Filiboy 4:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cib 12:14 : 14 ¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.
  • 1 Tes 5:13 : 13 oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
  • 1 But 3:8-9 : 8 ¶ Ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Kulligiin isku maan ahaada, oo isu jixinjixa, oo sida walaalo isu jeclaada, oo isu naxariista, oo is-hoosaysiiya. 9 Shar shar ha ka celinina, cayna cay ha ka celinina, laakiinse duco ka celiya, maxaa yeelay, saas aawadeed waxaa laydiinku yeedhay inaad barako dhaxashaan, waayo, 10 Kii doonaya inuu nolol jeclaado, Oo arko maalmo wanaagsan, Carrabkiisa shar ha ka joojiyo, Bushimihiisana yaanay khiyaano ku hadlin. 11 Oo ha ka leexdo shar, oo wanaag ha sameeyo; Nabad ha doondoono oo ha raacdaysto;
  • Bil 45:24 : 24 Markaasuu walaalihiis diray, oo iyana way tageen; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Idinku jidka ha isugu cadhoonina.
  • Sab 133:1-3 : 1 Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay Inay walaalo wadajir ku degganaadaan! 2 Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa, Oo ku soo dareertay gadhka, Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun, Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa, 3 Waana sida dharabka Buur Xermoon, Oo ku soo dega buuraha Siyoon, Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
  • Mark 9:50 : 50 Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.
  • Room 12:16-18 : 16 Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina. 17 Ninna shar shar ha uga celinina. Ka fikira inaad samaysaan waxa wanaagsan dadka oo dhan hortiisa. 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.
  • 1 Kor 1:10 : 10 ¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
  • Ef 4:1-8 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi, Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray, Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
  • Fil 2:2-3 : 2 farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah. 3 Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.
  • Fil 3:16 : 16 Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.
  • Yac 3:17-18 : 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fil 4:3-4
    2 aayado
    80%

    3Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis.

    4¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.

  • Fil 2:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Haddaba haddii ay Masiixa ku jiraan dhiirrigelin iyo qalbiqabowjis jacayl ah iyo haddii ay ku jirto walaalnimo xagga Ruuxa iyo haddii ay ku jiraan jixinjix iyo naxariis,

    2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

    3Idinku waxba ha ku samaynina iskala-qaybqaybin iyo faan bilaash ah, laakiinse wax walba ku sameeya is-hoosaysiin, idinkoo midkiinba midka kale ku tirinayo inuu ka kale isaga ka wanaagsan yahay.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jeclahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo taajkayga. Gacaliyayaalow, xagga Rabbiga saas ugu xoogaysta.

  • 10¶ Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.

  • 30¶ Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan,

  • 12¶ Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn.

  • 16Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.

  • Room 15:5-6
    2 aayado
    71%

    5Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,

    6inaad isku qalbi iyo isku af ku ammaantaan Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • Flm 1:8-9
    2 aayado
    71%

    8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

    9haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.

  • 18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

  • 8Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga.

  • 4oo kol kasta markaan kulligiin idiin duceeyo, waxaan idiin soo duceeyaa anigoo faraxsan

  • 4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

  • 70%

    3Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 69%

    1¶ Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah,

  • 12Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.

  • 19Oo aad baan idiinka baryayaa inaad tan samaysaan, in dhaqso laygu soo kiin celiyo.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.

  • 12taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

  • 27¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

  • 2inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.

  • 20Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.

  • 5¶ Fikirkaas oo Ciise Masiix ku jiray, idinkana ha idinku jiro.

  • 3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.

  • 1¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan sida weyn oo aan idiinku dadaalayo idinka iyo kuwa La'odikiya jooga iyo in alla intii aan arag wejigayga anoo nool;

  • 12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

  • 20Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.

  • Fil 4:9-10
    2 aayado
    68%

    9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.

    10¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.

  • 25¶ Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,

  • 1¶ Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay.

  • 22¶ Walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad u dulqaadataan hadalka waanada ah, waayo, waxaan idiin soo qoray dhawr eray.

  • 9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

  • 16Laakiin wixii aynu hore u gaadhnay, isla waxaas aynu ku soconno.

  • 21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

  • 3¶ Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,

  • 16Midba midka kale ha la fikir ahaado, ha kibrina, laakiin kuwa hoose la socda. Kuwo isla caqli badan ha noqonina.

  • 20Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya.

  • 16Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 10anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.

  • 1¶ Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay.

  • 4Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.

  • 30idinkoo ku dadaalaya isku dadaalkii aad igu aragteen oo haatanna aad igu maqashaan.