Rooma 8:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Uunku wuxuu filasho aad u weyn ku sugaa muujinta carruurta Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mal 3:17-18 : 17 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Maalintii aan saas sameeyo waxay ii noqon doonaan kuwaygii, iyo xataa khasnad khaas ah, oo waan u tudhi doonaa sida nin ugu tudho wiilkiisa u adeega. 18 Markaasaad soo noqon doontaan oo waxaad kala garan doontaan kan xaqa ah iyo kan sharka ah, iyo kan Ilaah u adeega iyo kan aan isaga u adeegin.
  • 2 But 3:11-13 : 11 Haddii waxyaalahan oo dhammu ay sidaas u baabbi'i doonaan, haddaba dad caynkee ah baa idinku waajib ah inaad noqotaan si aad ugu dhaqantaan dabiicad quduus ah iyo cibaado, 12 idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan. 13 Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.
  • 1 Yoox 3:2 : 2 Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.
  • Muj 21:1-5 : 1 ¶ Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin. 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay. 3 Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; 4 oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen. 5 Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run.
  • Ish 65:17 : 17 ¶ Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan.
  • Room 8:23 : 23 Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.
  • Fil 1:20 : 20 sida aan aad iyo aad u filanayo oo u rajaynayo, inaanan waxba ku ceeboobin, laakiinse siday weligeed ahaan jirtay in haddeerna dhiirranaan oo dhan Masiixa lagu ammaano jidhkayga, hadday tahay nolol iyo hadday tahay dhimashoba.
  • Mat 25:31-46 : 31 ¶ Goortii Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, isaga iyo malaa'igaha oo dhan, markaasuu carshiga ammaantiisa ku fadhiisan doonaa. 32 Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa lagu soo ururin doonaa oo wuxuu u kala sooci doonaa mid mid sida adhijirku u kala sooco idaha iyo riyaha. 33 Idaha wuxuu joojin doonaa midigtiisa, riyahana bidixdiisa. 34 Markaasaa Boqorku kuwa midigtiisa jooga ku odhan doonaa, Kaalaya, kuwa Aabbahay barakeeyeyow, oo dhaxla boqortooyada tan iyo aasaaskii dunida laydiin diyaargareeyey. 35 Waayo, waan gaajooday oo cuntaad i siiseen, waan harraadsanaa oo waad i waraabiseen, qariib baan ahaa oo waad i soo dhoweeyseen, 36 waan qaawanaa oo dhar baad i huwiseen, waan bukay oo waad i soo booqateen, xabsi baan ku jiray oo waad ii timaadeen. 37 Markaasaa kuwa xaqa ahu u jawaabi doonaan iyagoo leh, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan oo aannu cunto ku siinnay, ama adigoo harraadsan oo aannu ku waraabinnay? 38 Goormaannu ku aragnay adigoo qariib ah oo aannu ku soo dhowaynay ama adigoo qaawan oo aannu wax ku huwinnay? 39 Goormaannu ku aragnay adigoo buka ama adigoo xabsi ku jira oo aannu kuu nimid? 40 Markaasaa Boqorkii u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayseen mid ka mid ah walaalahaygan u yaryar, waad ii samayseen. 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Fal 3:21 : 21 kan ay waajibka tahay inay samadu aqbasho tan iyo wakhtiyada la soo celinayo wax walba oo Ilaah kaga hadlay afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Room 8:20-25
    6 aayado
    84%

    20Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis,

    21taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah.

    22Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.

    23Iyagoo keliya ma aha, laakiin innagana waa sidaas oo kale, kuweenna haysta midhihii ugu horreeyey ee Ruuxa, xataa innaga qudheennu dhexdeenna ayaynu ka taahnaa, innagoo sugayna carruurnoqoshadeenna, taasu waxaa weeyaan samatabbixinta jidhkeenna.

    24Waayo, waxaynu ku badbaadnay rajo, laakiin rajadii la arko rajo ma aha, maxaa yeelay, waa ayo kan rajeeyaa wuxuu arko?

    25Laakiin haddaynu rajayno wax aynaan arkin, de haddaba dulqaadasho ayaynu ku sugnaa.

  • Room 8:16-18
    3 aayado
    79%

    16Ruuxa qudhiisu wuu markhaati furaa oo wuxuu ruuxeenna u sheegaa inaynu innagu nahay carruurta Ilaah.

    17Oo haddaynu carruur nahay, de haddaba waxaynu nahay kuwo wax dhaxla, kuwo Ilaah dhaxla oo Masiix wax la dhaxla, haddii aynu isaga la xanuunsanno, in laynala ammaano isaga.

    18¶ Waxaan ku tirinayaa in waxyaalaha wakhtigan la joogo lagu xanuunsadaa ayan istaahilin in lala simo ammaanta iman doonta oo laynoo muujin doono.

  • 1 Yoox 3:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin.

    2Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay.

  • 14¶ In alla intii Ruuxa Ilaah hoggaamiyo, waa carruurta Ilaah.

  • Room 1:18-20
    3 aayado
    70%

    18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

  • 13innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.

  • 29Waayo, kuwuu hore u yiqiin wuxuu haddana hore ugu doortay inay u ekaadaan suuradda Wiilkiisa, inuu isagu curad ku noqdo walaalo badan dhexdood.

  • 18Isagoo doonaya ayuu hadalka runta ah inagu dhalay si aynu u noqonno midhaha ugu horreeya oo uunkiisa.

  • 5Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.

  • 10oo aad samada ka sugtaan Wiilkiisa uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey oo ah Ciisaha inaga samatabbixinaya cadhada imanaysa.

  • Fil 3:20-21
    2 aayado
    68%

    20Laakiinse innaga waddaninimadeennu waxay ku jirtaa jannada halkaasoo aynu weliba ka sugayno Badbaadiye kaas oo ah Rabbi Ciise Masiix.

    21Isagu wuxuu beddeli doonaa jidhkeenna liita inuu u ekaado jidhkiisa ammaanta leh, oo wuxuu ku beddelayaa xoogga uu isagu ku awoodo inuu wax kastaba isaga hoosaysiiyo.

  • 68%

    12idinkoo sugaya oo aad ugu dadaalaya imaatinka maalinta Ilaah, taasoo samooyinku iyagoo ololaya ay baabbi'i doonaan, waxyaalaha abuuranna iyagoo gubanaya ayay dhalaali doonaan.

    13Laakiinse sidii uu inoo ballanqaaday, waxaynu sugaynaa samooyin cusub iyo dhul cusub oo xaqnimo dhex deggan tahay.

    14¶ Sidaas daraaddeed, gacaliyayaalow, idinkoo waxyaalahaas sugaya, ku dadaala in laydin helo idinkoo nabdoon oo aan wasakh iyo eed lahayn Ilaah hortiisa.

  • 5Taasu waxay muujisaa xukunka xaqa ah ee Ilaah, in laydinku tiriyo kuwo istaahila boqortooyada Ilaah, tan aad daraaddeed u xanuunsataan.

  • 2Kan baynu ku dhex taahnaa innagoo u xiisoonayna inaynu huwanno rugteenna xagga jannada ah.

  • 19Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.

  • 13¶ Haddaba isku giijiya guntiga maankiinna, dhug yeesha, oo aad u rajeeya nimcada laydiin keeni doono markii Ciise Masiix la muujiyo.

  • 2 Kor 5:4-5
    2 aayado
    67%

    4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.

    5Maxaa yeelay, kan waxakan inoo sameeyey waa Ilaah, kan carbuunta Ruuxa ina siiyey.

  • 67%

    17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

    18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

  • 7Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

  • 67%

    9iyo inaan dadka oo dhan garansiiyo waxay tahay talogelidda qarsoodigii weligiis ku qarsoonaa Ilaaha ah kan wax walba abuuray.

  • 27Kuwaas Ilaah baa ku farxay inuu iyaga ogeysiiyo waxa ay tahay hodantinimada ammaanta qarsoodigan ee ku dhex jira quruumaha, kaas oo ah Masiixa idinku jira oo ah rajada ammaanta.

  • 23Ammaantii Ilaaha aan dhimanin ayay ku beddeleen sanam u eg nin dhimanaya iyo haad iyo xayawaan iyo waxa bogga ku gurguurta.

  • 7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • 19Maxaa yeelay, waa ayo rajadayada iyo farxaddayada iyo taajka faanidda oo ahaan doona Rabbigeenna Ciise Masiix hortiisa goortuu yimaado? Sow idinka ma aha?

  • 25maxaa yeelay, runtii Ilaah bay been ku beddeleen, oo waxay caabudeen oo u adeegeen ummadda intay caabudi lahaayeen kan uumay oo weligiis ammaanta leh. Aamiin.

  • 13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 6Taas waad ku faraxsan tihiin in kastoo, haddii ay waajib tahay, aad haatan wakhti yar ku murugootaan jirrabaaddo badan oo kala cayncayn ah.

  • Yac 5:7-8
    2 aayado
    66%

    7¶ Haddaba, walaalayaalow, dulqaata ilaa imaatinka Rabbiga. Bal ogaada, ninka beerrey ahu wuxuu sugaa midhaha qiimaha leh ee dhulka, isagoo u dulqaata ilaa uu helo roobka hore iyo kan dambe.

    8Idinkuna dulqaata, qalbiyadiinnana xoogeeya, waayo, imaatinka Rabbigu wuu dhow yahay.

  • 8Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa.

  • 15inaad ceeb iyo eed la'aataan, idinkoo ah carruurtii Ilaah oo aan iin lahayn, oo ku dhex jira qarni qalloocan oo qallafsan, kuwaas oo aad uga dhex muuqataan sida nuurar dunida ku dhex jira,

  • 15Isagu waa suuraddii Ilaaha aan la arki karin, oo ah curadka uunka oo dhan;

  • 19Sidaas daraaddeed kuwa doonista Ilaah u xanuunsada, iyagoo samafalaya, naftooda ammaano ha ugu dhiibeen Abuuraha aaminka ah.

  • 14oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.

  • 5Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.