mari doonin ayaan ugu dhaartay inaanan mar dambe kuu cadhoon doonin, iyo inaanan innaba ku canaanan doonin. 10 Waayo, Rabbiga kuu naxariistaa wuxuu leeyahay, In kastoo ay buuruhu fogaadaan oo ay kuruhuna dhaqdhaqaaqaan raxmaddaydu innaba kaa fogaan mayso, oo axdigayga nabdeedna dhaqdhaqaaqi maayo. 11 ¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo. 12 Oo daaqadahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo cascas oo yaaquud la yidhaahdo, irdahaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo dhalaalaya, oo derbigaaga oo dhanna waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo qaali ah. 13 Oo Rabbigu carruurtaada oo dhan ayuu wax bari doonaa, oo nabadda carruurtaaduna waxay ahaan doontaa mid weyn. 14 Xaqnimaad ku dhismi doontaa, oo dulmina waad ka fogaan doontaa, waayo, ma aad cabsan doontid, oo cabsigelintana waad ka fogaan doontaa, waayo, innaba kuuma ay soo dhowaan doonto. 15 Bal ogow, haddii dagaal laysu soo wada urursado xaggayga kama iman doono. Ku alla kii dagaal kugu kiciyaaba aawadaa buu u dhici doonaa. 16 Bal eeg, anigaa abuuray birtumaha dabka dhuxuleed afuufa oo hub dagaal u soo saara, oo weliba waxaan abuuray kan wax dumiya inuu wax baabbi'iyo aawadeed. 17 Hub laguu samaystay oo liibaanaya ma jiro, oo af kasta oo garsoorid kuugu kacana waad xukumi doontaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kanu waa dhaxalkii addoommada Rabbiga, oo xaqnimadooduna xaggaygay ka timid.
  • Yer 23:6 : 6 Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.
  • Yer 30:9-9 : 9 laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono. 10 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, reer Israa'iilow, ha nixin, waayo, bal eeg, anigu meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalkii ay maxaabiis ahaanta u joogeen, oo reer Yacquubna wuu soo noqon doonaa, oo wuxuu ku joogi doonaa aamusnaan, iyo xasilloonaan, oo ciduna ma cabsiin doonto. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
  • Yer 32:37 : 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.
  • Yex 28:26 : 26 Oo halkaasay ammaan ku dhex degganaan doonaan, oo guryo bay dhisan doonaan, oo beero canab ah bay beeran doonaan, oo weliba ammaan bay ku degganaan doonaan, markaan kuwa hareerahooda ku wareegsan oo iyaga quudhsada oo dhan xukummo ku soo dejiyo, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah.
  • Yex 34:25 : 25 Oo waxaan iyaga la dhigan doonaa axdi nabdeed, waxaanan ka dhigi doonaa in dugaag baas ay dalka ka dhex baabba'aan. Cidladay ammaan ku degganaan doonaan, oo kaynta dhexdeedana way iska seexan doonaan.
  • Yex 34:28 : 28 Oo iyagu mar dambe wax la dhaco quruumaha uma ay ahaan doonaan, oo dugaagga dalku ma ay cuni doonaan, laakiinse ammaan bay ku degganaan doonaan, oo ciduna innaba kama cabsiin doonto.
  • Yex 38:8 : 8 Oo wakhti dheer dabadeed ayaa lagu soo booqan doonaa, oo sannadaha dambe waxaad iman doontaa dalkii seefta laga soo celiyey, oo dadyow badan laga soo dhex ururiyey oo buuraha reer binu Israa'iil ku dul yaal, kaasoo weligiisba cidla burbursan ahaan jiray, laakiinse iyagaa quruumaha laga soo dhex bixiyey, oo kulligoodna si ammaan ah ayay ku degganaan doonaan.
  • Saf 3:15-20 : 15 Rabbigu wuxuu qaaday xukummadaadii, oo cadowgaagiina wuu tuuray. Boqorkii reer binu Israa'iil oo Rabbiga ah ayaa dhexdaada jooga, oo mar dambe shar ka baqi maysid. 16 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu odhan doonaa, Ha cabsan, Siyoonay, yaan gacmahaagu debcin. 17 Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa. 18 Waxaan soo ururin doonaa kuwaagii laga masaafuriyey oo haatan u murugaysan shirka quduuska ah, kuwaasoo culaabta kor saaranu ay cay ahayd. 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 9:9-9 : 9 ¶ Magaalada Siyoonay, si weyn u reyree, magaalada Yeruusaalemay, qayli. Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa. Isagu waa xaq oo guul buu leeyahay, waana qalbi qabow yahay, oo wuxuu fuushan yahay dameer ah qayl dameereed. 10 Oo anigu Efrayim gaadhifardood kasta waan ka baabbi'in doonaa, oo Yeruusaalemna faras kuma reebi doono, oo qaansada dagaalkana waa la baabbi'in doonaa. Isna quruumaha nabad buu kula hadli doonaa, oo dowladnimadiisuna waxay gaadhi doontaa bad ilaa baddeeda kale, iyo tan iyo Webiga iyo xataa dhulka darafyadiisa.
  • Sharc 33:29 : 29 Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
  • 1 Yoox 3:8 : 8 Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi'iyo shuqullada Ibliiska.
  • Luuk 1:74 : 74 Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:72-75
    4 aayado
    81%

    72Iyo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,

    73Oo ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,

    74Inuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno

    75Quduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.

  • 7Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.

  • Luuk 1:68-70
    3 aayado
    75%

    68Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.

    69Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,

    70(Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),

  • 73%

    23Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

    24Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.

  • 10Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii, Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.

  • 46Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

  • 10Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.

  • 77Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.

  • 15Wakhtigaygu gacantaaduu ku jiraa, Haddaba iga samatabbixi gacanta cadaawayaashayda, iyo weliba kuwa i silciya gacantooda.

  • 41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • Luuk 1:54-55
    2 aayado
    69%

    54Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto

    55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

  • 9Waxaad iga qarisaa kuwa sharka leh oo i kharriba, Kuwaas oo ah cadaawayaasha naftayda oo hareerahayga ku wareegsan.

  • 17Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 2In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.

  • 1Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 27Sidaas daraaddeed waxaad gacanta u gelisay cadaawayaashoodii, oo iyana way dhibeen; oo markii ay dhibtoodeen oo ay kuu qayshadeen, samadaad ka maqashay; oo naxariistaada badan aawadeed waxaad siisay badbaadshayaal cadaawayaashooda ka badbaadshay.

  • 9Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.

  • 5Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

  • 18Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba; waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.

  • 7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,

  • 23Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.

  • 8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.

  • 7Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

  • 7Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • 9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

  • 12Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

  • 5Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.

  • 68%

    21Rabbiyow, sow ma aan nebci kuwa ku neceb? Oo sow kama aan murugaysni kuwa kugu kaca?

    22Nacayb dhan ayaan ku necbahay iyaga, Oo waxaan iyaga u haystaa cadaawayaashayda.

  • 7Waayo, isagu wuxuu iga samatabbixiyey dhibaato oo dhan, Oo ishayduna waxay cadaawayaashayda ku aragtay wixii aan doonayay.

  • 10Kuwiinna Rabbiga jeclow, sharka nebcaada, Isagu wuxuu dhawraa nafaha quduusiintiisa, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyaa gacanta kuwa sharka leh.

  • 9Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 6Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

  • 7Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu inkaarahan oo dhan wuxuu ku ridi doonaa cadaawayaashiinna iyo kuwa idin neceb oo idin silcin jiray.

  • 13Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

  • 39laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan.

  • 13iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.