Filiboy 4:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 10:20 : 20 Laakiin tan ha ku farxina in jinniyadu ay idinka dambeeyaan, laakiin ku farxa in magacyadiinnu ay jannada ku qoran yihiin.
  • Muj 3:5 : 5 Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.
  • Muj 13:8 : 8 Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.
  • Muj 17:8 : 8 Bahalkii aad aragtay wuu jiray, haddase ma jiro; oo wuxuu dhowaan ka soo bixi doonaa yamayska, oo wuxuu tegi doonaa halaag. Oo kuwa dhulka jooga oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha waagii dunida la aasaasay, markay bahalka arkaan waxay la yaabi doonaan siduu markii hore u jiray, oo uusan haatan u jirin, oo uu hadda ka dib u jiri doono.
  • Muj 20:12 : 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.
  • Muj 20:15 : 15 Oo ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.
  • Muj 21:27 : 27 oo gudaheedana sinaba uma ay geli doonaan wax nijaas ah amase kii sameeya karaahiyo iyo been; laakiinse waxaa keliyahoo geli doona kuwa ku qoran kitaabka nolosha ee Wanka.
  • Fil 1:27 : 27 ¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,
  • Fil 2:20-25 : 20 Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya. 21 Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix. 22 Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka. 23 Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto. 24 Laakiinse Rabbigaan ku kalsoonahay inaan aniga qudhayduna dhowaan idiin iman doono. 25 ¶ Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,
  • Fil 4:2 : 2 ¶ Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.
  • Kol 1:7 : 7 Sidaasaad ka barateen gacaliyeheenna Ebafras oo addoon nala ah, oo Masiixa u ah midiidin aamin ah aawadeen,
  • 1 Tim 5:9-9 : 9 Ha la qoro carmal aan lixdan sannadood ka yarayn oo nin keliya naag u ahaan jirtay, 10 oo loogu marag furay inay shuqullo wanaagsan samaysay, hadday carruur korisay, hadday shisheeyaha marti soori jirtay, hadday quduusiinta cagaha u maydhay, hadday kuwii dhibaataysnaa u gargaartay, hadday shuqul kasta oo wanaagsan aad ugu dadaashay.
  • Flm 1:8-9 : 8 ¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg, 9 haddana waxaan ka jeclaan lahaa inaan ku baryo jacaylka aawadiis, anigoo ah duqii Bawlos, maxbuusna Ciise Masiix u ah.
  • Fal 9:36-41 : 36 ¶ Haddaba waxaa Yaafaa joogi jirtay naag xer ah oo la odhan jiray Tabita taasoo micneheedu yahay Dorkas. Naagtaas waa camal wanaagsanayd, sadaqooyinna waa bixin jirtay. 37 Wakhtigaas waxaa dhacday inay bukootay, wayna dhimatay, kolkay maydheenna waxay dhigeen qollad sare. 38 Dhowaantii ay Ludda u dhowayd Yaafaa aawadeed, xertii markay maqleen in Butros halkaas joogo, waxay u direen laba nin iyagoo ka baryaya oo leh, Ha ka raagin inaad noo timaadid. 39 Markaasaa Butros kacay oo raacay iyagii. Oo kolkuu yimidna, waxay geeyeen qolladdii sare; carmalladii oo dhammina waa ag taagnaayeen iyagoo ooyaya oo tusaya garbageliyaashii iyo dharkii Dorkas samaysay intay la joogi jirtay iyaga. 40 Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay. 41 Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay.
  • Fal 16:14-18 : 14 Oo naag Ludiya la odhan jiray, oo dhar guduudan iibin jirtay, oo magaalada Tu'ateyra ka iman jirtay, oo Ilaah caabudi jirtay baa na maqashay; taasoo Rabbigu qalbigeeda furay inay dhegaysato waxyaalihii Bawlos ku hadlay. 15 Oo markii la baabtiisay iyada iyo dadkii gurigeeda, ayay naga bariday iyadoo leh. Haddaad qiyaasaysaan inaan Rabbiga aamin u ahay, gurigayga kaalaya oo jooga. Waana na yeelsiisay. 16 ¶ Oo waxaa dhacday, markii aannu u sii soconnay meeshii lagu tukan jiray, in ay naga hor timid gabadh jinni wax sheega qabtaa, taasoo waxsheegiddeeda faa'iido badan ugu keeni jirtay sayidyadeeda. 17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada. 18 Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
  • Room 12:1 : 1 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Ilaah naxariistiisa inaad jidhkiinna Ilaah u siisaan sida allabari nool oo quduus ah oo Ilaah ku farxo, waana cibaadaysigiinna caqliga leh.
  • Room 16:2-4 : 2 inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda. 3 ¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix, 4 oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.
  • Room 16:9 : 9 Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.
  • Room 16:12 : 12 Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.
  • Bax 32:32 : 32 Laakiin hadda haddaad dembigooda cafidid; haddii kalese waan ku baryayaaye, kitaabkaaga aad qortay iga tir.
  • Sab 69:28 : 28 Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
  • Ish 4:3 : 3 Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda
  • Yex 13:9 : 9 Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
  • Daan 12:1 : 1 ¶ Oo wakhtigaas waxaa kici doona Mikaa'iil oo ah amiirka weyn oo dadkaaga u kici doona, oo waxaa jiri doona wakhti dhib badan, oo aan isagoo kale weli la arag intii quruunu jirtay ilaa waagaas, oo wakhtigaas dadkaaga waa la samatabbixin doonaa, mid kasta oo laga helo isagoo ku qoran kitaabka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fil 4:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jeclahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo taajkayga. Gacaliyayaalow, xagga Rabbiga saas ugu xoogaysta.

    2¶ Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.

  • 4¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.

  • Kol 4:11-13
    3 aayado
    73%

    11Weliba waxaa idin soo salaamaya Ciise oo la yidhaahdo Yuustos. Kuwaas oo ka mid ah kuwa gudan ayaa ah kuwa keliya oo iila shaqeeya boqortooyada Ilaah, iyagoo ii noqday kuwo i dhiirrigeliyey.

    12Waxaa kaloo idin soo salaamaya Ebafras, oo idinka mid ah, oo ah addoonkii Ciise Masiix. Kol kastaba baryadiisa ayuu idiinku dadaalaa inaad istaagtaan, idinkoo kaamil ah oo aad u huba doonista Ilaah oo dhan.

    13Waxaan ugu markhaati furayaa inuu u hawshoodo idinka aawadiin iyo kuwa La'odikiya jooga iyo kuwa Hi'erabolis jooga aawadood.

  • Room 16:2-4
    3 aayado
    72%

    2inaad iyada ku dhowaysaan Rabbiga, sida quduusiinta u eg, oo aad ku caawintaan wax kasta oo ay idiinka baahan tahay, waayo, iyaduba kuwa badan bay caawintay iyo xataa aniga qudhayda.

    3¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

    4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.

  • Flm 1:23-24
    2 aayado
    72%

    23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

    24iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.

  • 12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

  • Fil 1:7-8
    2 aayado
    70%

    7Haddaba sidaas daraaddeed waa igu qumman tahay inaan sidaas kulligiin idiinka fikiro, waayo, qalbigaan idinku hayaa, maxaa yeelay, kulligiin waxaad tihiin kuwo nimcada igala qayb qaata xagga xidhnaantayda iyo xagga daaficidda iyo xaqiiqaynta injiilkaba.

    8Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.

  • 9oo weliba waxaan isaga la soo diray walaalkeen Oneesimos, kaas oo ah mid aamin ah iyo gacaliye, oo idinka mid ah. Iyagu waxay idiinka warrami doonaan waxa meeshan ka dhacay oo dhan.

  • 30¶ Walaalayaalow, waxaan idinku baryayaa Rabbigeenna Ciise Masiix iyo jacaylka Ruuxa, inaad igula dadaashaan tukashooyinkiinna markaad Ilaah ii baridaan,

  • 21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

  • Fil 4:14-15
    2 aayado
    69%

    14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.

    15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.

  • 13Waxaan jeclaan lahaa inaan sii hayo inuu aawadaa iigu adeego inta aan injiilka u xabbisanahay.

  • 16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.

  • 25¶ Laakiinse waxaan lagamamaarmaan ku tiriyey inaan idiin soo diro Ebafroditos oo ah walaalkay iyo mid ila shaqeeya oo aan isku askar nahay, oo ah kii aad soo dirteen iyo midiidinkiinna xagga baahidayda,

  • Fil 2:16-18
    3 aayado
    68%

    16idinkoo hore u soo fidinaya ereyga nolosha, si aan anigu u helo wax aan ku faano maalinta Masiixa, taas oo ah inaanan micnela'aan u ordin oo aanan micnela'aan u hawshoon.

    17Oo weliba haddii laygu dul sadqeeyo allabariga iyo hawsha rumaysadkiinna, waan farxayaa, oo kulligiin waan idinla farxayaa,

    18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

  • 23Tiitos waxaa weeyaan wehelkayga iyo ila-shaqeeyahayga xaggiinna; walaaleheenna waa kuwa kiniisaduhu idiin soo direen, waana yihiin ammaanta Masiix.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 5wehelnimadiinna xagga ka-wadashaqaynta injiilka aawadeed maalintii ugu horraysay ilaa haatan.

  • 4iyagoo aad nooga baryaya inaannu ka guddoonno hadiyadda qaybta ku leh adeegidda xagga quduusiinta,

  • 1¶ Walaalahayow, ugu dambaysta, waxaan idinku leeyahay, Rabbiga ku farxa. Sida xaqiiqadaa anigu inaan isla wixii idiin soo qoro dhib iguma aha, laakiinse idinka way idiin roon tahay.

  • 30maxaa yeelay, shuqulka Masiixa aawadiis ayuu dhimasho ugu dhowaaday, markuu nafsaddiisa khatar u geliyey inuu dhammaystiro wixii ka dhinnaa hawshii aad ii qabateen.

  • 17Haddaba haddaad igu tirinaysid inaan ahay saaxiibkaaga wax kula wadaaga, isaga u aqbal sidaad ii aqbali lahayd.

  • 2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.

  • 19Waayo, waxaan ogahay in taasu badbaado ay iigu noqonayso xagga ducadiinna iyo caawimaadda Ruuxa Ciise Masiix,

  • 20Haah, walaalkayow, xagga Rabbiga farxad aan kaa helo, qalbigaygana xagga Masiixa ku qabowji.

  • 15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.

  • 7¶ Axwaalkayga oo dhan waxaa idiin sheegi doona walaalkeen Tukhikos oo ah gacaliye iyo midiidin aamin ah oo addoon ila ah xagga Rabbiga.

  • 11idinkoo nagu wada kaalmaynaya baryadaad noo baridaan, in barakada lana siiyey kuwa badan daraaddood, dad badan ay ku mahadnaqaan aawadayo.

  • 21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

  • 14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

  • 10¶ Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.

  • 27¶ Laakiinse dabiicaddiinnu ha ahaato mid istaahisha injiilka Masiixa, in haddii aan imaado oo aan idin arko, ama haddii aan maqnaadoba, aan wax xaaladdiinna ku saabsan maqlo inaad isku ruux keliya ku taagan tihiin idinkoo isku naf ku dadaalaya iimaanka injiilka,

  • 26kuwaasoo ah niman naftooda u biimeeyey magicii Rabbigeenna Ciise Masiix aawadiis.

  • 2farxaddayda buuxiya, inaad isku maan ahaataan oo aad isku jacayl lahaataan, idinkoo isku niyo ah oo isku maan ah.

  • 3U odhan maayo inaan idin xukumo, waayo, markii hore ayaan idhi, Qalbiyadayada ayaad ku jirtaan inaynu wada dhimanno oo aynu wada noolaanno.

  • 12taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

  • 34Idinka qudhiinnu waad og tihiin inay gacmahanu u adeegeen waxaannu u baahnayn aniga iyo kuwii ila joogayba.

  • 20Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya.

  • 24¶ Haatan waxaan ku farxaa xanuunsigayga aan idiin xanuunsado, oo waxaan dhammaystiraa dhibaatooyinka Masiixa oo jidhkayga ku dhiman jidhkiisa aawadiis kaasoo ah kiniisadda.

  • 16Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad igu dayataan.