Sabuurradii 60:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:6 : 6 Aabraamna dalkii buu dhex maray ilaa meeshii la odhan jiray Shekem iyo tan iyo geedkii Moreh. Wakhtigaasna reer Kancaan dalkay joogeen.
  • Sab 89:35 : 35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
  • Yash 13:27 : 27 iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.
  • Aam 4:2 : 2 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay quduusnimadiisa, isagoo leh, Bal eega, waxaa iman doona wakhti laydinkula tegi doona qabatooyin, oo jillaabbo baa lagu qabsan doonaa kuwiinna hadhay.
  • Yash 1:6 : 6 Haddaba xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, waayo, dadkan waxaad dhaxalsiisaa dalkii aan ugu dhaartay awowayaashood inaan iyaga siiyo.
  • Luuk 1:45-47 : 45 Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan. 46 Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa, 47 Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.
  • Bil 33:17-18 : 17 Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod. 18 ¶ Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda.
  • Sab 108:7-9 : 7 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod, 8 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo. 9 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa. 10 Bal yaa i geeyn doona magaalada deyrka leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona? 11 Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada. 12 Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh. 13 Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonnaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.
  • Sab 119:162 : 162 Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.
  • Sab 132:11 : 11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
  • Yer 23:9 : 9 ¶ Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.
  • Yash 17:7 : 7 Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.
  • Yash 20:7 : 7 Oo waxay sooceen Qedesh oo ku tiil Galili oo ah dalka buuraha leh oo reer Naftaali, iyo Shekem oo iyana ku tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyo Qiryad Arbac (oo ah Xebroon) ee ku tiil dalka buuraha leh oo reer Yahuudah.
  • Yash 24:1 : 1 ¶ Markaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.
  • Yash 24:32 : 32 Oo lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf.
  • 2 Sam 2:8-9 : 8 ¶ Haddaba Abneer oo ahaa ina Neer, oo Saa'uul ciidankiisa sirkaal u ahaa ayaa soo kaxaystay Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, oo wuxuu u soo gudbiyey xagga Maxanayim; 9 oo wuxuu boqor uga dhigay reer Gilecaad, iyo reer Ashuur, iyo Yesreceel, iyo reer Efrayim, iyo Benyaamiin, iyo reer binu Israa'iil oo dhan.
  • 2 Sam 3:18 : 18 Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.
  • 2 Sam 5:1-3 : 1 ¶ Markaasaa qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay Daa'uud ugu yimaadeen Xebroon, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay laftaada iyo jidhkaaga. 2 Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil. 3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.
  • 2 Sam 7:18-20 : 18 ¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay? 19 Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa? 20 Sayidow, Rabbow! Bal maxaan kaloo kugu odhan karaa? Waayo, waad i garanaysaa anoo addoonkaaga ah, Rabbow Ilaahow.
  • Sab 56:4 : 4 Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?
  • Sab 89:19 : 19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho, Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan, Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 108:6-9
    4 aayado
    96%

    6Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan aawadeed, Gacantaada midig ku badbaadi, oo ii jawaab.

    7Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod,

    8Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.

    9Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Oo Falastiinna waan ku qaylin doonaa.

  • Sab 60:7-8
    2 aayado
    76%

    7Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.

    8Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.

  • 5Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

  • Sab 16:5-6
    2 aayado
    70%

    5Rabbigu waxaa weeye qaybtii dhaxalkayga iyo koobkayga, Adigu qaybtayda waad xannaanaysaa.

    6Dhulqaybsigii meelo wacan baan ku helay, Haah, oo waxaan leeyahay dhaxal wanaagsan.

  • 6Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.

  • 11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

  • 36Markaasaa Gidcoon wuxuu Ilaah ku yidhi, Sidaad ii sheegtay, haddaad reer binu Israa'iil gacantayda ku badbaadinaysid,

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 17Oo isagaa saamiga u tuuray, oo gacantiisaa xadhig qiyaaseed ugu qaybisay, oo iyana weligoodba way iska hantiyi doonaan, oo tan iyo ab ka abna way dhex degganaan doonaan.

  • 6Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

  • 15Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

  • 17Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.

  • 16Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

  • 7Oo anna waxaan Webi Qiishoon kuugu soo dhowayn doonaa Siiseraa oo ah sirkaalka ciidanka Yaabiin, isaga iyo gaadhifardoodkiisa iyo dadkiisa badanba oo gacantaadaan gelin doonaa.

  • 16Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.

  • 35Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

  • 2Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem, Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.

  • 6Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.

  • 18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.

  • 7Waxaan arkay teendhooyinkii reer Kushan oo dhib ku dhex jira. Daahyadii dalka reer Midyaanna way gariireen.

  • 1Rabbiyow, boqorku wuxuu ku farxi doonaa xooggaaga, Oo badbaadintaadana aad buu ugu rayrayn doonaa.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 9Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.

  • 10¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.

  • 6Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.

  • 3Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 3Buurtayda duurka ku dhex taalay, maalkaaga iyo khasnadahaaga oo dhan, iyo meelahaaga dhaadheer, waxaan booli ahaan uga bixin doonaa soohdimahaaga oo dhan dembigaaga aawadiis.

  • 4Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud oo gacmihiisa ku oofiyey isagoo leh,

  • 21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • 4Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?

  • 2Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah, Israa'iilna noqday meeshuu u talinayay.

  • 23¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Hadalkan ayay mar kale kaga dhex hadli doonaan dalka Yahuudah iyo magaalooyinkiisaba, markaan maxaabiistooda dib u soo celiyo, oo waxay odhan doonaan, Hoyga caddaaladda, iyo buurta quduuska ahay, Rabbigu ha ku barakeeyo.

  • 3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.

  • 6Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.

  • 7Oo markii taas loo sheegay Yootam ayuu tegey oo wuxuu isku taagay Buur Gerisiim dusheedii, oo intuu qayliyey ayuu codkiisii kor u qaaday oo yidhi, Bal i maqla, dadka reer Shekemow, in Ilaah idin maqlo.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • 1¶ Ciidammadoy, hadda waa inaad isa soo urursataan. Isagu waa inoo hareereeyey. Xaakinka dalka Israa'iil ul bay dhabanka kaga dhufan doonaan.

  • 6Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.

  • 6Imminka waxaa madaxayga laga sarraysiin doonaa cadaawayaashayda igu wareegsan, Oo waxaan taambuugga Rabbiga ku dhex bixin doonaa allabari dhawaaq farxadeed leh, Waan gabyi doonaa, haah, ammaan baan Rabbiga ugu gabyi doonaa.

  • 6Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya,

  • 6Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.