Sabuurradii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 21:16 : 16 oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?
  • 1 Kor 1:27 : 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.
  • Mat 11:25 : 25 ¶ Wakhtigaas Ciise ayaa hadalkan yidhi, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waan kugu mahadnaqayaa, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilma yaryar.
  • Sab 44:16 : 16 Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
  • Aam 5:9 : 9 Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.
  • Xab 2:20 : 20 Laakiinse Rabbigu waa ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, haddaba inta dhulka joogta oo dhammu ha ku hor aamuseen.
  • Luuk 10:21 : 21 ¶ Saacaddaas qudheeda ayuu Ruuxa Quduuska ah ku reyreeyey oo yidhi, Waan kugu mahadnaqayaa, Aabbow, Rabbiga samada iyo dhulkow, waayo, waxyaalahan ayaad kuwa caqliga iyo garashada leh ka qarisay, oo waxaad u muujisay ilmo yaryar. Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.
  • Bax 15:16 : 16 Oo cabsi iyo naxdin baa ku dhacay iyagii. Oo gacantaada weynaanteeda aawadeed ayay sidii dhagax oo kale u aamuseen, Ilaa ay dadkaagu gudbeen, Rabbiyow, Ilaa ay dadkii aad soo iibsatay gudbeen.
  • Yash 2:9-9 : 9 oo waxay nimankii ku tidhi, Anigu waan ogahay in Rabbigu dalka idin siiyey, oo cabsidiinnii baa nagu dhacday, iyo in kuwa dalka deggan oo dhammu ay hortiinna ku dhalaaleen. 10 Waayo, waxaannu maqalnay sidii Rabbigu hortiinna uga engejiyey biyihii Badda Cas, markii aad Masar ka soo baxdeen, iyo wixii aad ku samayseen labadii boqor oo Siixon iyo Coog oo ahaa reer Amor, ee joogay Webi Urdun shishadiisa, oo aad wada baabbi'iseen. 11 Oo isla markii aannu maqalnay ayaannu dhalaalnay, oo idinka daraaddiin ninna xoog kuma hadhin; maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaaha samada sare iyo dhulka hooseba jooga.
  • Sab 84:5-7 : 5 Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan. 6 Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya. 7 Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.
  • Ish 37:20-29 : 20 Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay. 21 ¶ Markaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday, 22 taas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay. 23 Bal adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil. 24 Addoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan. 25 Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan. 26 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah. 27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin. 28 Laakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba. 29 Cadhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
  • Ish 37:36-38 : 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd. 37 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay. 38 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
  • 2 Kor 12:9-9 : 9 Oo isagu wuxuu igu yidhi, Nimcadaydu way kugu filan tahay; maxaa yeelay, xooggaygu wuu ku dhan yahay itaaldarrada. Sidaa aawadeed anigoo faraxsan ayaan ku faanayaa itaaldarrooyinkayga in xoogga Masiixu igu soo dego. 10 Sidaa aawadeed waxaan ku farxaa itaaldarrooyin iyo hadallo cay ah iyo baahiyo iyo silecyo iyo dhibaatooyin Masiix aawadiis, waayo, markaan itaal daranahay, ayaan xoog badnahay.
  • Ish 40:31 : 31 Laakiinse kuwa Rabbiga isku halleeyaa xoog cusub bay heli doonaan. Way ordi doonaan, mana ay daali doonaan, oo way socon doonaan, mana ay itaal darnaan doonaan.
  • 1 Sam 2:9 : 9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis; Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
  • Sab 4:4 : 4 Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
  • Bax 11:7 : 7 Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
  • Sab 46:10 : 10 Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.

  • 16oo ku yidhaahdeen, Ma maqlaysaa kuwanu waxay leeyihiin? Ciise ayaa ku yidhi, Haah, miyaydnaan weligiin akhriyin, Ammaanta waxaad ku hagaajisay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga?

  • 3Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,

  • Sab 110:1-3
    3 aayado
    73%

    1Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso, Ilaa aan cadaawayaashaada ka dhigo meeshaad cagahaaga saaratid.

    2Rabbigu wuxuu Siyoon ka soo diri doonaa ushii xooggaaga, Cadaawayaashaada dhexdooda ka tali.

    3Dadkaagu iyagoo raalli ah bay isbixiyaan maalintii xooggaaga, Iyagoo leh quruxda quduusnimada, ee ka timaada uurka waaberiga, Adigaa leh sayaxa dhallinyaranimadaada.

  • Sab 127:3-4
    2 aayado
    71%

    3Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.

    4Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.

  • Bax 15:6-7
    2 aayado
    71%

    6Rabbiyow, gacantaada midig xoog bay ammaan ku leedahay, Rabbiyow, gacantaada midig cadowga bay burburisaa.

    7Oo mudnaantaada weynaanteeda ayaad ku jebisaa kuwa adiga kugu kaca. Oo waxaad soo dirtaa cadhadaada, kolkaasay iyaga u gubtaa sidii jirrido yaryar oo jajab ah.

  • 4Oo waxaan amiirro uga dhigi doonaa carruur, oo dhallaan baa iyaga u talin doona.

  • 17Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.

  • Sab 18:39-40
    2 aayado
    71%

    39Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    40Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 14Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.

  • 71%

    40Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

    41Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

  • 12Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray,

  • 7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.

  • 42Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.

  • 6Tan iyo uurkii hooyaday adigaa i tiirinayay, Waxaad tahay kii iga soo bixiyey uurkii hooyaday, Had iyo goorba adigaan ku ammaani doonaa.

  • 9Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.

  • 2Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.

  • 28Ilaahaagu xooggaaguu amray, Ilaahow, waxaad noo samaysay noo xoogee.

  • 9Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!

  • 13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

  • 17Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.

  • 4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

  • 10Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.

  • 2Oo afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

  • 13Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.

  • Sab 8:5-6
    2 aayado
    70%

    5Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.

    6Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,

  • 35Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.

  • 13Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.

  • 3Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.

  • 5Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.

  • 2Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.

  • 8Laakiinse Rabbiyow, iyagaad ku qosli doontaa, Quruumaha oo dhan waad quudhsan doontaa.

  • 10Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,

  • 4Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.

  • 8Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada.

  • Sab 2:7-8
    2 aayado
    69%

    7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

    8I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.

  • 1Mahad waxaa leh Rabbiga dhagaxayga weyn ah, Oo gacmahayga dagaalka bara, Farahaygana dirirta bara,

  • Sab 89:8-9
    2 aayado
    69%

    8Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.

    9Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.

  • 49Oo wuxuu iga soo bixiyaa cadaawayaashayda; Haah, waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca; Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.

  • 12Rabbiyow, nabad baad na siin doontaa, oo weliba shuqulladayadii oo dhan baad noo wada samaysay.

  • 6Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto,