Rooma 16:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Gayos, oo aniga iyo kiniisadda oo dhammuba aannu marti u nahay, wuu idin soo salaamayaa. Erastos oo ah qasnajiga magaalada, iyo walaalkeen Kowartos way idin soo salaamayaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 19:22 : 22 Markaasuu wuxuu Makedoniya u diray laba ka mid ah kuwii isaga u adeegi jiray oo ahaa Timoteyos iyo Erastos, isaga qudhiisuse wuxuu ku hadhay Aasiya intii muddo ah.
  • 1 Kor 1:14 : 14 Waxaan Ilaah ugu mahadnaqayaa inaanan midkiinna baabtiisin, Kirisbos iyo Gayus maahee
  • 2 Tim 4:20 : 20 Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.
  • 3 Yoox 1:1-6 : 1 ¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay. 2 ¶ Gacaliyow, waxaan kuugu duceeyaa inaad wax kasta ku liibaantid oo aad caafimaad qabtid siday naftaadu u liibaansan tahay. 3 Waayo, aad baan ugu farxay markii walaalo yimaadeen oo ka markhaati fureen runtaada iyo sidaad runta ugu socotid. 4 Ma lihi farxad tan iiga weyn inaan maqlo in carruurtaydu ay runta ku socdaan. 5 ¶ Gacaliyow, aaminnimaad ku samaysaa shuqul kasta oo aad u samaysid walaalaha iyo shisheeyahaba. 6 Iyagu jacaylkaagay kiniisadda horteeda kaga markhaati fureen. Wanaag baad samayn lahayd haddii aad iyaga u ambabbixisid sida Ilaah istaahilo;
  • Fal 19:29 : 29 Magaaladii oo dhammuna waa wada qasnayd; waxayna qabsadeen Gayos iyo Aristarkhos oo ahaa niman reer Makedoniya oo la socdaali jiray Bawlos, markaasay iyagoo isku wada qalbi ah te'atradii ku yaaceen.
  • Fal 20:4 : 4 Waxaana isagii ilaa Aasiya sii raacay Soobater ina Burhus oo reer Beroya ah, iyo Aristarkhos iyo Sekundos oo reer Tesaloniika ah, iyo Gayos oo reer Derbe ah, iyo Timoteyos, iyo Tukhikos iyo Torofimos oo reer Aasiya ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 84%

    21¶ Waxaa idin soo salaamaya Timoteyos oo ila shaqeeya, iyo Lukiyos, iyo Yasoon, iyo Soosibater, iyagoo ah xigaalkayga.

    22Anigoo Tertiyos ah oo warqaddan qoray, Rabbigaan idinku salaamayaa.

  • 24Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin. Aamiin.

  • Room 16:3-5
    3 aayado
    74%

    3¶ Igu salaama Bariska iyo Akula kuwa iila shaqeeya Ciise Masiix,

    4oo noloshayda aawadeed qoortooda u dhibay. Keligay uma mahadnaqayo, laakiinse kiniisadaha dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhammuna ay ku mahadnaqayaan.

    5Iguna salaama kiniisadda gurigooda ku jirta. Igu salaama gacaliyahay Ebaynetos, kan ah midhaha ugu horreeya ee Aasiya xagga Masiixa.

  • 73%

    17Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.

    18Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

    19¶ Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.

    20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

    21¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.

  • Fil 4:21-23
    3 aayado
    73%

    21¶ Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.

    22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.

    23¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.

  • Room 16:7-16
    10 aayado
    73%

    7Igu salaama Andaronikos iyo Yuniyas oo xigaalkayga ah oo layla xidhay, kuwa caanka ku ah rasuullada dhexdooda, kuwa hortayna Masiixa ku jiray.

    8Ambaliyas, gacaliyahayga xagga Rabbigana igu salaama.

    9Urbanos kan Masiixa noola shaqeeya iyo gacaliyahay Istakhusna igu salaama.

    10Abellees kan Masiixu u bogayna igu salaama. Kuwa reer Aristobulosna igu salaama.

    11Xigaalkay Herodiyosna igu salaama. Iguna salaama kuwa reer Narkisos oo Rabbiga ku jira.

    12Tarufayna iyo Tarufoosa oo Rabbiga u shaqeeyana igu salaama. Gacaliso Bersis oo Rabbiga aad ugu shaqaysayna igu salaama.

    13Igu salaama Rufus kan Rabbigu doortay iyo hooyadiis oo hooyaday oo kale ah.

    14Igu salaama Asunkiritos, iyo Filegoon, iyo Hermees, iyo Batrobas, iyo Hermaas, iyo walaalaha iyaga la jooga.

    15Igu salaama Filologos, iyo Yulya, iyo Neere'us, iyo walaashiis, iyo Olumbas, iyo quduusiinta iyaga la jooga oo dhan.

    16Midkiinba midka kale ha ku salaamo dhunkasho quduus ah. Kiniisadihii Masiixa oo dhammu waa idin soo salaamayaan.

  • Flm 1:23-24
    2 aayado
    72%

    23¶ Waxaa ku soo salaamaya Ebafras oo xagga Ciise Masiix maxbuus ila ah,

    24iyo Markos, iyo Aristarkhos, iyo Deemaas, iyo Luukos, kuwaas oo ila shaqeeya.

  • 15¶ Kuwa ila jooga oo dhammu way ku soo salaamayaan. Igu salaan kuwa iimaanka nagu jecel. Nimco ha idinla wada jirto.

  • 70%

    13Quduusiinta oo dhammi way idin soo salaamayaan.

    14¶ Nimcada Rabbi Ciise Masiix iyo jacaylka Ilaah iyo wehelnimada Ruuxa Quduuska ahu kulligiin ha idinla jireen.

  • 70%

    13Waxaa idin soo salaamaya tan Baabuloon joogta oo laydinla doortay, iyo wiilkayga Markos.

    14Isku salaama dhunkasho jacayl ah. Oo intiinna Masiixa kuwiisa ah oo dhan nabaddu ha u ahaato.

  • Flm 1:2-3
    2 aayado
    69%

    2iyo walaashayo Afiya, iyo Arkhibbos oo askar nala ah, iyo kiniisadda gurigaaga ku taal.

    3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheenna ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 68%

    19¶ Igu salaan Bariska iyo Akula iyo reerkii Oneesiforos.

    20Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay.

  • 14Laakiin waxaan rajaynayaa inaan dhowaan ku arko, oo aynu afkeenna iskula hadli doonno.

  • 24¶ Igu salaama kuwa idin hoggaamiya oo dhan, iyo quduusiinta oo dhan. Kuwa Itaaliya ka yimaadaa way idin soo salaamayaan.

  • 15Walaalaha La'odikiya jooga iyo Numfas, iyo kiniisadda gurigiisa ku jirta nagu salaama.

  • 13¶ Carruurtii walaashaada la doortay way ku soo salaamayaan.

  • 10¶ Waxaa idin soo salaamaya Aristarkhos oo ila xidhan, iyo Markos oo Barnabas abti u yahay, kaas oo wax isaga ku saabsan laydinku amray; hadduu idiin yimaado aqbala.

  • 67%

    16¶ Haddaba Rabbiga nabadda qudhiisu mar walba si kasta nabad ha idiin siiyo. Rabbigu kulligiin ha idinla jiro.

    17¶ Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa; waana u calaamo warqad kasta oo tayda ah. Sidaasaan u qoraa.

    18Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto kulligiin.

  • 1¶ Anigoo odayga ah waxaan warqaddan u qorayaa gacaliye Gayos oo aan runta ku jeclahay.

  • 22¶ Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin.

  • 67%

    23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.

    24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

  • 18¶ Anigoo Bawlos ah ayaa salaantan gacantayda ku qoraya. Xusuusta xidhnaantayda. Nimco ha idinla jirto.

  • 3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.

  • 23¶ Walaalaha ha u ahaadeen nabad iyo jacayl rumaysad la jiro oo xagga Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbi Ciise Masiix ka yimid.