Sabuurradii 47:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadyowga amiirradoodii oo dhammu waxay isu soo wada urursadeen Inay dadka Ilaaha Ibraahim noqdaan, Waayo, dhulka gaashaammadiisa waxaa iska leh Ilaah. Oo isaga aad iyo aad baa loo sarraysiiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 89:18 : 18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
  • Room 4:11-12 : 11 oo wuxuu helay calaamada gudniinta, tan ahayd shaabaddii xaqnimada oo rumaysadkii uu haystay intuu buuryoqabka ahaa; inuu noqdo aabbihii inta rumaysata oo dhan in kastoo ay buuryoqab yihiin, in xaqnimo loo tiriyo iyaga, 12 iyo inuu aabbaha gudniinta u noqdo kuwa aan ahayn kuwa gudan oo keliya laakiinse kuwa ku socda tallaabooyinka rumaysadka ee Aabbeheen Ibraahim haystay intuu buuryoqabka ahaa.
  • Sab 72:11 : 11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
  • Room 11:25 : 25 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo, inaad jaahil ka ahaataan qarsoodigan, waabase intaas ood iskibrisaan. Adkaan aan dhammayn baa ku dhacday reer binu Israa'iil ilaa tirada buuxda oo quruumuhu soo gasho;
  • Gal 3:29 : 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
  • Bil 17:7-8 : 7 Oo axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya. 8 Oo waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.
  • Bil 49:10 : 10 Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.
  • Bax 3:6 : 6 Oo weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.
  • Bax 3:15 : 15 Oo Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
  • Sab 46:10 : 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
  • Sab 72:7-9 : 7 Wakhtigiisa ayaa kan xaqa ahu barwaaqoobi doonaa, Oo nabadduna way badan doontaa tan iyo inta dayaxu aanu mar dambe jiri doonin. 8 Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa. 9 Kuwa cidlada degganu hortiisay ku sujuudi doonaan; Oo cadaawayaashiisuna ciidday leefleefi doonaan.
  • Sab 97:9 : 9 Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.
  • Sab 110:2-3 : 2 Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali. 3 Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.
  • Maah 30:5 : 5 Eray kasta oo Ilaah waa daahir; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga aaminsan.
  • Ish 11:10 : 10 ¶ Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
  • Ish 41:8-9 : 8 ¶ Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow, 9 waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin. 10 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.
  • Ish 49:7 : 7 Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.
  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.
  • Ish 60:4-5 : 4 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa. 5 Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.
  • Ish 66:19-20 : 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.
  • Mat 22:32 : 32 Anigu waxaan ahay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub? Isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 47:6-8
    3 aayado
    76%

    6Ilaah ammaan ugu heesa, ammaan ugu heesa, Ammaan ugu heesa Boqorkeenna, ammaan heesa.

    7Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.

    8Ilaah wuxuu u taliyaa quruumaha, Ilaahna carshigiisa quduuska ah ayuu ku fadhiistaa.

  • Sab 46:10-11
    2 aayado
    72%

    10Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.

    11Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • Sab 47:1-2
    2 aayado
    72%

    1Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya.

    2Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya.

  • Sab 48:1-4
    4 aayado
    70%

    1Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.

    2Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.

    3Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.

    4Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.

  • 8Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.

  • Sab 46:6-7
    2 aayado
    69%

    6Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.

    7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

  • 11Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • Sab 68:34-35
    2 aayado
    68%

    34Ilaah xoog ka sheega, Waayo, sharaftiisu waxay dul joogtaa reer binu Israa'iil, Oo xooggiisuna wuxuu ku jiraa samooyinka.

    35Ilaahow, meelahaaga quduuska ah waxaad ka tahay mid laga cabsado, Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu dadkiisa siiyaa xoog iyo itaal. Mahad waxaa leh Ilaah.

  • 12Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sara mar, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso.

  • 10Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.

  • 22Markii dadyowgu isu soo wada ururaan, Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.

  • 8Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.

  • 32Boqortooyooyinka dhulkow, Ilaah u gabya, Ammaan ugu gabya Sayidka, (Selaah)

  • 2Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.

  • 11Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.

  • 14Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana.

  • 5Ilaahow, samooyinka ka sarree, Oo ammaantaaduna dhulka oo dhan ha ka sarrayso,

  • 3Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

  • 18Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

  • 9Waayo, Rabbiyow, adigu waad ka sarraysaa dhulka oo dhan, Oo aad baa lagaaga sarraysiiyey ilaahyada oo dhan.

  • 5Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

  • 7Ilaah waa ina barakayn doonaa, Oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna way ka cabsan doonaan isaga.

  • 18Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

  • 12Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

  • 2Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,

  • 13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

  • 26Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa;

  • 8Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

  • 9Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.

  • 8Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.

  • 7Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen, Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.

  • 28Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.

  • 46Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,

  • 4Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa.

  • 11Rabbiyow, weynaanta, iyo xoogga, iyo ammaanta, iyo guusha, iyo haybaddaba adigaa iska leh, waayo, waxa samada ku jira oo dhan iyo waxa dhulka saaranba adigaa iska leh. Rabbiyow, boqortooyada adigaa iska leh, oo adiga waxaa laguu sarraysiiyaa sidii madax wax kasta ka sarreeya.

  • 48Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura,