Muujintii 17:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwanu waa isku maan, oo iyagu xooggooda iyo amarkooda waxay siiyeen bahalka.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 17:17 : 17 Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.
  • Ish 10:5-7 : 5 ¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro. 6 Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal. 7 Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.
  • Yex 38:10 : 10 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,
  • Fal 4:28 : 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.
  • Fil 1:27 : 27 ¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,
  • Fil 2:2 : 2 farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Muj 17:14-18
    5 aayado
    88%

    14Kuwaasu waxay la diriri doonaan Wanka, oo Wankuna wuu ka adkaan doonaa, maxaa yeelay, isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada; oo haddana kuwa isaga la jira waa kuwa loo yeedhay, oo la doortay, oo aaminiinta ah.

    15¶ Markaasay waxay igu tidhi, Biyihii aad aragtay oo ay dhilladu ku dul fadhiday waxa weeyaan dadad iyo maqluuqyo iyo quruumo iyo afaf.

    16Oo tobankii gees oo aad aragtay iyo bahalkii waxay nebcaan doonaan dhillada, oo iyada way bi'in doonaan oo qaawin doonaan, oo hilibkeedana way cuni doonaan, oo kulligeedna waxay ku gubi doonaan dab.

    17Waayo, Ilaah wuxuu qalbigooda geliyey inay yeelaan fikirkiisa, oo ay isku maan ahaadaan, oo ay boqortooyadooda bahalka siiyaan ilamaa erayada Ilaah ay kaamil noqdaan.

    18Oo naagtii aad aragtayna waxa weeye magaalada weyn oo u talisa boqorrada dhulka.

  • Muj 17:7-12
    6 aayado
    85%

    7Markaasaa malaa'igtii waxay igu tidhi, War, maxaad u yaabtay? Waxaan kuu sheegi doonaa qarsoodiga naagta iyo bahalka iyada sida oo leh toddobada madax iyo tobanka gees.

    8Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.

    9¶ Waa kan maanka xigmadda lihi. Toddobada madax waa toddoba buurood oo ay naagtu ku fadhiisato; oo iyagu waxa weeyaan toddoba boqor;

    10shantood way dhaceen, midna wuu joogaa, midkii kalena weli ma iman; oo markuu yimaado, in yar buu sii jiri doonaa.

    11Oo bahalkii markii hore jiray oo aan haatan jirin, isaga qudhiisuna waa mid siddeedaad oo toddobaduu ka mid yahay; oo wuxuu tegi doonaa halaag.

    12Oo tobankii gees oo aad aragtay waa toban boqor, oo aan weli helin boqortooyo; laakiinse intii saacad ah waxay amar la heleen bahalka sida boqorro oo kale.

  • Muj 13:1-5
    5 aayado
    80%

    1¶ Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.

    2¶ Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.

    3Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii;

    4markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro?

    5Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood.

  • Muj 13:11-18
    8 aayado
    78%

    11¶ Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.

    12Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday.

    13Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa.

    14Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.

    15Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka.

    16Oo haddana wuxuu ka dhigay in kulli, yar iyo weyn, iyo taajir iyo faqiir, iyo xor iyo addoonba sumad lagaga dhigo gacanta midigta ama wejiga;

    17iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa.

    18Xigmaddii waa tan. Kii waxgarasho lahu ha tiriyo nambarka bahalka; waayo, waxa weeye nin nambarkiis, oo nambarkiisuna waxa weeye lix boqol iyo lix iyo lixdan.

  • Muj 13:7-8
    2 aayado
    78%

    7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.

    8Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.

  • Muj 11:6-7
    2 aayado
    75%

    6Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

    7¶ Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga.

  • Muj 19:18-19
    2 aayado
    74%

    18aad idinku cunteene hilibka boqorrada, iyo hilibka kabtannada, iyo hilibka ragga xoogga badan, iyo hilibka fardaha iyo kuwa fuushan, iyo hilibka dadka oo dhan, xor iyo addoon, iyo yar iyo weynba.

    19¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii.

  • 14waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

  • Daan 7:23-25
    3 aayado
    73%

    23Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

    24Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa.

    25Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis.

  • Daan 7:6-7
    2 aayado
    71%

    6Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo.

    7Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees.

  • 17Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.

  • Muj 17:2-3
    2 aayado
    71%

    2taasoo boqorrada dunidu ay ka sinaysteen, oo kuwa dunida degganuna ay khamrigii sinadeeda ku sakhraameen.

    3¶ Markaasay waxay igu qaadday Ruuxa, oo waxay i geeysay cidlada; markaasaan arkay naag fuushan bahal guduudan oo ay ka buuxaan magacyo cay ahu, oo wuxuu lahaa toddoba madax iyo toban gees.

  • Daan 7:20-21
    2 aayado
    71%

    20iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa.

    21Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday;

  • 19Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

  • 9¶ Oo haddana waxaa soo raacday malaa'ig kale oo saddexaad, iyadoo cod weyn ku leh, Haddii nin caabudo bahalka iyo sanamkiisa, ama uu aqbalo sumad in lagaga dhigo wejiga ama gacanta,

  • 4¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

  • Daan 7:11-12
    2 aayado
    69%

    11Wakhtigaas aad baan u fiiriyey, codkii hadallada waaweynaa oo geesku ku hadlay aawadiis; oo waxaan fiirinayay ilaa bahalkii la dilay, bakhtigiisiina waa la baabbi'iyey, oo waxaa loo dhiibay si dab loogu gubo.

    12Oo bahalladii kale ee hadhayna dowladnimadoodii waa laga qaaday, cimrigoodiise waa la dheereeyey ilaa waa iyo wakhti.

  • Muj 14:11-12
    2 aayado
    69%

    11Oo qiiqa caddibaaddooda kor buu u baxayaa weligiis iyo weligiis, oo kuwa caabuda bahalka iyo sanamkiisa, iyo ku alla kii aqbala sumadda magiciisa nasasho heli maayaan habeen iyo maalin toona.

    12Waa kaa samirkii quduusiinta, kuwaas oo ah kuwa xajiya amarrada Ilaah iyo iimaanka Ciise.

  • 5oo waxaa wejiga ugu qornaa magac ah qarsoodi, oo ah Baabuloonta weyn ee hooyada u ah dhillooyinka iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dunida.

  • 2¶ Markaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah.