Sabuurradii 80:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 51:10 : 10 Ilaahow, igu dhex abuur qalbi nadiif ah, Oo igu dhex cusboonaysii ruux qumman.
  • Sab 80:3 : 3 Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
  • Sab 80:19 : 19 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
  • Ish 30:15 : 15 Waayo, Sayidka Rabbiga ah oo ah kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil wuxuu yidhi, Soo noqosho iyo nasasho ayaad ku badbaadi doontaan, oo xasilloonaan iyo kalsooni ayaad xoog ku yeelan doontaan, laakiinse ma aydaan doonayn.
  • Ish 64:5 : 5 Kan isagoo faraxsan xaqnimo sameeya, iyo kuwa jidadkaaga kugu xusuusta waad la kulantaa. Waad cadhaysnayd, waannuna dembaabnay. Dembiyadaas wakhti dheer baannu ku sii soconnay, haddaba ma nala badbaadin doonaa?
  • Yer 4:14 : 14 Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
  • Mark 4:12 : 12 si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.
  • Luuk 1:16 : 16 Reer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa.
  • 2 Tim 2:25-26 : 25 oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan, 26 oo ay dabinka Ibliiska ka baxsadaan, iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 80:1-4
    4 aayado
    95%

    1Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.

    2Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici, Oo kaalay oo na badbaadi.

    3Ilaahow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

    4Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?

  • Sab 80:18-19
    2 aayado
    93%

    18Markaas dib kaaga noqon mayno, Na noolee, oo markaasaannu magacaaga ku baryootamaynaa.

    19Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

  • Sab 85:4-7
    4 aayado
    81%

    4Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

    5Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

    6Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

    7Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

  • 14Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,

  • 21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.

  • 6Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada, Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.

  • Sab 67:1-2
    2 aayado
    77%

    1Ilaahow, noo naxariiso, oo na barakee, Oo wejigaaguna ha na iftiimiyo, (Selaah)

    2In jidkaaga laga ogaado dhulka, Quruumaha oo dhan dhexdoodana laga wada ogaado caafimaadkaaga wax badbaadiya.

  • 1Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

  • 16Wejigaaga anoo addoonkaaga ah igu iftiimi, Oo igu badbaadi raxmaddaada.

  • 8Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.

  • Sab 79:8-9
    2 aayado
    73%

    8Ha noo xusuusnaan dembiyadii awowayaashayo, Naxariistaadu dhaqsiyo ha noogu timaado, Waayo, aad baa lanoo dhibay.

    9Ilaaha badbaadadayadow, magacaaga ammaantiisa daraaddeed noo caawi, Oo magacaaga daraaddiis noo samatabbixi, oo dembiyadayada naga nadiifi.

  • 4Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.

  • 7Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.

  • 35Oo waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • Sab 44:9-10
    2 aayado
    73%

    9Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.

    10Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.

  • 47Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

  • 6Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.

  • 6Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

  • Sab 90:13-15
    3 aayado
    71%

    13Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

    14Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

    15Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.

  • 40Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno.

  • 7Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

  • 17Haddaba Ilaahayow, bal maqal tukashadayda iyo baryadayda anoo ah addoonkaaga, oo aawadaa, Sayidow, uga dhig in wejigaagu ka hor iftiimo meeshaada quduuskaa oo kharribantay.

  • 2Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

  • 1Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.

  • 9Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.

  • 25¶ Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.

  • 9Rabbiyow, ina badbaadi, Oo Boqorku ha inoo jawaabo markii aynu u qayshanno.

  • 8Markaad tidhi, Wejigayga doondoona, ayaa qalbigaygu wuxuu kugu yidhi, Rabbiyow, wejigaaga waan doondoonayaa.

  • 1Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.

  • 7Bal muuji raxmaddaada yaabka leh, Adigoo kuwa isku kaa halleeya gacantaada midig kaga badbaadiya Kuwa ku kaca iyaga.

  • 11Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

  • 7¶ Rabbiyow, in kastoo ay xumaatooyinkayagu nagu marag furayaan, magacaaga aawadiis wax u samee, waayo, dibunoqoshadayadu way badan tahay, oo adigaannu kugu dembaabnay.

  • 17Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?

  • 16Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.

  • 135Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.

  • 5Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.

  • 7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.