Rooma 16:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fil 2:29 : 29 Sidaas daraaddeed idinkoo aad u faraxsan isaga Rabbiga ku qaabbila, oo kuwa isaga la mid ahna maamuusa,
  • Fil 4:14-19 : 14 Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen. 15 Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane. 16 Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa. 17 Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya. 18 Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh. 19 Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
  • Kol 4:10 : 10 ¶ Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.
  • 1 Tim 2:10 : 10 Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.
  • 2 Tim 1:18 : 18 Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.
  • Titus 2:3 : 3 Sidaas oo kalena habruhu waa inay asluub quduus ah lahaadaan, oo ayan noqon kuwa wax xanta, oo ayan khamri badan addoommo u noqon, laakiinse ay noqdaan kuwo wax wanaagsan dadka bara.
  • Flm 1:12 : 12 Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.
  • Flm 1:17 : 17 Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.
  • 2 Yoox 1:10 : 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,
  • 3 Yoox 1:5-9 : 5 ¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba. 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo; 7 maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn. 8 Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga. 9 ¶ Wax baan kiniisadda u soo qoray, laakiinse Diyotrefees oo jecel inuu iyaga ka sarreeyo, na aqbali maayo. 10 Sidaas daraaddeed, haddaan imaado, waxaan xusuusin doonaa shuqulladiisa uu sameeyo isagoo hadallo xunxun nagu shubaya. Taasu kuma filla isaga, mana aqbalo walaalaha, kuwii aqbali lahaana wuu u diidaa, kiniisaddana wuu ka eryaa.
  • Mat 10:40-42 : 40 ¶ Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray. 41 Kan nebi ku aqbala nebi magiciis, wuxuu heli doonaa nebi abaalkiis, kan qof xaq ah ku aqbala qof xaq ah magiciis, wuxuu heli doonaa qof xaq ah abaalkiis. 42 Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.
  • Mat 25:40 : 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen.
  • Fal 9:36 : 36 ¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay.
  • Fal 9:39 : 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga.
  • Fal 9:41 : 41 Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.
  • Room 15:7 : 7 ¶ Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.
  • Room 16:3-4 : 3 ¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.
  • Room 16:6 : 6 Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.
  • Room 16:9 : 9 Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
  • Room 16:23 : 23 Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.
  • Ef 5:3 : 3 Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
  • Fil 1:27 : 27 ¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxaan idin barayaa walaasheen Foybi oo ah mid u adeegta kiniisadda ku taal Kenekhreya,

  • Room 16:3-9
    7 aayado
    81%

    3¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

    4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.

    5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.

    6Maryanna igu salaama, tan aad idiinku dadaashay.

    7Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.

    8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

    9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.

  • 75%

    15¶ Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa

    16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

    17Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.

    18Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

    19¶ Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

    20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

  • 72%

    11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.

    12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

    13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.

    14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

    15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

  • Flm 1:15-17
    3 aayado
    72%

    15Mindhaa wuxuu cabbaar kaaga maqnaa inaad weligaa haysatid;

    16laakiinse aadan mar dambe u haysan addoon sidiis, illowse si mid addoon ka wanaagsan oo ah walaal aan khusuusan anigu jeclahay, laakiinse adigu aad iga sii jeceshahay, xagga jidhka iyo xagga Rabbigaba.

    17Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.

  • 11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.

  • Fil 4:2-3
    2 aayado
    71%

    2¶ Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.

    3Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis.

  • Fil 2:29-30
    2 aayado
    70%

    29Sidaas daraaddeed idinkoo aad u faraxsan isaga Rabbiga ku qaabbila, oo kuwa isaga la mid ahna maamuusa,

    30maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.

  • 4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

  • 16Haddii naag rumaysanu ay leedahay carmallo ha u gargaarto iyaga, oo kiniisadda yaan la culaysin, si ay u gargaarto kuwa carmallada runta ah.

  • Flm 1:12-13
    2 aayado
    69%

    12Waan kuu soo celinayaa, isagoo qalbigayga ah.

    13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 27Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,

  • Fil 4:14-16
    3 aayado
    69%

    14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.

    15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.

    16Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa.

  • 34Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.

  • 6Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;

  • Kol 4:9-10
    2 aayado
    68%

    9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

    10¶ Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.

  • 3Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.

  • 10oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.

  • 2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.

  • 25¶ Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,

  • 31in layga samatabbixiyo kuwa caasiyiinta ah oo Yahuudiya jooga, iyo in hawshayda aan Yeruusaalem u qabanayo ay noqoto mid ay quduusiintu aqbalaan;

  • 8Sidaas daraaddeed waxaa inagu waajib ah inaynu kuwaas oo kale soo dhowayno, si aynu u noqonno kuwa runta kala wada shaqeeya iyaga.

  • 22¶ Isla markaasna ii diyaari meel aan ku hoydo; waayo, waxaan rajaynayaa in baryadiinna laygu kiin siiyo.

  • 17Oo Arkhibbos waxaad ku tidhaahdaan, Adeegiddii xagga Rabbiga oo aad heshay, ku dadaal inaad dhammaysid.

  • 7¶ Sidaas daraaddeed isdhoweeya sida Masiixuna idiin dhoweeyey in Ilaah la ammaano.

  • 19Anigoo Bawlos ah waxaan gacantayda ku qorayaa, Anigaa bixin doona. Kugu odhan maayo, Wax baan kugu leeyahay xataa naftaadaba ha noqotee.

  • 18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.