Sabuurradii 78:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 21:5 : 5 Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.
  • Tir 11:4 : 4 ¶ Oo dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?
  • Tir 11:13 : 13 Bal xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.
  • Bax 16:3 : 3 Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.
  • Bax 16:8-9 : 8 Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga. 9 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Shirka reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga hortiisa ku soo dhowaada; waayo, wuu maqlay gunuuskiinnii. 10 Intii Haaruun la hadlayay shirkii reer binu Israa'iil oo dhan waxay eegeen xaggii cidlada, oo bal eeg, ammaantii Rabbiga ayaa daruurtii ka dhex muuqatay.
  • Sab 23:5 : 5 Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
  • Room 9:20 : 20 Laakiinse, nin yahow, kumaad tahay kaaga Ilaah u jawaabayow? Wixii la sameeyey miyey kii sameeyey ku odhan doonaan, Maaxad sidan noogu samaysay?
  • Muj 13:6 : 6 Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.
  • 2 Taar 32:19 : 19 Oo waxay Ilaahii Yeruusaalem uga hadleen siday uga hadleen ilaahyadii dadadka dunida, kuwaasoo ah wax dad gacanta ku sameeyey.
  • Ayuub 34:37 : 37 Waayo, dembigiisii wuxuu ku sii darsadaa caasinimo, Oo dhexdeenna ayuu ka sacab tuntaa, Erayadiisana wuxuu ku sii badiyaa Ilaah.
  • Tir 20:3 : 3 Kolkaasaa dadkii Muuse la dirireen, wayna la hadleen oo ku yidhaahdeen, Waxaa noo roonayd inaannu walaalahayo iskala dhimanno markay Rabbiga hortiisa ku dhinteen!

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 78:20-21
    2 aayado
    82%

    20Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?

    21Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,

  • Sab 78:15-18
    4 aayado
    81%

    15Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.

    16Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

    17Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

    18Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.

  • 5Oo dadkii waxay ku hadleen wax ka gees ah Ilaah iyo Muuseba, oo waxay yidhaahdeen, War dalkii Masar maxaad nooga soo bixiseen si aannu cidladan ugu dhimanno? Waayo, kibis ma jirto, biyona ma jiraan, oo naftayaduna kibistan khafiifka ah way ku yaqyaqsataa.

  • Sab 78:40-41
    2 aayado
    76%

    40Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

    41Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.

  • 14Laakiinse aad bay wax u damacsanaayeen intay cidladii dhex joogeen, Oo Ilaahna way ku jirrabeen lamadegaanka dhexdiisa.

  • 15Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.

  • Bax 17:2-3
    2 aayado
    72%

    2Sidaas daraaddeed dadkii waxay la dirireen Muuse, oo waxay ku yidhaahdeen, War biyo aannu cabno na sii. Kolkaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Bal maxaad aniga iila diriraysaan? Oo maxaad Rabbiga u jirrabaysaan?

    3Markaasay dadkii meeshaas biyo ugu harraadeen; kolkaasaa dadkii intay Muuse u gunuuseen ayay waxay ku yidhaahdeen, War maxaad Masar nooga soo kaxaysay? Ma inaad annaga iyo carruurtayada, iyo xoolahayaga harraad noogu disha baa?

  • 22Ma waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?

  • Sab 78:28-32
    5 aayado
    72%

    28Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.

    29Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.

    30Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,

    31Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.

    32In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

  • 71%

    24Waxay quudhsadeen dalkii wacnaa, Mana ay rumaysan eraygiisii,

    25Laakiinse teendhooyinkooday ku dhex gunuunaceen, Mana ay dhegaysan codkii Rabbiga.

    26Sidaas daraaddeed gacantiisuu kor ugu taagay iyaga, Oo wuxuu ku dhaartay inuu iyaga cidladii ku afgembiyo,

  • Bax 16:2-3
    2 aayado
    71%

    2Markaasaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu cidladii Muuse iyo Haaruun ugu gunuuseen.

    3Oo reer binu Israa'iilna waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu gacanta Rabbiga ku dhimanno, annagoo dalkii Masar joogna, intii aannu ag fadhinnay dheryaha hilibka ah, oo aannu kibis ka dhergaynay, waayo, waxaad cidladan noogu soo bixiseen inaad ururkan oo dhan gaajo ku dishaan.

  • 56Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,

  • 40Wax bay weyddiisteen, markaasuu u keenay digaag duur, Oo wuxuu ka dhergiyey kibistii samada.

  • 18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 6Oo iyagu innaba ma ay odhan, Meeh Rabbigii dalka Masar naga soo bixiyey, oo nagu soo hor kacay cidlada dhexdeeda, taasoo ahayd dal lamadegaan ah oo godad badan, iyo dal abaar iyo hooska dhimashada ah, iyo dal aan ciduna dhex marin, iyo meel aan la degin?

  • 24Markaasay dadkii Muuse u gunuuseen, oo waxay yidhaahdeen, Bal maxaannu cabnaa?

  • 17Oo yuu afartan sannadood u cadhaysnaa? Miyaanay ahayn kuwii dembaabay oo meydadkoodu cidlada ku dhacdhaceen?

  • 4Bal maxaad shirka Rabbiga cidladan u keenteen si aan annaga iyo lo'dayaduba halkan ugu wada dhimanno?

  • 9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.

  • 11¶ Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Dadkanu ilaa goormay i quudhsanayaan? Oo ilaa goormay i rumaysan waayayaan in kastoo aan dhexdooda calaamooyinka oo dhan ku sameeyey?

  • 7Markaasuu meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Masaah iyo Meriibaah, dirirtii ay reer binu Israa'iil dirireen aawadeed, iyo jirrabaaddii ay Rabbiga jirrabeen aawadeed, oo ay yidhaahdeen, War, Rabbigu ma na dhex joogaa mise nama dhex joogo?

  • 21Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

  • 22Oo waxaad kaloo Rabbiga ka cadhaysiiseen markaad Tabceeraah joogteen, iyo markaad Masaah joogteen, iyo markaad Qibrood Xatawaah joogteen.

  • 8Markaasaa Muuse wuxuu yidhi; Rabbigu makhribka wuxuu idin siin doonaa hilib aad cuntaan, subaxdana wuxuu idin siin doonaa kibis aad ka dheregtaan; maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu maqlayaa gunuuskiinna aad isaga u gunuusaysaan. Bal maxaannu annagu nahay? Annaga noo gunuusi maysaane, ee waxaad u gunuusaysaan Rabbiga.

  • 20Oo weliba waxaad siisay ruuxaagii wanaagsanaa inuu iyagii wax baro, oo afkoodana kama aadan joojin maannadaadii, biyo ay ka oon baxaanna waad siisay.

  • 69%

    15Isagaa idin soo dhex mariyey cidladii weynayd oo cabsida badnayd oo ay ka buuxeen abeesooyin qaniinyo kulul iyo hangarallayaal, oo ahaa dhul oommane ah oo aan biyo lahayn, oo dhagaxmadowgii ayuu biyo idiinka soo bixiyey.

    16Oo intaad cidladii joogtay ayuu idinku quudiyey maanna aan awowayaashiinna aqoon. Waxaas oo dhan wuxuu u sameeyey si uu idiin hoosaysiiyo oo idiin tijaabiyo, si uu ugu dambaystiinna wanaag idiinku sameeyo,

  • 27Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan.

  • 2Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo shirkii oo dhammu waxay iyagii ku yidhaahdeen, Waxaa inoo roonayd inaynu dalkii Masar ku dhimanno! Amase inaynu cidladan ku dhimanno!

  • 22Kulli dadkii ammaantayda arkay, oo arkay calaamooyinkii aan ku sameeyey Masar iyo cidladii, oo weliba tobankan jeer i jirrabay oo aanay codkaygiina dhegaysan,

  • 24Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.

  • 10Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa?

  • 17Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?

  • 2Oo shirkiina biyo ma haysan, oo markaasay Muuse iyo Haaruun u wada shireen.

  • 5Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada.

  • 27Ilaa goormaan u adkaysanayaa shirkan sharka ah oo ii gunuusa? Waxaan maqlay gunuuskii ay reer binu Israa'iil ii gunuuseen.

  • 9Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen.