Sabuurradii 62:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bar 2:19 : 19 Sara joogso, oo habeenkii gelinkiisa hore qayli. Qalbigaaga sida biyo oo kale Sayidka hortiisa ugu daadi. Gacmaha xaggiisa ugu hoorso carruurtaada yaryar naftooda aawadeed, Kuwaasoo jid kasta rukunkiisa gaajo ugu itaaldaran.
  • Fil 4:6 : 6 Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.
  • Sab 142:2 : 2 Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
  • 1 Sam 1:15 : 15 Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.
  • Sab 42:4 : 4 Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
  • Ish 26:4 : 4 Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.
  • Ish 26:16 : 16 ¶ Rabbiyow, markay dhibaataysnaayeen way ku doondooneen, oo markaad edbinaysayna aad bay kuu baryeen.
  • Sab 18:2 : 2 Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
  • Sab 102:1 : 1 Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.
  • 1 Yoox 2:28 : 28 Oo imminka, carruurtiiyey, ku sii jira isaga; in kolkuu muuqdo aynu kalsoonaan doonno oo aynaan wakhtiga imaatinkiisa ka xishoonin inaynu hor tagno.
  • Sab 22:4-5 : 4 Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay. 5 Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
  • Ayuub 13:15 : 15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
  • Sab 46:11-47:3 : 11 Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah) 1 Dadyowga oo dhammow, kulligiin sacabka tuma, Oo Ilaah cod guuleed ugu qayliya. 2 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya waa cabsi miidhan, Oo isagu waa boqor weyn oo dhulka oo dhan u taliya. 3 Isagu dadyowga wuxuu gelin doonaa hoosteenna, Quruumahana wuxuu ka hoos marin doonaa cagaheenna.
  • Sab 34:1-2 : 1 Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa. 2 Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.
  • Sab 37:3 : 3 Rabbiga isku hallee oo wanaag samee, Oo sidaasaad dalka ku degganaan doontaa, oo ammaan baad ku daaqi doontaa.
  • Cib 6:18 : 18 in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal,
  • Ish 50:10 : 10 ¶ Bal yaa idinka mid ah oo Rabbiga ka cabsada, oo codka addoonkiisa addeeca? Kan gudcurka ku dhex socda, oo aan iftiin lahaynu magaca Rabbiga ha aamino, oo Ilaahiisa ha isku halleeyo.
  • Maah 14:26 : 26 Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh, Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 62:5-7
    3 aayado
    78%

    5Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.

    6Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.

    7Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

  • Sab 118:8-9
    2 aayado
    74%

    8Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

    9Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

  • 1Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.

  • 2Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa, Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.

  • 8Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,

  • 14Laakiinse Rabbiyow, adigaan isku kaa halleeyey, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay Ilaahay.

  • Sab 33:21-22
    2 aayado
    72%

    21Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.

    22Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.

  • 9Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.

  • 3Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

  • 5Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.

  • 1Ilaahow, i dhawr, waayo, adigaan isku kaa halleeyaa.

  • 1Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?

  • 1Ii naxariiso, Ilaahow, ii naxariiso, Waayo, naftaydu adigay ku magan gashaa, Haah, waxaan magangeli doonaa hooska baalashaada, Ilaa ay belaayooyinkanu gudbayaan.

  • Sab 32:6-7
    2 aayado
    71%

    6Taas daraaddeed mid kastoo cibaado lahu ha ku soo baryo wakhti lagu heli karo, Hubaal markii biyaha badanu dhulka qarqiyaan, isaga sooma ay gaadhi doonaan.

    7Waxaad tahay meeshaan ku dhuunto, oo dhib baad iga ilaalin doontaa, Oo waxaad igu wareejin doontaa gabayadii samatabbixinta. (Selaah)

  • 28Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

  • 8Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)

  • Sab 62:1-2
    2 aayado
    70%

    1Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.

    2Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

  • 9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

  • 12Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

  • 8Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.

  • 7Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo wakhtigii dhib jirona waa qalcad, wuuna garanayaa kuwa isaga isku halleeya.

  • Ish 26:3-4
    2 aayado
    70%

    3Qofkii maankiisu isku kaa halleeyo nabad dhan baad ku dhawri doontaa, maxaa yeelay, adiguu ku aaminsan yahay.

    4Rabbiga weligiinba aamina, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa dhagax daa'im ah.

  • 8Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.

  • 11Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?

  • 9Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

  • 1Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

  • 3Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.

  • 3Iyo Ilaaha ah gabbaadkayga, isagaan isku hallayn doonaa; Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer, iyo magangalkayga, Iyo badbaadshahayga, waxaad iga badbaadisaa dulmiga.

  • 4Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

  • 11Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.

  • 7Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

  • 22Culaabtaada Rabbiga saar, oo isna wuu ku xanaanayn doonaa, Waayo, isagu kan xaqa ah marnaba u dayn maayo in la dhaqaajiyo.

  • 8Aroorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

  • 5Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

  • 2Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.

  • 5Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.

  • 2Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)

  • 3Ilaahow, dadyowgu ha ku ammaaneen, Dadyowga oo dhammu ha ku ammaaneen.

  • 7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.

  • 11Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.

  • 10Kuwa xaqa ahu waxay ku farxi doonaan Rabbiga, oo isagay isku hallayn doonaan, Oo inta qalbigoodu toosan yahay oo dhammuna way faani doonaan.

  • 2Kaasoo ah raxmaddayda, iyo qalcaddayda, Munaaraddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo gaashaankayga, iyo kan aan isku halleeyo, Oo dadkayga ka yeela kuwo iga hooseeya.